newsspec-35029-100-women > app > somali > embed

Test Page

Bixinta Hay'adaha Soo Saara Hay'ada Si Degdeg Ah U Gaadhsiiya Habab kasta oo Faa'iidooyin Badan oo Hindiya ah Waxay ku Diraysaa Fursadaha Caalamiga ah ee Degaanka Faa'iido Leh Ayadoo Bixineysa Tixgalinta Sannadlaha Dadweynaha Forex Si Loo Abuuro Xafiis, Farriinta Mawduucdeeda Xaaladda

Macluumaadka saaxiibtinimo ee nolosha, aragtidooda, aragtidooda, qaab dhismeedka, suuqa, iwm., Yoolalka bartilmaameedka koowaad waa isku mid. Ujeeddada hagitaanka iibsashada waa la ogeysiiyay. Hada mawduuca xorriyadda Ingiriisiga qaybtan looma sheegin. Jaane Dishame Kooxda La-tashiga Qalabka Qalabka Dhirta ee Loogu Baahan Yahay ee Dunida Laakiin

Dumarka ku jira liiska 2022 ee 100-ka dumar ee BBC

100 ka Dumar ee BBC 2022: Yaa kamid ah sanadkan?

100 Dumar - BBC adeegga caalamka

BBC waxay soo bandhigaty liiska 100-ka dumar ee ugu saamaynta badan aduunka oo dhan sannadka 2022.

waxaa kamid ah Billie Eilish, Marwada 1aad ee Ukraine Marwo Olena Zelenska, Atariisho Priyanka Chopra Jonas, iyo Selma Blair, "Tsarina-da muusiga ee Ruushka" Alla Pugacheva,(boqorod hore oo ruushka ka talin jirtay) Buura fuushada Iran u Dhalatay Elnaz Rekabi, gabadha jabisay rikooraha ciyaarta bootinta ee saddex jibaarka Yulimar Rojas, iyo qoraaga u dhalatay Ghana, Nana Darkoa Sekyiamah.

Tani waa xalqadii tobnaad ee 100-ka dumar, waxaanuna uga faaidiisanaynaa fursaddan inaan ku ogaanno hurumarka la sameeyay tobankii sano ee u dambeysay.iyada oo la qaaday talaabooyin badan oo loo qaaday dhanka hurumarka xuquuqda dumaraka sida tirada dumarka ee hogaanka noqotay ilaa dhaqdhaqaaqa "MeToo" hadana waxaad moodda in aanay fari ka qodnayn.

liiskani wuxuu ka turjumayaa doorka dumarka ee bartamaha colaadaha aduunka 2022- laga bilaabo banaan baxayaasha sida geesininmada u dalbanayay isbadal ka dhaca Iran, ilaa wajiga dumarka colaadda iyo iska caabinta Ukrain ee Ruushka. Markii u horaysay sanadkan, 100-kii dumar ee hore ayaan ka codsannay inay magacaabaan kuwa kale ee ay isleeyihiin boos ayey uga qalmaan liiska 2022.

Siyaasadda & Wax-barashada

Maeen Al-Obaidi

Maeen Al-Obaidi, Yemen

Qareen

Iyadoo dagaalka sokeeye ee Yemen uu sii kordhay sanadkan, qareen Maeen Al-Obaidi waxa ay sii waddaa inay diirada saarto nabadaynta magaalada go'doonsan ee Taiz. Waxay qaadatay doorka dhexdhexaadnimada, fududaynta maxaabiista ay isweydaarsanayaan kooxaha iska soo horjeeda. In kasta oo aysan mar walba ku guulaysan inay dagaalyahanno dib ugu celiyaan qoysaskooda iyagoo nool, waxay isku daydaa inay hubiso in meydka dadka dhintay la soo celiyo.

Waxay si mutadawacnimo ah ugu shaqeysay Ururka Haweenka Yemen, halkaasoo ay difaacday haweenka la xiray. Waxay sidoo kale ahayd haweeneydii ugu horreysay ee loo dalacsiiyo Golaha Qareennada, iyada oo kormeeraysay guddiga xuquuqul insaanka iyo xorriyadda.

Fatima Amiri

Fatima Amiri, Afghanistan

Arday

Dhalinyaro reer Afgaanistaan ah, Fatima Amiri waxay ka mid tahay dadkii ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taal Kabul oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof, oo u badnaa gabdho arday ahaa. Waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah oo ay ku jiraan isha oo ka go’day iyo dhaawac xooggan oo ka soo gaaray daanka iyo dhegta.

Inta ay soo kabanaysay, waxa ay diyaarinaysay imtixaanka jaamacada oo ay fadhiisatay bishii October, iyada oo heshay wax ka badan 85%. Hamigeeda hadda waa in ay Jaamacadda Kabul ka barato cilmiga kombuyuutarka , waxayna sheegtay in isha ay ku weyday weerarka ay faaiido dhiiranaan ah ka heshay.

Nathalie Becquart

Nathalie Becquart, Vatican

Wad'aad

Magacaabisteedi Pope Francis uu u magacaabay xoghaye hoose oo ka tirsan golaha baadariyada ayaa ka dhigay haweeneydii ugu horeysay ee abid qabata jagadan. Doorkeedu waa, kamid ahaanshaha tiro hoggaamiyeyaal ah oo kala taliya baadariga arrimaha muhiimka u ah Kaniisadda Katooliga, iyo sidoo kale inay tahay haweeneyda keliya ee leh xuquuqda codbixinta. Xoghayaha guud ee kooxda ayaa sheegay sanadkii 2021 in magacaabisteedu muujineyso "albaab u furmay" haweenka.

Horaan, wadaad (Nun) Faransiis ah oo ka tirsan kiniisadda Xavières ayaa soo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee agaasime ka ah Adeegga Qaranka ee Wacdinta Dhallinyarada iyo Xirfadaha ee Faransiiska.

Sida Pope Francis uu sheegayo, 'waa waajib cadaalad ah in lala dagaallamo dhammaan takoorka iyo waxyeelaynta' haweenka… Si wadajir ah, waxaan u baahannahay inaan si walba u taageerno si aan u yeelano haween badan oo ku jira jagooyinka hogaaminta ee heerarka kala duwan.

Nathalie Becquart

Taisia Bekbulatova

Taisia Bekbulatova, Russia

Saxafi

Suxufiyad caan ah oo Ruush ah, Taisia ​​Bekbulatova ayaa aasaastay warbaahinta madaxa-bannaan ee Holod 2019-kii. Ururka ayaa si weyn uga warbixiyay dagaalka Ukraine, iyo sidoo kale daabacaadda sheekooyinka ku saabsan sinnaan la'aanta, rabshadaha, iyo xuquuqda haweenka. Shabakaddan ayaa mas’uuliyiinta dalkaasi waxay ka xireen gudaha dalka Ruushka bishii April, xilligaasi oo ay socdeen olole ka dhan ah warbaahinta madaxa bannaan.

Iyadoo ay taasi jirto, Bekbulatova iyo kooxdeeda ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan shaqadooda, kadib markay arkeen koboca akhristayaasha. Bekbulatova, oo ka tagtay Ruushka 2021 ka dib markii lagu calaamadiyay 'wakiil shisheeye', ayaa u safartay Ukraine lafteeda si ay uga warbixiso dagaalka ka socda jiida hore.

Ma aaminsani horumar lama huraan ah. Ilbaxnimada casriga ahi waxay had iyo jeer u ekayd mid jilicsan oo sahlan in la burburiyo. Xaquuqda dumarkuna waa kuwa ugu horreeya ee meesha ka baxa.

Taisia Bekbulatova

Kristina Berdynskykh

Kristina Berdynskykh, Ukraine

Saxafi

Intii uu socday dagaalka Ukrain, Saxafiyaddan ku guulaysatay abaal-marinta, Kristina Berdynskykh ayaa ku soo wareegtay dalkeeda, iyadoo ka soo warisay gobollo ay ka dhaceen duqeymo uu Ruushku ka geystay. Qaar ka mid ah shaqadeeda ayaa si gaar ah diiradda ay ugu saartay faahfaahinta nolol maalmeedka magaalo ay colaaduhu ka jiraan.

Waxa ay ku dhalatay Kherson, Berdynskykh waxay 14 sano ahayd weriye siyaasadku xeel dheer ka ahayd Kyiv dhexeeda, oo ay ku jiraan majaladda NV iyo mashaariic kala duwan oo TV iyo raadiyaba ah. Waxay abuurtay (e-People), mashruuc warbaahinta bulshada ah oo ku saabsan ka qaybgalayaasha Kacaankii Euromaidan ee Ukraine oo markii dambe noqday buug.

María Fernanda Castro Maya

María Fernanda Castro Maya, Mexico

Udhaqdhaqaaqe dadka naafada ah

qabisteeda naafada garaadka awgii, Fernanda Castro waxay u dagaalantaa kuwa kale ee iyada lamidka ah inay awood u yeeshaan ka qaybgalka siyaasadda. Waxay qayb ka tahay koox u dooda xuquuqda iinta, oo ay taageerto hay'adda xuquuqda aadanaha, iyada oo ka codsanaysa dhammaan xisbiyada siyaasadda ee Mexico inay ku daraan dadka naafada ah xagga garaadka iyo waxbarashada xisbiyadooda.

Shaqadeedu waxay dabooshaa baahida luqadda ee dukumeentiyada khuseeya go'aamada siyaasadeed, iyo ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadda iyo munaasabadaha doorashada. Castro waxa ay ka mid ahayd waftiga Mexico ee Qaramada Midoobay ee soo bandhigay warbixin ku saabsan xuquuqda naafada, waana wakiilka shabakadda caalamiga ah ee Inclusion International.

Chanel Contos

Chanel Contos, Australia

U dhaqdhaqaaqe Ogolaanshaha galmada

Aasaasaha dhaqdhaqaaqa loogu magac daray 'Na Bar Oggolaanshaha' (Teach Us Consent) kaas oo u ololeeya ogolaanshaha dhamaystiran iyo waxbarashada galmada, 2021 Chanel Contos ayaa soo dhigtay sheeko Instagram-ka, iyada oo waydiinaysa taageerayaasheeda in iyaga ama qof ay garanayeen handadaad galmo lagu sameeyay iskuul-ka dhexdiisa. 24 saacadood gudahood in ka badan 200 oo qof ayaa ku jawaabay "haa".

Waxay bilowday codsi ay ku codsanayso barista hore ee ogolka gudaha Australia. mahadi haka gaadhee ol'oleheeda awgii' waxbarashada ogolaanshah lalaga bilaabo 2023 waxay noqon doontaa qasab dhammaan dugsiyada laga bilaabo dugsiga hoose ilaa sanadka 10aad . Hadda waxay dadka ka wacyigelinaysaa ka saarista cinjirka galmada ee aan la isku raacsanayn, ama Qarinta, iyo sidoo kale olole dembi ka dhigaya falkan.

Eva Copa

Eva Copa, Bolivia

Siyaasi

Hogaamiyihii hore ee ardayda kasoo jeeda Aymara, Eva Copa ayaa ruxaysa siyaasadda Bolivia. Ka dib markii ay ku guuldareysatay in xisbigeedu u magacaabo si ay u noqoto maayarka magaalada El Alto, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka, waxay ka hortimid musharraxoodii waxayna ku guuleysatay codadka 69%. Waxay dhawaan ku dhawaaqday qorshaha Caasimadda ee haweenka, kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu xoojiyo xuquuqda haweenka iyada oo loo marayo siyaasadda iyo maalgashiga.

Copa kuma cusba siyaasadda, waxa ay soo noqotay senator intii u dhaxaysay 2015 iyo 2020. Kala qaybsanaanteeda xisbiga talada haya ayey dad badani u arkaan in ay u wareegayso qaab siyaasadeed Bolivia, oo laga wada muuqdo.

Waxaan u baahannahay hoggaamiyeyaal badanoo haween ah : haweenku ha sarejoogsadaan, weligood yaanay jilba joogsan.

Eva Copa

Joy Ngozi Ezeilo

Joy Ngozi Ezeilo, Nigeria

Macalin Sharciga

maadaama ay tahay madaxii hore ee laanta sharciga ee jaamacadda Nigeria iyo ergaygii hore ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa tahriibinta,Joy Ezeilo waxay hormuud ka tahay masraxyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Waa agaasimaha aasaasay hay'adda gargaarka Dumarka ee loosoo gaabiyo (WACOL), Taas oo 25-kii sano ee u dambeeyay siinayey dumar gaaraya ilaa 60,000 oo nugul, talooyin dhanka sharciga iyo hoy. Waxay sidoo kale aasaastay Xarunta Gudbinta Xadgudubka Galmada ee Tamar, si ay gargaar degdeg ah u siiso dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubka.

Chimamanda Ngozi Adichie

Waxaa magacaabay guulaystahii 2021, qoraa Chimamanda Ngozi Adichie

“barfasoor Ezeilo waxa ay saamayn ku yeelatay nolosha dad badan bixinteeda gargaarka sharci oo lacag la’aan ah ee dadka saboolka ah, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha xuquuqdooda insaanka lagu xad-gudbay.”

Ibijoke Faborode

Ibijoke Faborode, Nigeria

Aasaase ElectHER

Iyadoo loo marayo ElectHER, Ibijoke Faborode waxay wacdaro ka dhigtay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee haweenka Nigeria. Ururkeedu waxa uu ka shaqeeyaa sidii uu u soo afjari lahaa sinnaan la'aanta matalaadda siyaasadda waxana uu in ka badan 2,000 oo haween ah ka hawlgeliyay siyaasadda Afrika oo dhan. iyadoo la adeegsanayo ol'olaha #Agender35, ururkeedu waxa uu si toos ah u taageerayaa 35 haween ah oo u tartamaya xafiis heer degmo ama federaal ah doorashada guud ee 2023, iyada oo garab ka siinaysa dhanka ilaha dhaqaalaha iyo aadmiga.

Waxay sidoo kale ka danbeysay barnaamijkii mobilada ee ugu horeeyay ee dumarka Afrikaanka ah kaasoo falanqeeya xogta doorashada. Faborode hadda waxa ay ka shaqeysaa Golaha Hoggaanka ee Dimuqraadiyadda iyo Dhaqanka, kaas oo tilmaamaya habab cusub oo lagu horumariyo geedi socodka dimuqraadiyadda.

Erika Hilton

Erika Hilton, Brazil

Siyaasi

Haweeneydii ugu horreysay ee jinsi-badal madowna ah ayaa markii u horeysay loo doortay kursi ka mid ah Congress-ka dalka Brazil. Erika Hilton waa dhaqdhaqaaqe u ololeeya ka hortagga cunsuriyadda, iyo bulshada LGBTQ+ iyo xuquuqul insaanka.

Dhowr iyo toban jirkeedii ayey qoyskeeda oo muxaafid ah guriga ka eryeen, halkaas oo markii dambe ay darbi jiif noqotay, ka hor inta aanay jaamacad ku biirin. ayadoo leh aqoon siyaasadda ardayda,Hilton waxay u guurtay Sao Paulo waxayna ku biirtay xisbiga bidixda ee PSOL. 2020 waxaa loo doortay golaha deegaanka waxayna ku dhaqaaqday qorista sharci soo bandhigay sanduuqa degmada ee ka hortagga gaajada magaalada ugu weyn Brazil.

Dagaalkeenu waa in aan gaarno xuquuq siman, mushaar siman iyo soo afjaridda xadgudubyada ku saleysan jinsiga, haddaynu nahay madow, Laatiinka, Cadaan, Faqiir, Taajir, (Cis) ama (transgender).

