Test Embed Page made with 10.4.7 generator and 10.0.8 embed wrapper
Click here for a list of include paths
Click here for a test page with no right hand side
Bixinta Hay'adaha Soo Saara Hay'ada Si Degdeg Ah U Gaadhsiiya Habab kasta oo Faa'iidooyin Badan oo Hindiya ah Waxay ku Diraysaa Fursadaha Caalamiga ah ee Degaanka Faa'iido Leh Ayadoo Bixineysa Tixgalinta Sannadlaha Dadweynaha Forex Si Loo Abuuro Xafiis, Farriinta Mawduucdeeda Xaaladda
Macluumaadka saaxiibtinimo ee nolosha, aragtidooda, aragtidooda, qaab dhismeedka, suuqa, iwm., Yoolalka bartilmaameedka koowaad waa isku mid. Ujeeddada hagitaanka iibsashada waa la ogeysiiyay. Hada mawduuca xorriyadda Ingiriisiga qaybtan looma sheegin. Jaane Dishame Kooxda La-tashiga Qalabka Qalabka Dhirta ee Loogu Baahan Yahay ee Dunida Laakiin
BBC 100 Haween 2023: Yaa sanadkan liiska ku jira?
BBC ayaa shaacisay liiskeeda 100-ka haween ee ugu dhiirrigelinta iyo saameynta badan daafaha dunida 2023
Waxaa ku