Erika Hilton

Park Ji-hyun

Park Ji-hyun, South Korea

Dib u habeeye siyaasadeed

mar ay ahayd arday jaamacadeed , Park Ji-hyun waxay si qarsoodi ah gacan uga gaysatatay in loo dhoco mid ka mid ah mareegyada internet-ka ee dembiyada galmada ee ugu weyn Koonfurta Kuuriya, oo loo yaqaanay qolalka Nth. Sannadkan waxa ay si guud u soo bandhigtay khibradeeda, waxaanay gashay siyaasadda, iyada oo la xidhiidha hablaha codbixiyayaasha ah.

Markii xisbiga Dimuqraadiga lagaga adkaaday tartankii madaxtinimo, waxay u magacaabeen hogaamiye ku meel gaadh ah. Waxay sidoo kale ku jirtay guddiga haweenka, kaas oo diiradda saaray wax ka qabashada dembiyada galmada dhijitaalka ah. Bishii Juun, xisbiga ayaa la kulmay khasaare kale, wayna iska casishay. In kasta oo laga yaabo in aanay hadda lahayn door rasmi ah, haddana waxaa ka go'an in ay riixdo sinnaanta jinsiga ee siyaasadda.

Dembiyada galmada dhijitaalka ah waxay khatar ku yihiin xuquuqda haweenka caalamka oo dhan waxaanan u baahannahay inaan dhibaatadan u xallino wadajir.

Park Ji-hyun

Zahra Joya

Zahra Joya, Afghanistan

Saxafi

Lix sano oo ay xukunka Taalibaan ku hoos noolayd, Zahra Joya waxay noqotay ‘Maxamed’ waxayna u labisan jirtay sidii wiil si ay iskuul u dhigato. Markii ciidamada Maraykanku ay afgembiyeen Taliban sannadkii 2001 waxay ku soo noqotay dugsiga Zahra. 2011-kii ayay shaqo wariyenimo bilowday waxayna inta badan ahayd gabadha keliya ee wariye ka ah qolka wararka.

Waa aasaasaha Rukhshana Media, oo ah wakaaladda wararka dumarkaee ugu horeysay Afgaanistaan, oo loogu magac daray 19 jir ay Taliban dhagax ku dileen. Joya ayaa laga soo badbaadiyey Afgaanistaan 2021-kii, waxayna hadda gacanta ku haysaa Warbaahinta Rukhshana iayadoo musaafuris ku ah UK. Waxay ku guulaysatay Abaalmarinta Gates Foundation's 2022 Changemaker.

Waxaan aaminsanahay awoodda jilicsan ee erayada waana inaan ka hadalnaa caddaalad darrada ka dhanka ah haweenka.

Zahra Joya

Ursula von der Leyen

Ursula von der Leyen, Germany

Madaxweynaha komishanka Yurub

Madaxwenihii dumar ahaa ee ugu horeeyey (European Commission), Ursula Von Der Leyen waa siyaasi jarlmal ah. Waxay kasoo shaqaysay golihii wasiirada ee Angela Merkel waxayna noqotay wasiirkii difaac ee dumar ah ee ugu horeeyay ee jarmalku yeesho.

Ku dhalatay Brussels,waxay bartay dhaqaalaha iyo dawooyinka ka hor inta aany siyaasadda ku biirin.Waxay qabatay shaqada ugu saraysa midowga Yurub 2019-kii,waxayna ururka hogaaminaysay ayadoo ay socdeen, kabixitaankii Britain ee midowga Yurub,Faafaha Covid-19,iyo dagaalka Ukraine.Waa awoodda ka dambeysa sharciga midowga yurub ee sinaanta jinsiga ee madaxda shirkadaha oo sanadkan dhaqan galay.

Sanna Marin

Waxaa magaacabay Guulayste 2020,Raysal wasaaraha Finland Sanna Marin

“Maadaama Yurub ay wajahaysay dhibaatooyin midba mid ka dambaysa,Ursula von der Leyen waxay muujisay Hagaajin Cajiib ah marka ay timaad in Yurub ay si wada jir ah uga baxdo caqabadahan.Hogaankeedu waa mid aan lumin. Waqtiyadu way adagyihiin balse ayadaa kasii adag.”

Naomi Long

Naomi Long, Northern Ireland

Siyaasi

Wasiirkii hore ee cadaaladda Naomi Long waxaa sanadkan loo keenay sharci dajinta inay wax ka qabato tiro xad gudubyo galmo ah oo ka dhacay woqooyiga Ireland, oo ay ka mid yihiin muuqaalada anshax xumada dumarka laga duubo, Tusid xubinka taranka qof aan raali ka ahayn iyo inay ka takhalusto difaaca 'galmada qalafsan'. maadaama oo ay soo gaadheen hanjabaado dil ah, Long waxay sidoo kale raadinaysaa wacyi galinta in aan la dhibaatayn dumarka siyaasiyiinta ah.

Long oo xirfad ahaan baratay injineernimada madaniga ah, waxay ku biirtay xisbiga is-bahaysiga 1995-kii. kadib markii ay soo noqotay maayarka Belfast, waxay 2010-kii noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee xisbigeeda loogu doorto Westminster, waxay kaga guulaysatay kursigan wasiirkii kowaad ee hore Peter Robinson oo asagu ku fadhiyey in ka badan 30 sano.

Waxaan u baahannahay inaan wax ka qabanno dabeecadaha abuuraya Jawi uu xad-gudubku caadi ka yahay. Taasi waxay ka dhigantahay inaan dhamaanteen si toos ah iyo si joogta ah ula loolamaynno dhaqanka xaqsiinta ragga, eexda jinsiga, iyo Xumaanta.

Naomi Long

Ayesha Malik

Ayesha Malik, Pakistan

Waxaa loo magacaabay sanadkan garsorihii ugu horeeyay ee dumar ah maxkamadda ugu saraysa Pakistan, Garsoore Ayesha A. Malik waxay qortay xukummo lagu ilaalinayo xuquuqda dumarka. Waxaa kamid ah xukunkeedii laalayey waxa loogu yeero 'tijaabada laba farood' ee dulmanayaasha kufsiga. 'Tijaabooyinkan bikranimada' ayaa la adeegsan jiray si loo baadho kiisaska kufsiga ilaa laga joojiyey 2021-kii

Waxaa dhinac socda doorkeeda garsoorenimada, in Malik ay tababarro u fidiso xaakimiin caalamka ka kala socda waxaana loo caleema saaray kulanka xaakimiinta dumarka ee Pakistan,oo lagu dhiirigalinayo doodda aragtida jinsiga ee nidaamka cadaaladda.

Dumarku waa inay dhisaan aragti cusub - taas oo ay kamid yihiin aragtidooda,waaya aragnimadooda,iyo dhamaan sheekooyinkooda.

Ayesha Malik

Zara Mohammadi

Zara Mohammadi, Iran

Bare

Waa mid kamida aasaasayasha ururka dhaqanka-bulshada Nojin, Zara Mohammadi Waxay u hurtay wax ka badan toban sano wax barista luuqadda Kurdish-ka magaaladeeda sanandaj.

Dastuurka Iran wuxuu xusayaa in adeegsiga luuqadaha gobolada iyo qowmiyadaha si xor ah loogu ogalaado goobaha wax barashada,balse qareenno iyo u doodayaal ayaa sheegaya in dhabtu aanay sidaas ahayn.Saas darteed caruurtu ma kuma baran dugsiyada karaan afkooda hooyo. Dawladda Iran ayaa Mohammadi ku eedaysay abuurista "kooxo iyo bulshooyin carqaladaynaya amniga" waxaana lagu xukumay shan sano oo xarig ah. Tan iyo janaayo 2022 ayey xabsiga ku jirtaa.

Mia Mottley

Mia Mottley, Barbados

Raysal-wasaare

Mia Mottley oo ah raysal wasaarihii ugu horeeyay ee dumar ah ee ay Barbados yeelato ayaa markeedii labaad guul xoog badan ka gaadhay doorasha dalkaas ka dhacday bishii Janaayo ee sanadkan. waxay hogaaminaysay xisbiga shaqaalaha tan iyo 2008-dii waxay ku hagtay dalkan jasiiradda ah in talada laga badalo nidaamka boqortooyada ah, iyada oo xiriirka u jartay qoyska reer boqortooyo ee Britain, kadibna ka dhigtay dalkeeda Jamhuuraddii ugu dambaysay aduunka.

Mottley ayaa lagu yaqaan cod karnimadeeda ku aadan isbaddalka cimilada.Shirkii COP27 ayey si aad ah ugu dhaleecaysay wadamada dhaqaalaha leh sida ay ugu guul daraysteen wax ka qabashada dhibaatada cimilada.

Sepideh Qoliyan

Sepideh Qoliyan, Iran

Ol'oleeye siyaasadeed

Sepideh Qoliyan oo ah arday sharciga dhigata ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah kadib markii ay taageertay xuquuqda shaqaalaha gobolka Khuzestan, ee koonfur galbeed Iran. Waxay afartii sano ee la soo dhaafay gashay afar xabsi oo kala duwan oo Iran yaal, oo uu ku jiro xabsiga Evin, oo ah goobta aasaasiga ah ee hoyga maxaabiista siyaasadeed halkaasoo Qoliyan loogasii wareejiyay Oktoobar 2021.

Xitaa xabsiga dhexdiisa, way sii wadatay shaqadeeda, iyadoo soo dirtay cajalad maqal ah oo sharraxaysa sida " Arxan darrada" ah ee loola dhaqmay. Waxay sidoo kale cod u tahay maxaabiista dumarka ah, intii ay damaanadda banaanka ku joogtayna, waxay qortay buug ku saabsan " jirdilka " iyo "cadaalad darada" ay haweenku kala kulmaan xabsiyada Iran.

Roza Salih

Roza Salih, Scotland

Siyaasi

Bishii may 2022, Roza Salih ayaa noqotay qaxootigii ugu horeeyay ee loo doorto golaha magaalada Glassgow, Waxay timid Scotland ayadoo yar kadib markii qoyskeeda lagu qasbay inay ka qaxaan Ciraaq.Hadda xildhibaanka SNP ee qaybta Greater Pollok, Salih waxa ay u ololayn jirtay xuquuqda qaxootiga tan iyo yaraanteedii, iyada iyo saaxiibadeeda iskuulka ayaana isusoo baxay si ay uga mudaaharaadaan xidhitaanka saaxiibkeed.

Ololahooda , 'Gabdhaha Glassgow' ayaa isha ku duway qaabka loola dhaqmo magangaliyo doonka. Salih ayaa u dhaqaaqday si wax uga aasaasto ururka taageerada Kurdistan ee Scotland, iyada oo booqatay deegaanada kurdiyiinta ee Turki iyadoo ah udoode xuquuqda aadanaha.

Simone Tebet

Simone Tebet, Brazil

Xubin ka tirsan senet-ka federaalka Brazil

Dad badan ayaa u arka inay kasii cadhaysiinayso siyaasadda sii xumaanaysa ee Brazil, seneter-kan dhexdhexaadka ah Simone Tebet ayaa markeeda saddexaad soo af jartay tartankeeda madaxtinimada. Waxaa loo doortay wakiil Gobol 2002-dii iyo Gudooiyaha magaaladeeda oo loo doortay 2004-tii iyo 2008-dii. 2014-kii, waxaa senate loogu doortay 52% codadkii la aqbalay.

Waxay noqotay haweenaydii ugu horaysay ee loo doorto madaxa gudiga dastuurka iyo cadaaladda ee senate-ka, oo loo arkayey gudiga ugu muhiimsan ee waaxda. Barfasooradan sharciga dhigta wax ka badan toban sano, Tebet waxay sidoo kale hogaamisay guddi isku dhaf ah oo la dagaalama gacan qaadka ka dhanka ah dumarka.

Qof waliba waa inuu ogaado in mustaqbalku yahay Dheddig, booska haweynayduna yahay meel walba oo ay doonto.

Simone Tebet

Kisanet Tedros

Kisanet Tedros, Eritrea

Beles Bubu waa kanaal Youtube ah oo caruurta bara dhaqankoda iyo afkooda,waxaa aas'aasay hal abuure Kisanet Tedros. Waxay ku dhalatay kuna barbaartay itoobiya, yaraanteediiba waxay u bogtay muhiimadda ay leedahay fahamka luuqaddu si qofku u dareemo ku xirnaanta asalkiisa.

Kooxdeeda soo saarku waxay isu keneen dad iskood u bartay codadka iyo fanka dhanka dijitaalka oo ay kasoo aruuriyeen Eritrea, Uganda iyo Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee kongo si ay u sameeyaan muuqaallo dhijitaalka.Muuqaalada waxaa hela waalidiin tigreega ku hadla ee jooga Ethiopia iyo Eritrea iyo caruurtooda.Tedros waxay Uganda ka abaabushay Xafalddi ugu horaysay ee 'Caruurta Beles Bubu ' oo loo dhigay qaxootiga Kampala,Uganda.

Cheng Yen

Cheng Yen, Taiwan

Samafale Buddhist ah

Dharma Master Cheng Yen waxaa loo arkaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saameynta badan dhanka horumarinta diinta Buddistaha casriga ah ee Taiwan. Aasaasaha hay'adda samafalka ee Tzu Chi Foundation, waxaa mararka qaarkood loogu yeeraa 'Mother Teresa-da Aasiya'.

Waxay bilawday ururkan 1966, iyada oo ku bilowday 30 haween gurijoog oo kaliya waxayna iska aruuriyeen lacag si ay u caawiyaan qoysaska baahan. Waxa ay tan iyo markaas yeelatay malaayiin taageerayaal ah adduunka oo dhan, iyada oo bixisa gargaar caalami ah iyo gargaar caafimaad, maamushana dugsiyo iyo isbitaallo. Hadda oo ay da'deedu tahay 80-meeyo, taageereyaasheeda waxay sii wadaan ololayaashooda samafalka ah oo ay dhawaanahanba gargaar maaliyadeed iyo agabba ugu deeqayeen qaxootiga Ukraine ee ay dagaalladu aafeeyeen.

Nazanin Zaghari-Ratcliffe

Nazanin Zaghari-Ratcliffe, UK/Iran

shaqaale Samafal

"Dunidu waa inay u midowdaa sidii loo hubin lahaa inaan qofna la hayste noqon ama lagu xirin wax aysan samayn" waxaa sidaas yidhi Nazanin Zaghari-Ratcliffe oo ah Britain-Iran ka dib markii ay sii daayeen mas'uuliyiinta Iran bishii Maarso, muddo dheer ka dib. Olole uu waday ninkeeda Richard oo riixaya dawladda Ingiriiska si loo sii daayo oo loo xalliyo muran dayn taariikhi ah oo kala dhexeeya Iran.

Nazanin ayaa si sabab la’aan ah loogu xiray dalka Iran xilli ay fasax kula jirtay gabadheeda 2016-kii, ka dibna iyada oo ah gabar diblomaasiyadeed ayey afduub ku qabsadeen mas’uuliyiinta Iran si ay cadaadis u saaraan dowladda Ingiriiska. Waxay haysay muddo lix sano ah - oo ay markii hore ku xukuntay Maxkamadda Kacaanku 'isku day ay ku afgambinaysay nidaamka Iran'. Markii xukunkeedii ugu horreeyay la soo gabagabeeyay 2021, waxaa lagu xukumay xukun labaad, waxaana lagu hayay Iran ilaa heshiis diblomaasiyadeed laga gaaray. Zaghari-Ratcliffe waxay si adag u beenisay dhammaan eedeymaha, waxayna ninkeeda la qoraysaa xusuus.

Olena Zelenska

Olena Zelenska, Ukraine

Marwo kowaad

Qoraa TV oo guul gaaray waxay ka shaqayn jirtay daaha gadaashiisa, Olena Zelenska ayaa fagaaraha aduunka kasoo muuqatay kadib markii ninkeeda, Volodymyr Zelenskyy, uu noqday madaxwenaha Ukraine 2019.Marwo kowaad ahaan waxay ka shaqaysay wanaajinta xuquuqda dumarka iyo hurumarinta dhaqanka Ukraine.

Weerarkii Ruushka kadib,waxay madasheeda u adeegsatay iftiiminta dhibaatooyinka dadka reer Ukraine, ayada oo noqotay xaaska madaxweyne ajnabi ah ee abid khudbad ka hor jeedisa Congress-ka Maraykanka. Waxay hadda diirada saaraysaa tageero dhanka caafimaadka maskaxda ah caruurta iyo qoysaska dhaawac maskaxeedku kasoo gaaray dagaalka.

Dumarku waxay qaateen masuuliyado ka badan kuwii xilliga nabadaa... haweenay dagaalka la kulantay talaabo dib uma qaadayso. waanan hubaan in kalsoonideena gudaha ay korrayso.

Olena Zelenska

Dhanqanka & Ciyaaraha

Dima Aktaa

Dima Aktaa, Syria

Orodyahan

Dima Aktaa gurigeeda suuriya waxa la qarxiyey 2012-kii. waxay ku wayday lugteeda iyo mid kamida waxay u jeclayd samayntiisa: Orod. Qiyaas dhan 28% suuriyaan ah ayaa naafoobay, ku dhawaad laba jibaar tirada celceliska ee caalamka, sida lagasoo xigtay xogta UN-ka.Toban sano kadib,Aktaa UK ayey Joogtaa, waxayna u taba baranaysaa siday uga qayb qaadan lahayd tartanka curyaanada ee 2024.

Ka dib markii ay lacag u ururisay qaxootiga intii lagu jiray aafada covid19, waxaa loo aqoonsaday inay xubin ka tahay kooxda kubbadda cagta ee England, Lionhearts. Sheekadeeda ayaa dhawaan lagu soo bandhigay muuqaalka muusiga ee heesaa Anne-Marie, waxayna sii waddaa kor u qaadista wacyiga xoogga dadka naafada ah.

Zar Amir-Ebrahimi

Zar Amir-Ebrahimi, Iran

Atariisho

Atariishada ahna filin soo saaraha sanadkan ku guulaysatay abaal marinta Zar Amir-Ebrahimi ayaa noqotay atariishadii ugu horaysay ee Irani ah taasoo guul ka gaadha (Cannes) soo bandhigisteedii Holy Spider, Filin ku saabsan sheeko run ah oo laga sameeyay dilaa layn jiray shaqaalaha galmada.

Amir-Ebrahimi waxa ay ku qasbanaatay inay ka tagto Iran si ay uga fogaado cadaadis iyo in lagu soo oogo dacwad,ka dib markii muuqaal galmo ah ee keed ah la faafiyey lana kulantaya ol'ole sumcad dil ah oo ku saabsan nolosheedii hore ee jacaylka. 2008 waxay u guurtay Paris, iyada oo aasaastay shirkaddeeda wax soo saarka ee Alambic Production, waxayna sii wadday inay dhisto xirfad cajiib ah kamarada horteeda iyo gadaasheedaba.

Selma Blair

Selma Blair, US

Atariisho

Waxaa lagu xasuustaa doorkeeda dhaqanka pop-ka ee filimada sida, (Cruel Intentions), (Legally Blonde) iyo (Hellboy franchise), Selma Blair waa jilaa filimada iyo barnaamijyada telefishanada.

Waxaa sanadkii 2018 laga helay cudurka loo yaqaano sclerosis, waxaana lagu ammaanay kor u qaadista wacyiga xanuunkan, iyadoo si daacad ah uga hadashay safarkeedii caafimaad iyo caqabadaha soo wajahay. Sannadkan, waxay sii daysay xusuus-qorkeeda Mean Baby, waxayna ku biirtay shirkad is qurxineed oo karti leh, iyada oo ujeedadu tahay in la sameeyo ergonomic cosmetics oo ay fududahay in qof walba isticmaalo.

Waxaan ahay qof waqti adag soo martay, oo waxyaaba badan lagula yaabi karay awoodaydana si fudud loo kala daadin karay, balse taageero dumar kale ayaan halkan kusoo gaaray.

Selma Blair

Ona Carbonell

Ona Carbonell, Spain

Dabaalyahan

Ona Carbonel oo ah dabbaalyahanad u dhalatay Spain waxay u ololeysaa aragtida ahaansha hooyo isla markaana ah ciyaartoy sare. waa olambigyahanad 3 jeer, waxayna hanatay wax ka badan 30 billadood oo ay kamid yihiin qalinka iyo naxaasta olambikada.

2020-kii waxay dhashay ilmaheedii ugu horeeyay waxayna bilowday inay u taba barato sidii ay uga qayb gali lahayd olambikadii Tokyo ka dhacaysay.Waxay ka dhawaajisay niyad jabkeeda ku aaddan xeerarka dhigaya in aanay wiilkeeda yar ku noojin karin munaasabdda dhexdeeda. sanadkan dhexdiisa ayey markii labaad hooyo noqotay. waxay sheekadeeda kaga waranatay muuqaal dukumentari ah si ay u tusto dumarka kale in hooyonimada iyo ciyaaruhu is qaadan karaan

Sarah Chan

Sarah Chan, South Sudan

Sahmiye NBA

Ciyaartoydii hore ee kubbadda koleyga Sarah Chan ayaa hadda la talisa oo ay ku bartaa ciyaaraha dhalinyarada Afrika oo dhan. Sidoo kale waa haweeneydii ugu horeysay ee maareeye sahmiye ka ah Afrika ee kooxda Kubadda Koleyga ee Toronto Raptors ee NBA.

Ka dib markii ay ka soo carareen dagaaladii ka dhacay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, iyada iyo qoyskeeda waxay u guureen dalka Kenya, halkaas oo Chan ay ka billaabatay xirfadda kubbadda koleyga . Waxay deeq waxbarasho oo kubbadda koleyga ah ka heshay Jaamacadda Union ee Jackson, Tennessee, waxayna si xirfad leh ugu ciyaartay Afrika iyo Yurub. Chan waxay aasaastay (Home At Home/Apediet Foundation), Hay'ad la dagaalanta guurka caruurta, una doodda waxbarashada, iyo isticmaalka ciyaaraha si ay wax u bartaan dhalinyarada.

Waxaad tahay waxa aad naftaada ka aaminsan tahay, markaa rumayso mustaqbal u qalma dhammaan riyadaada iyo himilooyinkaaga.

Sarah Chan

Priyanka Chopra Jonas

Priyanka Chopra Jonas, India

Atariisho iyo soo saare

In ka badan 60-filim oo magaceeda ku suntan Priyanka Chopra Jonas waa mid ka mid ah xidigaha jilayaasha filimada Bollywood ee ugu waaweyn. Ka dib filimkeedii ugu horeeyay ee 2002, gabadhan haysata biladda quruxda ee (Miss World) hurumarkeedii Hollywood wuxuu yimid kadib markii ay taariikhda ku gashay jilaagii ugu horreeyay ee Koonfur Aasiya ee filin taxane ah ka hogaamisa shabakad Mareykan ah (Quantico, 2015).

Filimaanta Hollywood ee ay ka qayb qaadatay waxaa kamid ah filimka, (isn't It Romantic) iyo (The Matrix Resurections).Waxay samaysatay shirkad filimida soo saarta, iyada oo hadda filimaan hindiya ku samaysa.Chopra waxay sidoo kale ergay ka tahay Unicef Goodwill, iyadoo u ol'olaynaysa xuquuqda caruurta iyo wax barashada gabdhaha.

Dhaqdhaqaaqa MeToo iyo codadka falcelinta ee haweenka wadajirka ah ee isu imaanaya, is ilaalinaya, isna garab taagan - waxaa ku jira wadajirka wax aad u xoog badan .

Priyanka Chopra Jonas

Billie Eilish

Billie Eilish, US

Fanaan-abwaan

Billie Eilish oo haysta abaal marinta (Grammy) ahna qof jabisay rikoore hore u yaalay waxaa lagu yaqaanaa inay ku riixdo muusigeeda soohdimaha, laga bilaabo heestada (single your power) taasoo ka dhan ah dadka Gabdhaha yar yar fara xumeeya illaa, heestada kale ee (All The Good Girls Go To Hell), heestan uu ka hadleysa isbeddalka cimalada

waxay taariikh ka dhigtay bandhig faneedka Glastonbury ayada oo ka noqotay hogaan faneedkii ugu da'da yaraa abid, ayada oo u adeegsatay heesaheeda ka mudaharaadidda go'aankii maxkamadda ugu saraysay maraykanka ay ku joojisay xuquuqda dastuuriga ah ee ilma iskasoo xaaqidda. waxay si furan uga hadashay bilicda jirka, xilliyadeedii xanuunka walwalka iyo la noolaanshaheeda xanuunka loo yaqaan ( Tourette's Syndrome.

xilligan aan ku jirno waxaan ku sugnahay dareen hubanti la'aan ah. Dumarku kor ayey mareen. waxaa jiray xilli gaar ah oo aan rajjo dhig ahaa waayo gabdhaha aniga oo kale ah looma qaadanayn si dhab ah.

Billie Eilish

Ons Jabeur

Ons Jabeur, Tunisia

Ciyaaryahan tenis-ka

Kadib tartankii taariikhiga ahaa ee horyaalka Wimbledon 2022, xidigan tunuusiyaanka ah ee ciyaarta tenis-ka Ons Jebeur waxay noqotay haweenaydii carab ama afrikan ah ee abid gaadha kama dambaysta tartanka Grand Slam ee xiliga furan. bilo uun kadib, waxay hadana gaadhay kamadambaysta (final) US open.

Gabadhan 28 jirka ah, oo ciyaarta Tennis-ka bilawday iyada oo saddex jir ah, ayaa kaalinta labaad ka gashay ururka Tennis-ka Haweenka (WTA) - jagada ugu sarraysa ee abid uu qabto qof Afrikaan ah ama Carab ah, lab iyo dhedig. Jabeur waxay ku ku guuleysatey saddex koob oo kalinimo ciyaar ah, waxaana lagu amaanay dhiirrigelinteeda jiilka cusub ee ciyaartoda ah.

Sneha Jawale

Sneha Jawale, India

Shaqaale Bulsho

Kadib markii waalidkeed ka bixin kari wayeen lacag badan oo yarad ah diseembar 2000,Sneha Jawale ninkeeda ayaa shidaal inta ku shubay hadana dab ku daaray.Qoyskeedu ma aanay wax dacwa ah ka gudbinin ninka.kadib markii uu wiil ay isu dhaleen uga tahay waxay go'aansatay inay dib u dhisto nolosheeda, waxayna noqotay faaliso akhrisa kaararka loo yaqaan Tarot - Shaqo aan qasab ahayn in wajigeeda la arko.

Jawale oo hadda ah shaqaale bulsho, waxaa laga codsaday inay ka qayb gasho ciyaar masraxeedka, Nirbhaya, oo loogu magac daray dhibbane loo gaystay kufsi wadareed 2012-kii,laguna saleeyay waaya aragnimada dadka kasoo badbaaday dhibaatooyinka. Inay bandhig u samayso dadyow caalamka ku kala sugan ayaa ka caawisay inay ka guulaysato cabsideeda.

10-kii sano ee u dambeeyay aragtida ku aadan dadka ka badbaaday gubista iyo aashatada ayaa is badashay.Isuma arko wax ka yar boqoradda quruxda ee dalka ama aduunka. Waxaan leehay waan qurux badanahay, waanan ahay.

Sneha Jawale

Reema Juffali

Reema Juffali, Saudi Arabia

Darawal tartanka

Sannadkii 2018-kii, Reema Juffali waxa ay samaysay taariikh kadib markii ay noqotay haweenaydii ugu horreysay ee sucuudi ah ee ku tartanta darawalnimada gawaarida orodka. Sannadkan, waxay aasaastay kooxdeeda gaarka ah, Theeba Motorsport, si ay uga qayb qaadato tartanka GT Open ee caalamiga ah, sidoo kalina ay u wanajiso gelitaanka iyo ka qaybgalka sucuudiga ee tartanka baabuurta . Iyada oo wadatay kooxdeeda, darawalkan xirfadlaha ah ayaa abuuraysa fursado waxbarasho oo kala duwan iyo barnaamijyo si loo hagaajiyo kala u dhannaanta isboortiga.

Iyada oo ay tusaale u tahay dumarka kale ee gawaarida tartanka wada, Juffail waxay rajeynaysaa inay gasho mar kale kaalinta kowaad markii ugu horeysay - oo ay ka qayb kasho tartanka caanka ah ee Le Mans 24-saac ayadoo adeegsanaysa Theeba Motorsport.

Aragtiyo badan oo xun oo ku aaddan dumarka ayaa wali bulshada dhexdeeda ku hadhsan. Taageeradu waxay u baahan tahay inay ka timaaddo guriga, iyo sidoo kale bulshada, si loo helo isbeddel macno leh oo waara.

Reema Juffali

Kadri Keung

Kadri Keung, Hong Kong

naqshadeeye fashion

Naqshadeynta dharka quruxda badan ee dadka waayeelka ah iyo kuwa kala duwan ayey Kadri Keung aad u xiisaysaa. Waxay hooyadeed Ophelia Keung la bilowday shirkadda faashanka ee RHYS sannadkii 2018, iyadoo ay dhiirigelisay daryeelka ayeeyadeed Kadri oo ay garatay in dharka dadka da'da ah ay inta badan ka maqan yihiin qaab iyo quruxba.

maadaama ay ka qalin jabisay naqshadaynta dharka, Keung waxay isku daraysaa aqoonteeda iyo baahida macaamiisha, ha ahaato xirmooyinka velcro ama bac lagu xiro tuubada. shirkaddeedu waxay shaqaalaysiisay oo ay tababartay 90 haween ah oo danyar ah, oo ay ku jiraan qaar naafo ah. 2022, Keung waxay bilowday Boundless, oo ah shirkad loo dhan yahay oo kor u qaadaysa alaabada la fal galaya faashanka.

Mie Kyung (Miky) Lee

Mie Kyung (Miky) Lee, South Korea

Soosaare

maadama si xamaasadaysan ay u taageerto fanka, Miky Lee waxay hor kacaysaa hirka cusub ee dhaqanka Kuuriya. waa shaqsiga ka dambeeya hurmarka caalamiga ah ee kooxaha fanka K-pop waana naqshadeeyaha bandhig faneedka KCON. sidoo kale waa soo saaraha (Parasite) filimkii ajnabi ahaa ee ugu horeeyay ee ku guulaysta abaal marinta Oscar dhanka sawirka.

Lee waa gudoomiye ku xigeenka shirkadda koonfu kuuriya ee madadaalada CJ ENM - Shirkad TV soona saarta filimaanta iyo muusigga sidoo kalena qaybisay fillooyinka laga daawado telefishanada.

Rebel Wilson

waxaa magacaabay guulaystihii 2021. atariisho Rebel Wilson

“Waa AWOOD DUMAR oo dhamays tiran, waxayna ii tahay qof aan ku daydo. waxay matashay kana dhigtay dhaqankeeda mid caalami ah heer walba.” - Rebel Wilson

Laura McAllister

Laura McAllister, Wales

barfasoore ah ciyaaryahan hore

Kabtankii hore ee kooxda kubbadda cagta haweenka Wales, Laura McAllister ayaa dhawr jago oo sarsare ka soo qabatay maamulka ciyaaraha. Hadda waa guddoomiye ku xigeenka guddiga kubbadda cagta haweenka ee Uefa waxayna isu soo sharaxday inay noqoto wakiilka Uefa ee Golaha Fifa Abriil 2021. Waa agaasime guddi oo ka tirsan Ururka Kubadda Cagta Wales Trust.

McAllister oo hadda bare ka ah Jaamacadda Cardiff, waa khabiir ku takhasusay siyaasadda Welsh. Sannadkan, waxa ay Wales u dooratay danjiraha ciyaaraha ee LGBT si ay uga qaybgasho Koobka Adduunka ee Qatar. Waxaa laga codsaday inay iska bixiso koofiyaddeeda 'darbiga qaanso-roobaadka' (calaamad lagu muujiyo taageerada bulshada LGBTQI+) markay soo gashay garoonka.

Milli

Milli, Thailand

fanaan heesa rap-ka

Fanaan ahna heesaa, Danupha Khanatheerakul, oo ku magac dheer magaceeda masraxa Milli, ayaa adeegsata erayo muran dhaliyay si ay wax uga qabato arrimaha ay ka mid yihiin heerarka quruxda ee aan xaqiiqada ku salaysnayn iyo raali ahaanshaha galmada. Waxay ku heesta (rap-taa) luuqado iyo lahjado badan, ayadoo ku daraysa erayo af suuqeed ah oo ay bulshada jinsi-badalka ee Thailand adeegsadaan. Waxay dhawaan ku dhawaaqday albamkeedii ugu horeeyay oo loo yaqaan BABB BUM BUM.

Waxay ka noqotay dareen faafa bandhig faneedka Coachella ee sanadkan iyada oo ka hor imaanaysa dacaayadaha xun xun ee Thai-ga iyo dawladda, iyo sidoo kale cunisteedii bariis dhaqameedka Thailand ee loo yaqaan (Mango Sticky Rice) ay masraxa ku dul cuntay. Sannadkii hore waxay wajahday eedaymo sumcad-dil ah kadib markay dhaleecaysay qaabka ay dawladdu uga jawaab bixisay Covid-19. waxaa ka dhashay Hashtag-kii ahaa #SaveMilli ee faafay.

Rita Moreno

Rita Moreno, Puerto Rico/US

Atariisho

Dad aad u tiro yar ayaa hela darajada EGOT - waa erey loo yaqaan guusha ugu sareysa ee ku guuleysiga abaalmarinnada sida Emmy, Grammy, Oscar, iyo abaal marinta Tony - balse Rita Moreno ayaa ka mid ah dadkan. Jilaa Puerto Rican, heesaa oo sidoo kale qoob ka ciyaarto ah ayaa markii ugu horeysay masraxa kasoo muuqatay ayadoo 13 sano jir ah waxayna soo martay toddobaatan sano oo xirfad cajiib ah.

Waxay ka soo muuqatay filimaanta sida,(Singin' in The Rain), (king and I), balse jilitaankeedi (Anita | Westside Story) ayaa ka dhigay (Latina) tii ugu horeysay ee abid ku guulaysata Oscar. Steven Spielberg wuxuu darteed u Qoray kaalin jilit oo cusub taas oo lagu amaanay , oo hadda ku jirta 90-meeyadeedii.

Salima Rhadia Mukansanga

Salima Rhadia Mukansanga, Rwanda

Garsoore

Xilli taariikhi u ah kubbadda cagta caalamiga ah, Salima Rhadia Mukansanga ayey Fifa u dooratay mid ka mid ah seddexdii garsoore ee dumar ah ee ugu horreeyay kuwaasoo garsoore ka noqda Koobka Adduunka ee ragga, Qatar 2022 - markii ugu horreysay ee tartanka noocan ah haweenku doorkan oo kale ka ciyaaraan 92-ka sano ee tartankani jiray.

Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee garsoore ka noqota ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Afrika ee ragga, waxayna sidoo kale garsoore ka noqotay Ciyaaraha Olombikada ee Tokyo. Horay ayay u maamushay ciyaaraha heerka ugu sarreeya ee kubbadda cagta haweenka caalamiga ah. Ka hor inta aysan ka shaqeyn isboortiga, waxay u tababartay umuliso.

Alla Pugacheva

Alla Pugacheva, Russia

Fanaan

Alla Pugacheva oo curisa kuna luuqaysa heesaha waxay iibisay wax ka badan 250 milyan oo cajal.Kaydkeedu wuxuu ka sareeyaa 500 oo heesood iyo 100 album, 'tsarina-da pop-ka Ruushka' waa astaan dhaqanka,waxay caan ku tahay codkeeda nadiifta ah ee (Mazzo-Soprano),inkastoo ay hadda hawlgab tahay.

Waxaa marar badan laga maamuusay Ruushka muusigeeda awgii,hase ahaatee Pugacheva waxay marar badan jeedisay hadallo ka dhan ah Dawladda.Dhawaan waxay soo dhigtay barteeda Instagram ee ay ku xiranyihiin 3.6 milyan oo qof, fariin ay kagasoo hor jeeddo dagaalka ruushka ee Ukrain,ayada oo la kulanatay fal celinno u dhexeeya amaan iyo eedo khayaana qaran ah.

Aduunku hurumar la taaban karo ayuu ka sameeyay dagaalka logu jiro inay dumarku helaan wax barasho iyo isku filnaanshaha dhaqaale. Hasayeeshee, Xadgudubyada gurigu wali waa wax ka jira wadamma badan.

Alla Pugacheva

Elnaz Rekabi

Elnaz Rekabi, Iran

Buur-fuule

Horyaalkii Aasiya ee ka dhacay Koonfurta Kuuriya bishii Oktoobar, gabadha buur-fuushada ah ee u dhalatay dalka Iran Elnaz Rekabi ayaa ku tartamaysay xijaab la'aan, iyadoo dalkeeda ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo xijaabka qasabka ah. Waxa ay gashay kaalinta afraad ee horyaalada, laakiin waxa ay caan ka dhex noqotay dibad baxayaasha Iran. Dad badan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Tehran markii ay ku laabatay dalkeeda, waxaana aad loogu amaanay baraha bulshada.

Qoraal ay soo dhigtay boggeeda Instagram-ka ayey markii dambe ku sheegtay in xijaabkeedu uu ka dhacay “si aan ula kac ahayn” waxayna raaligelin ku siisay dadka Iran wareysi ay siisay TV-ga dawladda “jahawareerka iyo welwelka”. Si kastaba ha ahaatee, ilo ayaa BBC Persian u sheegay in wareysigeedu uu ahaa qiraal qasab ah.

Yulimar Rojas

Yulimar Rojas, Venezuela

Ciyaartoy

Bilad Olimbikada (dahab iyo qalin) ku guulaysatay saddex jeerna ku guulaysatay horyaalka adduunka, Yulimar Rojas ayaa noqotay qofka haysta rikoodhka adduunka ee bootinta saddexlaha ah ee dumarka markii ay 15.74 mitir ku diiwaangelisay tartankii gudaha ee ciyaaraha fudud ee Adduunka bishii Maarso. Waxay hadda dejisay himilooyinkeeda ku aaddan guul ka sii weyn - oo ay boodday 16m.

Waxay ku dhalatay Caracas, Venezuela, kuna barbaartay meel sabool ah oo ku taal xeebta Kariibiyaanka, waxay u tiirisay nolosha hurmarkeeda, nolosha adag ee ay soo martay. Hadda oo ay ka tirsantahay kooxda Barcelona ee ciyaaraha fudud, Rojas waxa ay waddankeeda ka gaadhay maqaam geesinimo leh. Waxay si cad u tahay lesbian iyo u doodaha codka ee arrimaha LGBTQ+.

Dumarkeenna waa inaan la ina cabsi galin. Wax aan ino suurta galahayn ma jiro, hadaba way caddahay in la ina quudhsan karo balse waxaan si kalsooni leh u muujinnay waxa aan galno

Yulimar Rojas

Sally Scales

Sally Scales, Australia

Fanaan

sanadkan 2022, lataliyaha farshaxanka Sally Scales ayaa loo magacaabay kooxda la shaqaynaysa dawladda Australia ka hor aftida loo yaqaan 'Voice to Parliament' - wadatashi taariikhi ah, kaas oo, haddii lagu guuleysto, la arki doono dadka asaliga ah oo si joogto ah uga dhex muuqda geeddi-socodka baarlamaanka.

Hogaamiyahan dhaqanka iyo farshaxanka ee la ixtiraamo, Scales waa haweeney Pitjantjatjara ah oo ka soo jeeda Pipalyatjara ee galbeedka fog ee dhulka Anangu Pitjantjatjara Yankunytjatjara (APY) , ee Koonfurta Australia. Waa haweeneydii labaad ee qabata jagada gudoomiyaha APY, waana afhayeenka Xarunta Farshaxanka ee APY Collective, koox ganacsiyo dhaqameed wadani ah.

Julia Gillard

Waxaa soo magacaabay guulayste 2018,Siyaasi hore Julia Gillard

“Sally waa hal-abuure fanka cajiibka ah iyo fahamka aadanaha labadaba. Iyada oo iftiiminaysa oo dhiirigelinaysa dadka kale, waxay abaabushaa isbeddella badan oo loo baahan yahay si loo dhammeeyo isku-dhafka xun ee midab-takoorka iyo jinsiga.”

Nana Darkoa Sekyiamah

Nana Darkoa Sekyiamah , Ghana

Qoraa

Buugeeda nolosha galmada ee dumarka afrikaanka (The Sex Lives of african Women) ayaa lagu tilmaamay "warbixin cajiib oo ku saabsan baadigoobka xoreynta galmada", dib u eegis cajiib ah oo ay samaysay (Publishers Weekly). Waxa uu wargeyska The Economist ku daray buugaagtii ugu wanaagsanaa sanadkan, isagoo ka tarjumaya codad kala duwan oo ka kala yimid qaarada iyo qurbajoogta caalamka.

Qoraaga iyo dhaqdhaqaaqa haweenka Nana Darkoa Sekyiamah sidoo kale waa aasaasaha Adventures ka qolalka jiifka ee Haweenka Afrika - bar internet, oo bandhigyada abuura nuxur si looga sheekeeyo waaya-aragnimada dumarka Afrikaanka ah ee ku saabsan galmada, iyo raaxada.

Dumarku waxay ku guulaysteen inay abuuraan madal loo wada dhanyahay. Laakiin waxaan wajahaynaa dib u dhac, taasoo ah natiijada guulahayaga - iyo dib u dhacan oo si gaar ah u saameeya dadka kala duwan ee jinsiga iyo kuwa jinsiga aan lahayn.

Nana Darkoa Sekyiamah

Geetanjali Shree

Geetanjali Shree, India

Qoraa

Qoraa Geetanjali Shree ayaa taariikh dhigtay kadib markii ay noqotay qoraagii ugu hereeyay ee hindi ah oo ku guulaysata abaal marinta caalamiga ah ee loo yaqaan (Booker Prize), buugeeda (Tomb Of The Sand) Turjumadiisa afka ingiriiska iyo Turjumada af Ingiriiska ee Ret Samadhi ayey kaalintan ku gashay.sidoo kale turjumada faransiiska ee buugeeda ayaa sidoo kale soo galay liiska buugaagta ku guulaysan kara abaal marinta Emile Guimet.

Shree waxay ku qortaa afka Hindiga iyo kan ingiriiska buugaata mala-awaalka iyo kuwa aan ahaynba.iyada oo ku caan ah qaab Curineedkeeda luuqadda, shaqooyinkeeda waxaa lagu turjumay qaar badan oo kamid ah luuqadaha Hindiga iyo kuwa ajnabiga ahba.Waxay sidoo kale ka shaqeysaa qoraallada masraxa iyadoo la kaashaneysa kooxda masraxa ee Vivadi, oo ay xubin aasaase ah ka tahay.

Dumarku waxay waligoodba ku gorgoortamayeen doorarkooda.Balse xilligeenan waxaa laga gaaray horumarro dhamaan dhinacyada kala duwan ee nolosha,Xataa hadii aanay dhaqamadu u sinnayn.

Geetanjali Shree

Alexandra Skochilenko

Alexandra Skochilenko, Russia

Fanaan

Fanaanadan St Petersburg, Alexandra Skochilenko ayaa loo xiray kadib markii warqadda qiimaha ka fujisay kuna dhejisay alaabta dukaamada lagu gado farriimo ku saabsan dagaalka Ukraine, oo ay ku jiraan macluumaadka ku saabsan tirada suurtagalka ah ee khasaaraha ka dhashay weerarkii cirka ee Mariupol. Ka dib markii uu soo sheegay qof kale oo wax ka iibsanaya, waxaa lagu soo oogay sharciga mamnuucaya 'war-warka' ku saabsan ciidamada qalabka sida ee Ruushka.

Hadda waxa ay ku sugan tahay xarun lagu hayo inta aan maxkamad la saarin iyada oo xukun sugaysa, waxa ay isu haysataa in ay tahay qof u xiran fikirkeedawaxayna wajahaysaa ilaa 10 sano oo xadhig ah.

Skochilenko waxay qortay buugaag majaajillo ah oo diiradda saaraya caafimaadka dhimirka, oo ay ku jiraan Qoraallada Niyad-jabka iyo Waa maxay Mania? Saaxiibkeed ayaa ka warbixisay walaac ku saabsan caafimaadka Skochilenko intaa xabsiga lagu hayo.

Velia Vidal

Velia Vidal, Colombia

Qoraa

Sheeko-yaqaan iyo dhiiri-geliye dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka El Chocó ee Colombia, Velia Vidal waxay aad u jeceshahay akhriska la wadaago. Waa aasaasaha Motete, oo ah urur kor u qaada akhriska iyo suugaanta, iyo sidoo kale dhaqanka gaarka ah ee Chocó. Waxay sidoo kale abaabushaa bandhiga akhriska iyo qoraalka ee Chocó, iyada oo u aragta suugaanta inay tahay qalab lagula dagaallamo sinnaan la'aanta iyo cunsuriyadda ka jirta mid kamid ah gobolada Colombia ugu dib marsan.

Buuggeedii ugu dambeeyay, Aguas de Estuario, wuxuu noqday buugii ugu horeeyay ee ku guulaysta deeqda daabacaadda ee qorayaasha Afro-Colombian ee Wasaaradda Dhaqanka Kolombiya bixiso. Waxay cilmi-baare ka tahay mashruuca Afluentes, hindise wadajir ah oo lala leeyahay Matxafka Ingiriiska.

Waxaan hadda aad ula soconaa dulmiga taariikhiga ah ee haweenka iyo baahida loo qabo in laga daweeyo, laakiin waxaan ku guuldareysanay inaan aqoonsanno sida cunsuriyadda ay u sii qoto dheereyso dulmiyada lagu hayo dadka madowga ah iyo kuwa asaliga.

Velia Vidal

Esraa Warda

Esraa Warda, Algeria/US

Qoob ka ciyaare

Gabar qurba joog Algerian ah, Esraa Warda waa halgamaa dhaqameed taaso qoob ka ciyaar dhaqameedka Algeria ka saartay qolka fadhiga una saartay Fasalka. Waxay udoodda ilaalinta ciyaarta dumarku hogaamiyaan ee woqooyiga Afrika, diirad gaar ahna waxay saarta 'rai' oo qoob ka ciyaar taariikh ahaan lala xiriiriyo mudahaardka bulshada.

Macalinkeedu waa Cheikha Rabia, oo kamid ah dhowrka qurba joog dumar ee ciyaartan khabiiirka ku ah ciyaartan raï. Warda waa fanaan dalxiise ah iyo bare, bandhiyadeeda iyo shaqooyinkeeduna waxay gaareen daafaha aduunka, laga bilaabo Waashintoon ilaa Londan.

Xuquuq u Doodidda & Qareenimada

Gohar Eshghi

Gohar Eshghi , Iran

Udhaqdhaqaaqe rayidka

Gohar Eshghi waxay astaan adkaysi iyo dulqaad ka noqotay Iran. Wiilkeeda, Sattar Beheshti, waxa uu ahaa Blogger (internet-ka wax ku qora) wuxuuna ku dhintay xabsiga toban sano ka hor, Eshghi ayaa tan iyo markaas ku baaqaysay caddaalad, iyadoo ku eedeeyay mas'uuliyiinta Iran jirdil iyo naf goyn.

Waa mid ka mid ah Hooyooyinka ka dacwoonaya dawladda Iran, koox u raadisa caddaaladda carruurtooda la laayay. Iyadoo si gaar ah u haysta Ayatollah Ali Khamenei, Hogaamiyaha Sare ee Iran, inay mas'uul ka yihiin dhimashada wiilkeeda, waxay ahayd mid ka mid ah saxiixayaasha warqad 2019-kii loogu baaqayay inuu iscasilo. Intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii sanadkan ka dib dhimashadii Mahsa Amini, Eshghi waxay iska saartay xijaabkeedii iyadoo taageero ugu muujinaysay mudaaharaadayaasha.

Lina Abu Akleh

Lina Abu Akleh, Dhulka Falastiin

Ol'oleeye xuquuqda aadanaha

U doodaha xuquuqda aadanaha Falastiin iyo Armenia Lina Abu Akleh waxaa eedo u ah Saxafiyad Mareykan-Falastiin ah ee lagu magacaabo Shireen Abu Akleh, oo ah weriye ka tirsanayd Aljazeera oo la dilay bishii May iyadoo soo tabinayay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen Daanta Galbeed ee la haysto. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay jirto “ixtimaalka sare” mid ka mid ah askartiisa ayaa u dilay si kamma' ah.

Lina waxay hadda noqotay wejiga ololaha caddaaladda iyo isla xisaabtanka dilka eeddadeed. Waxay haysataa shahaadada Masterka ee daraasaadka caalamiga ah ee diiradda saaraya xuquuqda aadanaha. Waxaa loo magacaabay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha soo socda ee 2022 TIME100 xuquuq u doodiddeeda awgeed.

Waxaan u baahanahay in aan ka soo amba qaadno meesha ay kaga tagtay eedaday Shireen Abu Akleh oo aan sii xoojino aragtida haweenka si aan u xaqiijino in sheekooyinka aan ka sheekeyno iyo macluumaadka aan uruurinayno ay noqdaan kuwa loo siman yahay, sax ah oo dhan - dumar la'aanteed, taasi macquul maaha. .

Lina Abu Akleh

Velmariri Bambari

Velmariri Bambari, Indonesia

Dhaqdhaaqe

Iyadoo ka shaqaynaysa meel fog oo Indonesia ka tirsan, Velmariri Bambari waxay u dagaalamaysay dhibanayaasha xadgudubyada galmada ee badhtamaha Sulawesi, waxay ku qancisay xubnaha golaha deegaanka inay jabiyaan sharciga dhaqanka oo aanay ganaax ku soo rogin dadka ka badbaaday xadgudubka galmada.

Xeer dhaqameedka, xayiraadda "dhaqidda tuulada" waxuu dhigayaa in dembiilayaasha loo maleeyo inay nijaaseeyeen qiyamka dhaqanka inay bixiyaan ganaax. Xeerkan waxa kale oo lagu dabaqaa dhibbanayaasha. Ololeheeda awgeed, Bambari badanaa waa qofka ugu horreeya ee uu booliisku la xiriiro marka la soo sheego xadgudubka galmada. Dhowr kiis ayay wax ka qabatay sanadkan.

In kasta oo aan jir ahaan naafo ahay, waxaan rabaa in aan xooggayga u huro awood siinta haweenka hareerahayga ah, aniga oo abuuraya fursado u oggolaanaya inay helaan madaxbannaani dhaqaale.

Velmariri Bambari

Tarana Burke

Tarana Burke, US

Xuquuq u doode

Hashtag-ka #MeToo waxa uu faafay shan sano ka hor, markaasoo malaayiin dad ah oo adduunka ah ay wadaageen waaya-aragnimadooda faraxumaynta. Laakiin dhaqdhaqaaqa waxaa bilaabay badbaade iyo dhaqdhaqaaqe Tarana Burke sannadkii 2006. Waxay curisay weedhan, si kor loogu qaado wacyi-galinta xadgudubka iyo rabshadaha ka dhanka ah haweenka.

kadib markii qoraalka twitter-ka ay soo saartay atariishada Alyssa Milano 2017 uu kordhiyay #MeToo, waxay dhalisay wada hadal caalami ah oo ku saabsan sida haweenka loola dhaqmo waxayna siisaa kuwa badbaaday cod xoog leh. Burke waxaa weli ka go'an u doodista kuwa ka badbaaday xadgudubka iyada oo sii wadda dagaalka ay ugu jirto isbeddel dhaqameed iyo qaab dhismeed.

Sanjida Islam Choya

Sanjida Islam Choya, Bangladesh

Arday

Bangladesh waxay leedahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee guurka carruurta ee adduunka, laakiin Sanjida Islam Choya ayaa isku dayaysa inay wax ka beddesho arrintaas. Hooyadeed ayaa la guursaday iyada oo da 'yar, laakiin ka dib markii Choya ay dhiirigelisay bandhigga dugsiga ee saameynta guurka ilmaha, waxay go'aansatay inay wax ka qabato.

Ayada iyo asxaabteeda, macalimiinteeda iyo la-hawlgalayaasheeda oo iisugu magac daray 'Ayax' (Grasshoppers) waxay booliiska u sheegaan dhacdooyinka guurka ilmaha . Hadda waxay dhigataa jaamacadda, shaqadii Choya ee Ghashforing ma joogsan oo waxay la tashataa xubnaha cusub ee kooxda. Ilaa hadda waxaa la sheegay in ay ka hortageen 50 caruur ah oo la guursanayey.

Heidi Crowter

Heidi Crowter, UK

U ol'oleeya Naafada

Heidi Crowter waxa ay u ololaysay in ay bedesho fikradaha laga qabo dadka qaba xanuunka Down syndrome-ka. waxay maxakamad la fuushay dawladda UK, sharciga u ogolaanaya uurjiifka ku sugan xaaladdan in la soo ridi karo ilaa inta ay ka dhalanayaan, awgii, iyadoo sheegtay in uu yahay sharci faquuq ah. Maxkamadda sare ayaa go’aan ka soo saartay dacwadeeda, waxayna sheegtay in sharciga looga gol leeyahay in la isku dheelitiro xuquuqda ilmaha uurka ku jira iyo haweenka. Bishii Nofembar, Crowter waxay ku guul daraysatay racfaankeedii, balse waxay sheegtay iyada iyo kooxdeeda inay qorsheynayaan inay "dagaalka sii wadaan" oo ay kiiska u gudbiyaan Maxkamadda ugu Sareysa.

waa ilaaliyaha wanaagga ku saabsan (Down) iyo sarkaalka aasaasaha kooxda Siyaasadda Down Syndrome-ka ee Qaranka. Buugeeda, (I'm Just Heidi), ayaa la daabacay Ogosto.

Waxaan rabaa in haweenka uurka leh ay helaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan Down syndrome-ka. Waxaan rabaa in dadku ay la socdaan waqtiga oo ay noo arkaan cidda dhabta ah ee aanu nahay!

Heidi Crowter

Sandya Eknaligoda

Sandya Eknaligoda, Sri Lanka

U dhaqdhaqaaqe xuquuqda adanaha

U doode iyo u ol'oleeye xuquuqda aadanaha,Sandya Eknaligoda waxay caawisaa kumanaan hooyooyin ah iyo xaasas ku waayey dadkoodii dagaakii sokeeye ee Sri-lanka. saygeeda, prageeth Eknaligoda, oo ahaa saxafi rug cadaa dhanka daba galka ahaa sidoo kalena ahaa far shaxamiiste waxaa la waayey janaayo 2010-kii. wuxuu si xoog ah u dhaliili jiray dawladda asagoo baaris ku hayey tacaddiyo ka dhan ahaa gooni goosadka Tamil Tiger oo dawladda lagu eedeeyay.

ilaa iyo markii la waayey ninkeeda, hooyadan labada caruurta ah haysata waxay raadinaysay cadaalad.waxay ku eedaynaysaa Mahinda Rajapaksa, madaxweynhii hore ee Sri-lanka inuu ka dambeeyo afduubka ninkeeda.inkastoo eedaysanayaal la aqoonsaday hadana waa la fasaxay dhamaantood

Waxaan ahay haweenay u dagaalamaysa dad kale fursad walba oo aan helo, aniga oo ku jira halgan xirfadaysan kana adkaanaya caqabadaha ay ka mid yihiin cayda iyo aflagaadada, aniga oo u maraya dhiiranaan iyo adkaysi.

Sandya Eknaligoda

Ceci Flores

Ceci Flores, Mexico

Dhaqdhaqaaqe

Rag hubaysan ayaa Ceci Flores wiilkeeda Alejandro oo 21 jir ah ka qaatay 2015. Afar sano ka dib, mid kale oo wiilasheeda ka mid ah, Marco Antonio, oo 31 jir ayaa waxaa afduubtay koox dembiilayaal ah. Flores waxa ay sheegtay in dhaqdhaqaaqeeda ay keentay cabsida ah in ay dhimato iyada oo aan la ogaan waxa ku dhacay wiilasheeda, dhibanayaasha dadka Mexico ee sida qasabka ah loola baxo.

Sanadkan, waddankani wuxuu la kulmay marxalad aad u xun, iyadoo 100,000 oo qof hadda lagu la'yahay wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay "musiibo baaxad weyn". Hoggaanka wadajirka Flores ee (Madres Buscadoras de Sonora ) waxay gacan ka geysteen in la helo in ka badan 1,000 qof oo la waayay oo ku jira xabaalo qarsoon.

Geraldina Guerra Garcés

Geraldina Guerra Garcés, Ecuador

U doode xuquqda dumarka

Geraldina Guerra Garcés oo ah haweenay difaacda xuquuqda dumarka wax ka badan 17 sano, waxay ka shaqaysaa ilaalinta dumarka Ecuador ee dulmanayaasha u ah dhibaatiiyinbka gacan ka hadalka.waxay ku takhasustay aruurinta xogaha si ay u mooqato xadgudubyada ka dhanka ah dumarka ee loo dilo dumarnimadooda

waa haweenayda ka dambeysa khariiradaynta madxafka (memory initiative), taasoo lagu samaynayo "khariiradda nafta" ee dulmanayaasha dilalka/jirdilka ka dhanka ah dumarka, iyada oo la kaydinayo xasuustooda si loo helo isbaddal dhaqameed ku aadan dhaqankan xun.Guerra waxay u daba gashaa una khariiradaysaa (Feminist Alliance) iyo ururka xiriirka (latin America) dilalka jinsi nacaybka. waxay sidoo kale matashaa Hay'adda Aldea iyo ururka xiriirka dumarka wadanka (country's network of women's shelters).

hadii uusan jirin ficil xoogan oo ka dhan ah dilalka dumarka, cidina hurumar ma samaynayso. inkastoo shuruuc cusub ay dhaqan galayaan, hadana weli waa nala dilayaa, waana inay taasi istaagtaa

Geraldina Guerra Garcés

Moud Goba

Moud Goba, UK

Udhaqdhaqaaqe LGBTQ+

Moud Goba waa qaxooti, muddo labaatan sano ku dhow la shaqaynaysay hay'ado aasaasi ah oo dhiirrigeliya is dhexgalka qaxootiga. Hadda waa maareeyaha qaranka Micro Rainbow, kaas oo siiya hoy ammaan ah LGBTQI+, magangalyo-doon-ka iyo qaxootiga. Waxay hogaamisaa mashruucooda guriyeynta, kaas oo bixiya 25,000 oo habeen hurdo ah sanadkiiba dadka hoyla'aanta ah, iyo sidoo shaqo u raadintooda.

Dhawaan Goba waxay maareysay habka isdhexgalka ee dadka LGBTQI+ UK ee Afgaanistaan kasoo jeeda. Hadda waa mid ka mid ah xubnihii aasaasay UK Black Pride iyo guddoomiyaha hadda ee guddigooda ammaanada.

Gehad Hamdy

Gehad Hamdy, Egypt

Dhaqtar ilkaha iyo mutadawac

Dhakhtarka Ilkaha Gehad Hamdy sidoo kale waa aasaasaha iyo maareeyaha Speak Up, hindise dumareed Masari ah oo adeegsada barteeda bulshada si ay tooshka loogu iftiimiyo dambiilayaasha rabshadaha ku salaysan jinsiga iyo dhibaataynta galmada. Dalka Masar oo dhan waxaa ka dhacay dambiyo is daba joog ah oo rabshado wata sanadkii 2022, taasoo keentay in arrinta diiradda la saaro.

Ururku wuxuu ku dhiirigeliyaa haweenka inay ka hadlaan xadgudubyada, iyagoo sidoo kale bixiya taageero sharci iyo mid niyad dhis oo cadaadis lagu saaro mas'uuliyiinta inay wax ka qabtaan. Ololaha Hamdy ayaa la aqoonsaday marar badan, oo ay ku jiraan ku guuleysiga xuquuqda siman iyo abaalmarinta takoor la'aanta ee Madasha Cadaaladda Adduunka 2022.

Wadda dheer ayaa ina sugaysa; fari kama qodna. Waliba ma aynaan bilaabin

Gehad Hamdy

Judith Heumann

Judith Heumann, US

udoode xuquuqda naafada

Judith Heumann waxa ay nolosheeda u hurtay u dagaalanka xuquuqda dadka naafada ah, kadib markii uu ku dhacay cudurka dabaysha iyada oo caruur ah, waxa ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee isticmaala kursiga curyaanka ee macalimad ka ah magaalada New York.

Waa hogaamiye caalamka laga aqoonsan yahay oo dhaqdhaqaaqa xuquuqda naafada, udoodideeda - iyo ku lug lahaanshaha fadhigii ugu waqti dheeraa abid ee federaalka Maraykanka - ayaa looga arkay inay kaalin mug leh ka qaadanayso hirgelinta sharciyo waaweyn. Heumann ayaa ka soo shaqeeysay labada maamul ee Clinton iyo Obama, waxayna leedahay 20 sano oo waayo-aragnimo ah oo aan macaash doon ahayn.

Waxaa magacaabay guuleyste 2020, udoode xuquuqda naafada Shani Dhanda

“Waxaa si dhab ah ii dhiirigaliyay Judith, oo, in ka badan 30 sano, ka shaqaynaysay horumarinta xuquuqda aadanaha ee dadka naafada ah adduunka oo dhan. Weli waa u doode aan daalin oo waxay qayb ka ahayd waqtiyada muhiimka ah ee dhaqdhaqaaqa xuquuqda naafada."

Jebina Yasmin Islam

Jebina Yasmin Islam, UK

Ol'oleeye

Walaasha macalinka dugsiga hoose Sabina Nessa, oo lagu dilay beer ku taal London Sebtembar 2021, Jebina Yasmin Islam ayaa noqotay qof si cad ugu dooda badbaadada waddooyinka ee haweenka UK. Waxay u ololaysay in wax laga beddelo sharciga, sidaas darteed eedaysanayaashu waxay u baahan yihiin inay horyimaadaan maxkamadda si xukun loogu rido.

Dilka walaasheed ka dib, Islam ayaa dhaleeceysay taageero la’aanta dowladda Britain, iyadoo sheegtay inay muujinayso sida ay muhiimadda yar u leeyihiin Gacan ka hadalka Raggu. Waxay sidoo kale ka hadashay midab-takoorka - waxay heli lahaayeen daaweyn wanaagsan, ayay tidhi, haddii qoyskoodu ahaan lahaa "qoys caddaan ah oo British ah oo caadiga ah". Islam waxa ay walaasheed ku tilmaamtay mid la yaab leh oo ku dayasho mudan oo lahayd "xoog, cabsi la'aan, iyo dhalaal".

"ka jeclow naftaada qof walba oo aduunka ku nool"

Sabina Nessa

Fariin katimd Joornaalka Sabina Nessa, oo walaasheed Jebina wadaagtay

Layli

Layli, Iran

Mudaharaade

Mid ka mid ah sawirada caanka ah ee mudaaharaadyada hadda ka socda Iran ayaa ahaa gabadh da'yar oo laga duubay gadaal, iyadoo timaha gashanaysa taako, iskuna diyaarinaysa inay sii waddo mudaharaadka waddooyinka. Sawirkeeda ayaa astaan ​​u noqday geesinimada dadka mudaaharaadaya, balse haybteeda ayaa lagu qalday Hadis Najafi, oo ahayd haweeney 22 jir ah oo lagu dilay banaanbaxyada socda.

Iyadoo la hadlaysa BBC Persian, haweeneyda dhabta ah ee laga qaaday sawirkan ayaa sheegtay inay "u dagaalami doonto dadka sida Hadis Najafi iyo Mahsa Amini". Maamulka Iran, ayay tiri, "ha nagu baqdin galinina hanjabaadda dilka, waxaan rajo ka qabnaa xorriyadda Iran."

Hadizatou Mani

Hadizatou Mani, Niger

Ka ol'oleeye adoonsiga

Waxaa loo iibgeeyay in ay u noqoto 'xaas shanaad' markay da'deedu ahayd 12, Hadizatou Mani waxaa lagu addoonsaday habdhaqanka loo yaqaan (wahaya), kaas oo micnaheedu yahay nin saameyn leh oo qaata naag aan rasmi ahayn si ay ugu adeegto afartiisa xaas ee sharciga ah. Ka dib markii si sharci ah loo sii daayay 2005, Mani ayaa dib u guursatay, laakiin sayidkeedii hore ayaa ku eedeeyay inay guursatay ayadoon la furin waanu dacweeyay. Waa lagu helay danbigaas waxaana lagu xukumay lix bilood oo xarig ah.

Mani ayaa ka hortimid go'aanka kadib maxkamada sare ee Niger ayaa laashay xukunkeeda 2019, iyadoo mamnuucday dhaqanka wahaya . Hadda waa u doode ka-hortagga addoonsiga waxayna isticmaashaa madasheeda si ay u caawiso dumarka kale si ay u baxsadaan.

Oleksandra Matviichuk

Oleksandra Matviichuk, Ukraine

Qareen xuquuqda aadanaha

Muddo 15 sano ah, Oleksandra Matviichuk waxa ay hoggaaminaysay Xarunta Xorriyadda Madaniga ah (CCL), oo si wada jir ah loo guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel 2022-ka oo lagu abaal mariyey shaqadeeda ku aaddan diiwaan gelinta dembiyada dagaal ee Ruushku ka galay gudaha duullaankii Ukraine.

CCL waxa ay siddaa dhaxalka mucaaradkii Yukreeniyaanka ee 1960-meeyadii, iyaga oo diiradda saarayay xuquuqul insaanka. Sannadkii 2014, Xaruntu waxay noqotay ururkii ugu horreeyay ee xuquuqul insaanka ee taga Crimea, Luhansk, iyo Donetsk si ay u diiwaan geliyaan dembiyada dagaalka. Hadda waxay ku baaqayaan in maxkamad caalami ah ay baaritaan ku sameyso Ruushka arrimaha ku saabsan xadgudubka xuquuqda aadanaha ee Chechnya, Moldova, Georgia, Syria, Mali, iyo Ukraine.

Geesinimadu malaha jinsi

Oleksandra Matviichuk

Narges Mohammadi

Narges Mohammadi, Iran

Uol'oleeye xuquuqda aadanaha

Saxafi ahna u magacaabane Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Narges Mohammadi waa madaxweyne ku xigeenka Xarunta Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Iran, waxa ayna si hagar la'aan ah ugu ololeeysay in meesha laga saaro ciqaabta dilka ah. intii ay mudaaharaadyada hadda socdeen, waxay warqad kasoo dirtay xabsiga Evin, iyadoo kaga codsanaysa Qaramada Midoobay inay joojiso dawladda Iran xukunka dilka ah ee ku riddo mudaharaadayaasha.

Sannadkii 2010-kii Mohammadi ayaa lagu xukumay 11 sano oo xarig ah, iyadoo markii dambe laga dhigay 16 sano kaddib markii ay khudbad jeedisay iyadoo dammaanad ku jirta, taasoo ay ku dhaleeceysay qaabka loola dhaqmay maxaabiista Evin. Dokumentitarigeeda (Jirdilka Cad) ayaa lagu baadhayaan ciqaabta gooni yeelka, dukumentarigan oo ku salaysan waraysiyo lala yeeshay 16 maxbuus hore. Labadeeda carruur ah waxay kula nool yihiin musaafuris ninkeeda, dhaqdhaqaaqe siyaasadeed Taghi Rahmani.

Tamana Zaryab Paryani

Tamana Zaryab Paryani, Afghanistan

Dhaqdhaqaaqe

Maalmo ka dib markii ay ka qeyb galeen isu soo bax bishii Janaayo ee lagu dalbanayay xuquuqda waxbarasho iyo shaqo, Tamana Zaryab Paryani iyo walaasheed ayaa la arkayay iyagoo kooxo hubeysan ay xoog kaga kaxeysanayaan gurigooda. Iyadoo ay jiraan cambaareyn caalami ah iyo baaqyo ku saabsan sii deyntooda, Taliban waxay beenisay inay ku lug leeyihiin.

Waxaa u suurtagashay in ay duubto falcelinta ay ka qabto xariga oo ay soo dhigtay internetka. muuqaalka faafay ee Paryani ayaa iftiimiyey dhaqadhaqaaqe-yaasha dhedig ee la waayo. Saddex toddobaad ayay xabsiga ku jirtay ka hor inta aan la sii dayn. Hadda waxa ay ku nooshahay dalka Jarmalka, iyada oo garab is taag u muujisa haweenka Afghanistan, waxa ay gubtay xijaabkeedii, tallaabadaas oo muran kadhex dhalisay dumarka Afgaanistaan.

Halka haweenka adduunku ay horumarayaan, haweenka Afgaanistaan ayaa dib loo riixay 20 sano. Labaatan sano oo waxqabadkii dumarka ayaa laga qaaday.

Tamana Zaryab Paryani

Alice Pataxó

Alice Pataxó, Brazil

U dhaqdhaqaaqe wadaniyiinta asalka

U ol'oleeye cimilada, saxafi ahna saameeye, Alice Pataxó waxay xoogga saartaa wacyi galinta ku aadan siyaasadaha ugu dambeeyay ee dawladda Brazil ee deegaanka iyo beeraha, Sida ay halis ugu yihiin xuquuqda dhuleed ee dadka Asaliga ah.U hadle dadka Pataxó ahaan,waxay doonaysaa inay u babac dhigto fikradaha guumaysiga ku salaysan ee ku aadan bulshooyinka Asaliga ah iyo inay iftiimiso dilalka loo gaysto dadka deegaanka u dhaqdhaqaaqa.

Waa saxafi u shaqeeya Colabora waxayna xog u samaysaa kanaalkeeda YouTube ee Nuhé, eray lagu muujiyo adkaysiga dadka Asaliga ah ee Brazil.

Malala Yousafzai

Waxaa magacaabay guulastihii 2021, ee udhaqdhaqaaqa wax barashada Malala Yousafzai

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan u magacaabo Alice Pataxó liiska 100-ka haweenka ee BBC ee sanadkan. Ka go'naanshaha Alice ee aan labaclabacda lahayn ee ku aaddan dagaalka loogu jiro hawsha cimilada, sinnaanta jinsiga, iyo xuquuqda dadka asaliga ah ayaa i siinaya rajo ah in aan ku dhawnahay gaarista aduun barwaaqo ah loona simanyahay."

Roya Piraei

Roya Piraei, Iran

Udhaqdhaqaaqe

Bishii Sebtembar, sawirka Roya Piraei ayaa faafay. Hooyadeed, Minoo Majidi oo 62 jir ah, ayaa mudaaharaad ka waddey Kermanshah, oo ah magaalada afka kurdiga looga hadlo ee ugu weyn Iran, markii ay toogasho kudileen ciidamada ammaanka. Piraei ayaa soo istaagtay qabriga hooyadeed iyadoo madaxa ka xiiran, iyadoo timaheeda gacmaha ku haysa oo si xun u eegaysa kamarada.

Dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda oo ku fiday guud ahaan dalka Iran ayaa ka billowday gobolka Kurdiyiinta ka dib geeridii Mahsa Amini, oo 22 jir ahayd haweeney Kurdish ah. Piraei ayaa tan iyo markaas la kulantay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron si uu taageero caalami ah ugu helo mudaaharaadyada socda.

Yuliia Sachuk

Yuliia Sachuk, Ukraine

Hogaan naafo

difaace xuquuqda aadanaha Ukraine, Yuliia Sachuk waa madaxa u dagaalanka xaquuqda, urur ay hogaamiyaan haweenka naafada ah. Waxay bilowday jawaab celin deg deg ah oo ku wajahan duulaanka Ruushka ee Ukraine, iyadoo ka shaqeyneysa habeen iyo maalin si ay isugu dubbariddo qorshayaasha ka daadguraynta dadka magaalooyinka dagaalka iyadoo la shaqaynaysa ururada caalamiga ah si loo badbaadiyo nolosha kumanaanka Yukreeniyaanka naafada ah.

Sachuk waxay aad u xiiseeysaa awood siinta hablaha iyo haweenka naafada ah si ay uga qayb qaataan go'aan gaarista. Waxay ka qaybqaadataa barnaamijka Hogaamiyaha Yurub ee Obama Foundation, waxay ku guulaysatay Abaalmarinta Xuquuqda Aadanaha Qaranka ee 2020, waxayna uga sharaxan tahay Ukraine Guddiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

Suvada Selimović

Suvada Selimović, Bosnia and Herzegovina

Nabad-doon

Soddon sano ayaa laga joogaa markii uu dagaalku burburiyey Bosnia iyo Herzegovina, Suvada Selimović hadda waxay ku nooshahay tuulo ay qayb ka qaadatay dib u dhiskeeda, iyada iyo haween kale oo barokacayaal ah oo dib ugusoo laabtay tuuladan. Carmal iyo hooyo carruur yaryar leh, Selimovic ayaa aasaastay Anima, urur u dhaqdhaqaaqa nabadda iyo xoojinta haweenka.

Ka dib markii meydka ninkeeda laga helay xabaal wadareed 2008, waxay ka markhaati kacday maxkamadda dambiyada dagaalka waxayna ku dhiirigelisay haweenka kale inay sidaas oo kale sameeyaan. Maanta, Anima waxay martigelisaa aqoon-is-weydaarsiyo haweenka la tacaalaya dhaawac-maskaxeedka dagaalka, waxayna u diyaarisay fursado ay ku iibiyaan alaabada ay sameeyaan.

Efrat Tilma

Efrat Tilma, Israel

Samafale

iyadoo ah mutadawicii ugu horreeyay 'transgender' ah ee booliska Israa'iil, dhaqdhaqaaqe Efrat Tilma waxay ka jawaabtaa wicitaannada degdegga ah wuxayna ka shaqeysaa hagaajinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada booliiska iyo bulshada LGBTQ+. Tilma waxa ay Israa’iil ka soo qaxday iyada oo da’yar ka dib markii ay diideen qoyskeeda oo ay dhank booliskana dhibaato kala kulanatay. Waxay qalliin dib-u-dejineed ku gashay 1969-kii Casablanca, markii habkan si weyn looga mamnuucay Yurub.

Waxay sii wadatay kamid ahaanshaha shaqaalaha duulimaadka ee Berlin waanay guursatay. Waxay ku soo laabatay Israa'iil 2005, ka dib furitaankeeda, waxayna u aragtay meel soo dhawayn dheeraad ah loogu diyaariyey dadka laga tirada badan yahay ee jinsiga, taas oo ku dhiirigelisay inay si mutadawacnimo ah ula shaqeyso booliiska.

Zhou Xiaoxuan

Zhou Xiaoxuan, China

Udhaqdhaqaaqe xuquuqda dumarkka

maadaama ay waji u tahay dhaqdhaqaaqa MeToo ee Shiinaha, kiiska Zhou Xiaoxuan waxaa la socday (Feminists-ka) Shiinaha iyo dad dunida kaga xidhnaa. Sannadkii 2018-kii, waxay dacwaysay Zhu Jun, oo ah soo-jeediye xiddig ka ah telefishanka CCTV ee dawladdu leedahay, iyada oo ku eedaysay inuu taabtay oo si qasab ah u dhunkaday iyada oo ku guda jirta tababar 2014-kii. Wuu diiday eedaymaha lagu soo oogay wuxuuna ku dacweeyay sumcad dil.

Kiiskeeda ayaa meesha looga saaray cadeymo la'aan, waxaana sanadkan la diddday racfaankeeda, wax ay qaar ka mid ah warbaahinta ajnabiga ah ugu yeereen dharbaaxo ku dhacday dhaqdhaqaaqa MeToo ee Shiinaha. Zhou Xiaoxuan hadda waxay taageertaa haweenka la dhibaateeyay waxayna ku lug leedahay muujinta arrimaha haweenka ee Shiinaha.

Woman cutting her hair

Woman cutting her hair, Iran

Mudaharaade

Mudaaharaadyo baahsan ayaa ka dhacay Iran sanadkan, ka dib dhimashadii Mahsa Amini, oo 22 jir ah haweeney Kurdish ah oo ay xireen booliska akhlaaqda ee Tehran 13kii Sebtembar, iyadoo lagu eedeeyay inay ku xad gudubtay xeerarka adag ee Iran ee dhigaya in haweenka ay timaha ku asturaan xijaab, ama xijaab. .

Sannadkan waxaan rabnay in aan aqoonsanno doorkii haweenku ka qaateen mudaaharaadyada, u halgamidda xorriyaddooda iyo ka hortagga xijaabka qasabka ah.

Timo iskaxiirista ayaa noqotay mid ka mid ah calaamadaha dhaqdhaqaaqa ku faafay dadka caanka ah, siyaasiyiinta iyo ololayaasha adduunka oo dhan. Qaar ka mid ah bulshooyinka ku nool Iran ayaa u arkaya calaamad dhaqameed oo baroor diiq ah.

Caafimaadka iyo Sayniska

Aye Nyein Thu

Aye Nyein Thu, Myanmar

Dhaqatar caafimaad

Aye Nyein Thu waxay qaab tabarucaad ah safka hore ugashaqeeysaa goobaha qalaasaha ee Myanmar, iyada oo diiradda saaraysa gobolka Chin ee fog ee saboolkana ah. Waxay dhistay isbitaal ka sameysan cooshado oo leh xarun yar oo qalliin lagu sameeyo, ilaa iyo bishii Noofembar 2021 waxay halkaas ku dawaynaysay bukaanno iyo kuwa dhaawacmay.

Wakhtigeeda firaaqada ah, waxay u safartaa gobollo kale oo aan inta badan daawaynta laga helin, si ay u caawiso bukaannada goobahaas oo ay ku jiraan dadka gudaha ku barakacay. Intii ay ku guda jirtay shaqadeeda, waxaa lagu soo oogay dacwado ah ‘in ay sababtay hurin rabshado’ oo ay u soo gudbiyeen militariga Myanmar, kuwaas oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha maxalliga ah ee ka soo horjeeda dawladda ee loo yaqaan Ciidanka Difaaca Dadka.

Sirisha Bandla

Sirisha Bandla, India

Injineer diyaaradeed

Sirisha Bandla waxay aaday cidhifka hawada iyadoo qayb ka ah howlgalka taariikhiga ah ee 2021 Unity 22, duullimaadki ugu horreeyay ee Virgin Galactic's ee rakaab wada kaaso lagu kaxeeyay hawada sare - oo ka dhigeysa haweeneydii labaad ee ku dhalatay Hindiya ee aadda hawada sare.

iyadoo bilowday xiisaha hawada sare yaraanteedii, Bandla waxay aadday marayknaka si ay u barato injineernimada hawada. Hadda waa Madaxweyne Ku-xigeenka Arrimaha Dawladda iyo Hawlgallada Cilmi-baarista ee Virgin Galactic, doorkeeda waxaa kamida la shaqaynta macaamiisha cilmi-baarista si ay u duuliyaan tijaabooyinka sayniska iyo tegnoolajiyada dusha VG's SpaceShip.

Sunny Leone

Waxaa magacaabay guulayste 2016, atariisho Sunny Leone

“ Shaqooyinka ragga u badan awgeed, sida Sirisha ay uga gudubtay wax kasta iyada oo hawlkarnimadeeda iyo ka go'naanshaheeda oo kali ah adeegsanaysay,ayaa dhiira galin ii ah aniga,iyo waliba dhamaan hablaha da' yarta ah ee riyooyinka lamidka ah leh.”

Victoria Baptiste

Victoria Baptiste, US

kalkaaliso iyo bare talaalka

Victoria Baptiste, oo ah kalkaaliye caafimaad oo ku sugan gobolka Maryland ee Maraykanka, ayaa dadka barta tallaallada. Waxay fahamsan tahay sababta bulshada madow ay uga shakisan tahay faragelinta caafimaadka: Baptiste waa farac ka mid ah Henrietta Lacks, naag madow oo u dhimatay kansarka ilmo-galeenka 1951 taas oo unugyadeeda la qaatay ogolaansho la'aan, ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee lagu beero shaybaar.

unugyadan oo yaqaan HeLa, waxaa loo isticmaalayey cilmi-baarista caafimaadka ilaa iyo hadda, laakiin qoysku ma ogayn tobanaan sano. Hadda waa qayb ka mid ah hay'adda Henrietta Lacks , Baptiste sidoo kale waa danjiraha niyad-wanaagga hay'adda caafimaadka aduunka (WHO) ee ciribtirka kansarka ilmo-galeenka.

Niloufar Bayani

Niloufar Bayani, Iran

Ecologist

Niloufar Bayani oo u dhaqdhaqaaqda deegaanka iyo duur joogta ayaa kamid ah dhowr dumar ah oo shaqadan qabta kuwaasoo 2018-kii lagu xirxiray Iran kadib markii ay adeegsadeen kaamirooyin ay ku raadinayeen nooleyaal dhibaato soo gaadhay.waxaa lagu eedayay inay xogo ka aruurinyeen goobo istiraatiji ahaan xasaasi ah, waxaana Bayani lagu xukumay toban sano oo xabsi ah.

Bayani waxay maareeye ka ahayd barnaamijka dhaxalka duur joogta ee faarisiya ( Persian Wildlife Heritage Foundation), kaasoo loogu tala galay in lagu badbaadiyo shabeelka aasiya iyo nooleyaal kale.Dukumenti ay heshay BBC afka faarisiga ku hadasha ayey Bayani ku sheegtay in ciidamada islaamiga ah ee ilaalada kacdoonka Iran ay marsiiyeen "ciqaab maskaxeed, jirdil iyo handadaadii galmo ee ugu saraysay ugu yaraan muddo gaaraysay 1,200 oo saacadood" Dawaladda Iran way beenisay eedaymahan.

Sandy Cabrera Arteaga

Sandy Cabrera Arteaga, Honduras

U doode xuquuqda taranka

Arday falsafo, qoraa ahna udoode xuquuqda dumarka Sandy Cabrera Arteaga waa difaace xuquuqda galmada iyo taranka.waxay bartaa kiniinka xakamaynta dhalmada waxayna sidoo kale af hayeen u tahay 'Habemos lo que es' (Aan ka hadalno waxa ay tahay) - olole wacyi galineed bar interneetka ah o ku saabsan xakamaynta uur qaadista

Waxay sidoo kale u shaqaysaa Accion Joven (Ficilka Da' yarta) oo diiradda saara xuquuqda biniaadannimo,galmo iyo taranka ee dhalinta.waxay si fiican u taqaan luuqadda midaarka ee Honduras iyo, maadaama ay tahay ilmaha kali ah ee hooyadeed oo dhagool ah ay dhashay, waxay ku faraxsanatahay korriimada iyo xanaadanada khaaska ah ee ay heshay.

Samrawit Fikru

Samrawit Fikru, Ethiopia

Hal abuure teknoloji

In kasta oo ayan waligeed isticmaalin kombuyuutar ilaa ay ka gaadhay 17 jir, programmer Samrawit Fikru waa aasaasaha Hybrid Designs, mid ka mid ah shirkadaha ka dambeeya tagaasida Itoobiya ee RIDE.

kadib waxa ay kasoo martay qaadashada taksiga iyo sida aanay ammaan u dareemin iyo sidoo kale darawallo doonayay in ay lacag dheeraad ah ka qaadaan, ayaa u horseeday in ay samayso app-ka, kaas oo ay ku bilawday wax ka yar $2,000 (qiyaastii £1,700). Shirkadeeda hadda waxa ay shaqaaleysiisaa shaqaale dumar u badan. Waxaa jira dumar yar oo ku jira warshadaha farsamada ee Itoobiya, Fikru waxay doonaysaa inay dhiirigeliso jiilka soo socda ee haweenka hal-abuurka leh.

Ganacsiga ay haweenku leeyihiin ayaa sii kordhaya; hadda waxaan u baahanahay in gabdho da'yar ahi helaan dhaqaale si ay fikradahooda hal-abuurka u hirgaliyaan.

Samrawit Fikru

Dilek Gürsoy

Dilek Gürsoy, Germany

Dhaqtar qaliinka wadnaha

U dhalatay qoys Turki ah oo jarmalka usoo barakacay,Dr Dilek Gürsoy waa hormuudka dhaqaatiirta qaliinka wadnaha iyo khabiir ku takhasustay wadnaha macmalka ah.waxay kasoo muuqatay bogga hore ee joornaalka Forbes ee jarmalka, kaasoo ku dhawaaqay inay tahay dhaqtarkii dumar ah ee ugu horeeyay Yurub ee sameeya qaliinka lagu talaalo wadnaha macmalka ah.

Waxay hormuud ka ahayd cilmi baarista wadnaha macmalka ah in ka badan toban sano,waxay ka shaqaynaysa horumarinta baddal raadinta iyo talaalista wadnaha ayada oo ay aad u hoosayso wadnaha lagu deeqo,waxay si gaar ah xoogga u saartay xubnaha jirka ee dumarka. Waxay qortay tarrikh nololeedkeeda hadana waxay ku guda jirtaa aasaaska xarun cafimaad u gaar ah.

Sofía Heinonen

Sofía Heinonen, Argentina

Ilaaliye

Ka go'an ilaalinta dhaaman noolaha,biologist Sofia Heinonen waxay hogaamisay dadaal lagu joojinayey suulista noolayaasha koonfurta qaaradda ameerika,iyada oo dib u habeyn lagu sameeyay Esteros del Iberá, oo ah deegaanka ugu weyn dhulka qoyan ee Argentina ahna mid ka mid ah kuwa adduunka ugu weyn. in ka badan sodon sano ayey ku bixisay ka qayb qaadashada samaynta dhul la ilaaliyo.

Inta ay hogaanka haysay, mashaariicda argentina ee dib u habaynta waxay ka hirgaleen afar degaan, oo kamid yahay Patagonian-ka, steppe,nooc cusub oo dhul gaar loo lahaa loogu badalayo kaymo la ilaaliyo iyo dib usoo celinta noolayaal asal ku ahaa deegaanka si loo soo nooleeyo nidaamka deegaanka iyo dhismaha dalxiis waara.

Kimiko Hirata

Kimiko Hirata, Japan

U ol'oleeye cimilada

Si aad ah waxay ugasoo hor jeeddaa tamarta dhuxusha laga dhaliyo, Kimiko Hirata nolosheeda nus ka mid ah waxay ku bixisay la dagaalanka ku tiirsanaanta Japan ee dhuxusha dhulka laga qodo - oo illaa hadda ah waxa ugu weyn ee isbadalka cimilada keenay.Ol'oleheedu wuxuu sababay in la joojiyo 17 xarumood oo laga dhalin lahaa tamarta Dhuxusha.Waa haweenaydii Japan u dhalatay ee ugu horaysay taasoo ku guulaysata abaal marinta loo yaqaan (Golden Environmental Prize).

Hirata waxay ka tagtay shaqadeedii daabacaadda si ay u noqoto u dhaqdhaqaaqe Cimilada 1990-maadkii kadib markii ay akhriday buuggii uu qoray madaxweynihi hore ee maraykanka Al Gore ee la oran jiray Dhul Dheeli Tiran (earth in the balance). Hadda waxay agaasime ka tahay ururka madaxa banaan ee (Climate Integrate), oo la aas'aasay Janaayo 2022, kaasoo ku hawllan dhimista kaarboonka hawada.

Judy Kihumba

Judy Kihumba, Kenya

Turjumaan luuqadda midaarka

U doodaha caafimaadka maskaxda hooyada iyo fayoqabka hooyooyinka dhagaha la', Judy Kihumba waxay soo fara galisay si ay xogta daryeelka caafimaadka u siiso haweenka oo dhan markii ay ogaatay in isbitaalada Kenya qaarkood aysan lahayn turjubaano luqadda midaarka/dhagoolaha.

waa aasaasaha Hay'adda magaceeda loosoo gaabiyo THLEP, waxayna caawisaa haweenka maqalka naafada ka ah ee safarka hooyonimada. Kihumba waxay abuurtay ururka ka dib markii ay ayada lafteedu la kulantay Niyad-Jabka dhalmada ka dib (Postpartum) 2019. Sannadkan waxay abaabuleen kooxdii ugu horreysay ee madax shubka, kaas oo isu keenay 78 hooyooyin dhaga la', dhaqaatiir iyo la-taliyayaal caafimaad.

Marie Christina Kolo

Marie Christina Kolo, Madagascar

Hal abuure cimilada

Hal-abuuraha 'bulsha cagaaran' iyo dhaqaalyahan, Marie Christina Kolo waxay qayb ka ahayd waftigii rasmiga ahaa ee Madagascar usoo dirsatay shirkii COP27. Waxay u doodaa xuquuqda aadanaha iyo dhinacyada jinsiga ee isbeddelka cimilada, iyadoo waddankeeda ay ka dheceen abaaro xiriir ah oo adkeeyay in cunto ay helaan dad malaayiin ah. Qaramada Midoobay ayaa ugu yeertay macluushii ugu horreysay ee isbeddelka cimiladu sababtay ee adduunka.

Kolo waa agaasimaha gobolka ee hay'adda aan dawliga ahayn ee (people Power Inclusion), taas oo xoogga saarta in lala dagaallamo saboolnimada iyada oo loo marayo 'dhaqaalaha cagaaran'. Ganacsigeeda bulshada ee Green'N'Kool, waa barta hogaaminaysa cadaaladda cimilada ee dalkeeda. maadaama ay kasoo badbaadday waxyeello ku salaysan jinsiga, waxay aasaastay dhaqdhaqaaqa Haweenka Jebiya Aamusnaanta ee la dagaallama dhaqanka kufsiga.

Ma dooneyno in naloo arko kaliya dhibanayaasha saboolka ah ee cimilada, sinnaan la'aanta jinsiga iyo dagaaladu saameeyeen. Waxaan dareemayaa rajo aad u weyn oo aan ku faano marka aan arko in haweenku aad u adkaysi badanyihiini, kasokow dhibaatooyinkaas oo dhan.

Marie Christina Kolo

Iryna Kondratova

Iryna Kondratova, Ukraine

Dhakhtarka carruurta

In kasta oo ay la kulmeen duqeymo culus, Dr Iryna Kondratova iyo kooxdeeda waxay sii wadeen inay si hagar la'aan ah u daryeelaan haweenka uurka leh, dhallaanka dhawaan dhashay iyo hooyooyinka Xarunta Gobolka Kharkiv ee Perinatal Center. Waxay ka sameeyeen qaybta hoose ee cisbitaalka, meel dhalmada, waxayna naftooda halis u galiyeen si ay ula joogaan ilmaha daryeelka degdega ah u baahan ee aan la bixin karin, xitaa marka ay dhawaaqeen seeriga digniinta duqaynta.

maadaama ay madax ka tahay xarunta, Dr Kondratova waxay la wareegtay Instagram-ka David Beckham bishii Maarso, si ay u muujiyo caqabadaha ay wajahayaan. Kooxdeedu waxa ay taageero caafimaad iyo mid maskaxeedba siiyeen in ka badan 3,000 oo haween ah oo ka yimid Luhansk iyo Donetsk tan iyo 2014kii.

Waxaa dumay guryaheennii, jidadkeennii, xarumihii korontada, isbitaalladii - iyo nolosheennii. Laakiin riyadayada, rajadayada iyo iimaankayagu hadda ayey ugu xooganyihiin.

Iryna Kondratova

Asonele Kotu

Asonele Kotu, South Africa

Ganacsade Teknoloji

Fikradda ganacsigeeda ayaa dhalatay ka dib markii Asonele Kotu ay damacday in laga saaro cinjirka ka hortagga uurka, laakiin ma ay helin cid caawisa. Kadib waxay aasaastay FemConnect, oo ah hay'ad bixisa xalal tignoolajiyadeed si loo yareeyo caado-faqriga loona dhimo uurka dhalinyarada.

Madashan waxay u oggolaanaysaa isticmaaleyaasha inay helaan (telemedicine) galmo iyo taran oo aan lahayn ceebayn ama takoorid, iyo sidoo kale alaabada nadaafadda dumarka iyo ka-hortagga uurka - iyo dhammaan si la mid ah waxaad uga dalban lahayd cuntada onlayn. Kotu waxa ay aad u jeceshahay ciribtirka (period poverty ) iyo hagaajinta helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh, gaar ahaan dhalinyarada halista ku jirta iyo kuwa bulshooyinka la takooro iyo kuwa aan la daryeelin.

Aad bay u qurux badnayd in la daawado go'aanka ay dhallinyaradu ku doonayaan in ay xal u abuuraan dhibaatooyinka, si loo hubiyo in jiilka soo socdaa aanu la kulmin halgan la mid ah kuwii waalidiinteen.

Asonele Kotu

Erika Liriano

Erika Liriano, Dominican Republic

Ganacsade Cocoa

Iyada oo rajaynaysa in ay dib u qiimayso silsiladda iibgeynta kookaha, Erika Liriano waxa ay waddaa bilawga dhoofinta faa'iido wadaagga ee Jamhuuriyadda Dominican. Liriano waxay wada aasaaseen INARU iyada iyo walaasheed, Janett, iyada oo ujeedadu tahay in wax soo saarka iyo qaybinta kookaha laga dhigo mid caddaalad ah oo sii waaraya. Sannadkan, bilawgoodii waxay heleen maalgelinta abuurka.

Taariikh ahaan, warshadaha kookaha waxay ka faa'iidaysanayeen beeralayda yar yar laakiin shirkadoodu waxay hubisaa soo saarista anshaxeed iyo mushahar cadaalad ah oo loogu talagalay soosaarayaasha Dominican. Waxay ku dhasheen New York, gabdhahan walaalaha ah waxay ka soo jeedaan qoys beeraley ah iyo ganacsato ku sugan Jamhuuriyadda Dominican. Waxay hadda la shuraakoobeen beeraha ay haweenku maamulaan, iskaashatooyinka iyo alaab-qeybiyeyaasha dalka oo dhan.

Awoodda aad ku go'aamin karto wadada aad marayso, waa wax ay tahay in dhammaan aadanahu xaq u leeyihiin, waxaana ka mid ah awoodda haweeneydu ay ku dooranayso nooca nolosha ay u rabto nafteeda.

Erika Liriano

Naja Lyberth

Naja Lyberth, Greenland

dhaqtar Dhimirka (Psychologist)

Dhaqtarka naxdin Naja Lyberth waxa ay jirtay 13 jir markii si qasab ah loogu rakibay qalabka ilmagaleenka (IUD), oo loo yaqaano (Coil), taas oo qayb ka ahaa ololaha ilaalinta dhalmada ee bulshada Inuit ee dalka Greenland taasoo ay fuliyen dhaqaatiir Danish ah 1960-meeyadii iyo 70-meeyadii. Sannadkan Denmark iyo Greenland waxay si rasmi ah isugu raaceen in la bilaabo baadhitaan lagu samaynayo dhaqamadan, oo laga yaabo inay saameeyeen ilaa 4,500 oo haween iyo gabdho ah.

Ololaha Lyberth ayaa si ay u caawiso haweenkan, oo ay ku jiraan kuwa ka shakisan in coil-ka uu wax yeello u gaystay minkooda. waxay ka samaysay Facebook dhexdiisa urur ay ugu tala gashay inay dumarku isku caawiyaan iskuna xirnaadaan.

Dumar aad iyo aad u tiro badan oo ka badbaaday ayaa u noqday tusaale lagu daydo haweenka kale. in laga hadlaayi waxay meesha ka saaraysaa cabsida, marka aad ogaato inaan lagula yaabayn. cabsidayadu nama xakamaynayso.

Naja Lyberth

Nigar Marf

Nigar Marf, Iraq

kalkaaliso

maadaama ay tahay madaxa kalkaalisooyinka qaybta gubashada ee ugu weyn Kurdistan-ta Ciraaq, Nigar Marf shaqadeeda waxaa ka mid ah daaweynta haweenka is gubay, falka dab is-qabadsiinta. Dhaqankan ayaa weli ku badan haweenka da'da yar ee gobolka, taasoo ah nooc mudaaharaad ah.

Marf waxay ka shaqaynaysey cusbitaalada ilaa 25 sano, gubashada caruurta iyo daryeelka degdega ahba. qaybteeda waxa ay sidoo kale ku dawaysaa bukaanada sida shilka ah u gubtay. Qaar badan oo ka mid ah haweenka ay daweyso ayaa la kulmay dhibaato maskaxeed iyo mid jireed ka hor intaysan is gubin; qaar ka mid ah waxay ahaayeen da'da 16.

Monica Musonda

Monica Musonda, Zambia

Ganacsato

Qareen shirkad isu rogtay-ganacsade, Monica Musonda waa aasaasaha iyo maamulaha Java Foods, shirkad fadhigeedu yahay Zambia oo soo saarta cuntada iyo soo saaraha baastada (noodle) ee gobolka koonfurta Afrika. Aragtideedu waa in ay soo saarto cuntooyin la goyn karo iyada oo ka faa'iidaysanaysa wax-soosaarka sarreenka ee Zambia, iyo sidoo kale baahida loo qabo cuntooyin habboon oo badan iyo beddelidda hababka isticmaalka cunnooyinka.

Musonda, oo ah u doodaha nafaqeynta, ayaa la talisa dhowr haween oo kale oo hal-abuureyaal ganacsi ah waxayna ka hadashaa arrimaha saameeya ganacsiga haweenka . Waxay ku guulaysatay abaal-marinno badan, waxaana lagu aqoonsaday inay ka shaqeyso xoojinta habka beeraha iyo cuntada ee Afrika.

Ifeoma Ozoma

Ifeoma Ozoma, US

Siyaasadda shacabka iyo xeeldheere teknoloji

Ka dib markii ay jebisay heshiis aan qarsoodi ahayn (NDA) oo ay ku eedaysay shirkadi hore ay u shaqaynaysay Pinterest jinsi iyo midab-takoorka, Ifeoma Ozoma waxay go'aansatay inay ka caawiso shaqaalaha inay la dagaallamaan dhaqan xumada goobaha shaqada. Waxay wax ka maal galisay xeerka Aamusnaan jabinta (silence no more), kaas oo u oggolaanaya shaqaale kasta oo California jooga inuu helo macluumaadka ku saabsan takoorka ama dhibaataynta iyada oo aan loo eegin saxiixa NDA. Pinterest waxa ay samaysay dib u eegis goobta shaqada ka dib eedaymaha Ozoma oo ay sheegtay in ay taageerayso sharciga.

Ozoma ayaa sidoo kale samaysay buug gacmeeka shaqaalaha teknolojiga, ilo kayd oo lagu caawinayo shaqaalaha si ay u cawdaan waxaanay aasaastay Earthseed oo ah urur tala kasiiya shaqaalaha, sinnaanta shaqada Teknoloji-ka.

Yuliia Paievska

Yuliia Paievska, Ukraine

Dhaqtar caafimaad

Shaqaale caafimaadka rayidka, iyo aasaasihii Taira's Angels, oo ah unug caafimaad oo iskaa wax u qabso ah ayaa lagu tiriyaa in ay badbaadiyeen boqollaal rayid ah oo dhaawac ah iyo shaqaale militari. Yuliia Paievska, oo loo yaqaan Taira, waxaa qabtay ciidamada Ruushka bishii maarso, iyada oo gacan ka geysaneysa in dadka rayidka ah laga saaro Mariupol.

Waxay adeegsanaysa kaamirada jidhka si ay u duubto shaqada kooxdeeda ee magaaladan la go'doomiyey,muuqaalkana waxaa la siiyey war baahinta. saddex bilood kadib soo daynteedii Paievska waxay ka hadashay xaaladda daran iyo sida arxan darada ah ee loola dhaqmay intii gacanta lagu hayey,ayadoo xarigeeda ku tilmaanata "cadaab".

Jane Rigby

Jane Rigby, US

Cirbixiyeen iyo (Astrophysicist

Dr Jane Rigby oo ahcirbixiyeen u shaqaysa hay'adda NASA waxay daraaseysaa sida ay galaksiyadu uga abuurmaan waxa loo yaqaan xilliga kosmigga (cosmic time). Waxay ahayd mid ka mid ah saynisyahannada muhiimka ah ee kooxda caalamiga ah ee bilaabay telescope-ka ugu weyn adduunka ee James Webb,. Bishii Luulyo, sawirradii ugu horreeyay ee midab buuxa ah ee uu qaadday Xoqadkani (telscope) waxay noqdeen sawiradii ugu faahfaahsanaa ee Caalamku helo abid.

Rigby waxay daabacday in ka badan 100 waraaqo saynis ah oo la tifaftiray waxayna ku guulaysatay abaalmarino badan. waxay sidoo kale u dooddaa sinaanta iyo ka mid noqoshada STEM (Sayniska, Tignoolajiyada, Injineerinka iyo Xisaabta).

Markii aan ardayga ahaa, ma aanan ka warqabin qof lagu daydo oo LGBTQ ah. Waxaan rajaynayaa in aan ka mid ahay jiilkii u dambeeyay ee koray iyaga oo dadka ay ku daydaan aan la takoorin.

Jane Rigby

Ainura Sagyn

Ainura Sagyn, Kyrgyzstan

injineer

Injineer kombuyuutar ahaan, ecofeminist, iyo maamulaha hay'adda, Ainura Sagyn waxay adeegsanaysay xirfadaheeda si ay u dhisto xalal ku salaysan tignoolajiyada ee dhibaatooyinka deegaanka. Waxay aasaastay Tazar, app isku xidha soo saarayaasha qashinka - qof kasta laga bilaabay xaafadaha ilaa shakhsiyaadka makhaayadaha, warshadaha iyo goobaha dhismaha - oo leh dib-u-warshadaynta. App-ka waxa uu hiigsanayaa in uu yareeyo qashinka dabaylaha ka soo baxa qashin qubka oo uu ugu danbayn wax ka qabto dhibaatada sii jiritaan ee wadamada badhtamaha Aasiya.

Waxay sidoo kale hogaamisay aqoon-is-weydaarsiyo ku saabsan codeynta iyo in ay helaan STEM (Sayniska, Teknolojiyadda, Injineerinka iyo Xisaabta) in ka badan 2,000 oo iskuul gabdho oo ku kala yaal gobollada kala duwan ee Kyrgyzstan.

Haddii aysan jirin hoggaanka haweenka iyo ka qaybgalka jawaabaha cimilada ee maanta, uma badna in xal loo heli doono dhibaatooyinka siinaan la'aanta jinsiga ee aduunka ka jirta.

Ainura Sagyn

Monica Simpson

Monica Simpson, US

Udhaqdhaqaaqe xuquuqda taranka

Maadaama ay tahay agaasimaha fulinta ee SisterSong, oo ah urur dumar-madow oo ka shaqeeya caddaaladda taranka ee gobollada koonfurta Maraykanka, Monica Simpson waxay diiradda saartaa u-dagaalanka xorriyadda galmada iyo taranka. Arrintani waxay sanadkan dib ugu soo laabatay fagaaraha ka dib markii maxkamadda sare ee Maraykanku ay laashay xukunkii Roe v Wade ee ahaa helista ilma iskasoo xaaqid sharci ah oo laga hir galiyo dalka oo dhan.

Simpson sidoo kale waa heesaa tixna tirisa, iyada oo isku darta dhaqdhaqaaqeeda iyo fankeeda. waxay shahaado ka haysataa doula waana xubin aasaase ah oo ka tirsan Isbahaysiga Hooyooyinka madowga ah, oo ka shaqeeya horumarinta caafimaadka hooyada madow.

Maryna Viazovska

Maryna Viazovska, Ukraine

Xisaabyahan

Xisaab yahan u dhashay dalka Ukraine oo horaantii sanadkan noqotay haweenaydii labaad ee taariikhda ku guulaysata bilada caanka ah ee loo yaqaan Fields – oo inta badan lagu tilmaamo inay tahay Nobel Prize-ta xisaabta, taasoo afartii sanaba mar la bixiyo. Maryna Viazovska waxay ku guulaysatay abaal-marinta shaqadeeda ku saabsan halxiraalaha 400-sano jir ah, iyadoo xalinaysa xujada ha,sida ugu haboon ee loogu xareeyo kubado, god sideed cabir le ah .

Iyada oo ku sugan Machadka Farsamada Federaalka Swiss ee Lausanne (EPFL), Viazovska waa barfasoor iyo Guddoomiyaha qaybta (Number Theory) ee Machadka Xisaabta.

Yana Zinkevych

Yana Zinkevych, Ukraine

Siyaasi iyo samafale caafimaad

iyadoo la badbaadinayo nolosha dad ku jira jiidda hore ee dagaalka, hospitallers waa urur gurmad caafimaad oo is xilqaamay, waxaana hoggaaminaya Yana Zinkevych, waxay ka shaqeeyaan sidii ay dadka uga daad-gureyn lahaayeen goobta dagaalka, Zinkevych waxay noqotay tabaruce caafimaad markii ay ka baxday dugsiga, wuxayna aasaastay guutadan 2014-kii bilowgiisii. bilowga colaadaha Ukraine.

Waxaykaligeed qaadday 200 oo askari oo dhaawac ah. Kooxdeedu waxay sii waddaa bixinta gargaarka degdegga ah ee ay siiyaan askarta iyo dadka rayidka ah ee dhaawacmay, waxay qabtaan tababar caafimaad, waxayna sameeyeen ku dhawaad 6,000 oo daad-gureynta. 27-jirkan ayaa sidoo kale ka mid ah xubnaha ugu da'da yar baarlamaanka Ukraine, waxayna madax ka tahay guddi-hoosaadka daawada ciidamada.

వెగహతా గెబ్రేయోహన్నెస్ అబెరా

వెగహతా గెబ్రేయోహన్నెస్ అబెరా, Tigray, Ethiopia

Shaqaale gargaarka biniaadannimo

Shaqaalaha gargaarka bini'aadantinimo, Wegahta Gebreyohannes Abera ayaa sidoo kale ah aasaasaha Hdrina, oo ah hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo ujeedadeedu tahay inay tirtirto nafaqo-xumada ka dhalatay dagaalka Tigray. Hdrina waxa ay haysaa tiro mashaariic ah oo lagu caawinayo haweenka iyo carruurta ay saameeyeen dagaaladu, oo ay ku jiraan barnaamijka quudinta degdega ah ee xerada dadka gudaha ku barokacay (IDP) iyo mashruuca dhiraynta magaalooyinka.

Ururku waxa kale oo uu wadaa mashruuc awood siinta dumarka ah oo loogu talagalay dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada ee la xidhiidha dagaalada iyo haweenka faqriga uu dagaalku sababay awgii dantu ku kalifay inay jidhkooda ka ganacsadaan.

100 Dumar - BBC adeegga caalamka

Waa maxay 100 Dumar?

BBC waxay magacawdaa 100-ka dumar ee ugu saamaynta iyo ku dayashada mudan ee aduunka oo dhan sannad walba. Waxaan samaynaa Muuqaallo, qormooyin iyo waraysiyo ku saabsan sheeka nololeedkooda kuwaasoo dumarka fagaaraha keena.

Kala soco BBC 100 Women Instagram-ka, Facebook and Twitter. ku biir wada sheekaysiga adigoo adeegsanaya #BBC100Women.

Sidee 100-ka dumar loo soo xulay?

Kooxda 100-ka haweenka ah ee BBC ayaa soo saaray liis ay ku saleeyeen magacyadii ay ururiyeen iyo kuwa ay soo jeediyeen shabakadda BBC-da ee kooxaha luqadaha ee Adeegga Adduunka. Waxa aanu raadinaynay musharixiin 12-kii bilood ee la soo dhaafay kuwaasoo kasoo muuqday ciwaanno wararka ama saameyn ku yeeshay sheekooyinka muhiimka ah, iyo sidoo kale kuwa leh sheekooyin dhiirigelin leh oo ay ka sheekeeyaan, ama ku guulaysteen wax la taaban karo ama saameyn ku yeeshay bulshooyinkooda kuwaasoo aanay qasab ahayn inay wararka kasoo muuqdaan. Tirada magacyada ayaa markaa lagu qiimeeyay mawduuca sanadkan - horumarka laga sameeyay meelo kala duwan tobankii sano ee la soo dhaafay.

Waxaan sahaminnay mowduucyo kala qaybiya ra'yiga, sida xuquuqda taranka oo hal qof oo dumar ah horumarkeedu uu noqon karo dib-u-dhac qof kale, iyo magacaabista haweenka abuuray isbeddelkooda. Liiska waxaa sidoo kale lagu cabiray matalaadda gobolka iyo dhexdhexaadnimada, ka hor inta aan la dooran magacyada ugu dambeeya.

Dumarka qaar waxay liiska uga soo muuqdeen qaab qarsoodi ah ama magacooda saddexaad oo la qariyey si loo dhowro iyaga iyo qoyskooda, iyadoo ogolaansho laga helayo lana raacayo dhamaan siyaasadaha tifaftirka BBC iyo tilmaamaha bed qabka.

Iyo 450 Iibsiga Iibsiga Jirka Mawduuca Mawduucyada Dhaqaalaha Qaababka Qalabka Luqadda ayaa leh Caawinaaddeena Awoodda Caalamiga ah ee Indian Indian Awoodda Ruqsadda. Oggolaashadu waxay umuuqataa inay tahay wax iibsasho, iyadoo aan la eegin falanqayn. Ushki waxay umuuqataa inay la wadaageyso hada turjumaada hagida aqoonsiga hada ee Amitkumar Sunat ay kari karto inay doorato tilmaamaha aadanaha

Joojinta ayaa ku dhow in la dhammeeyo, laakiin macluumaadka isticmaaleha waa la bixin karaa. Laakiin wadahadalka dhameystiran lama jabin karo, laakiin tilmaamaha waa la sii wanaajin karaa. Tan koowaad waa in la ilaaliyo adduunka bulsho ahaan. Luqadda waa luqadda bulshada.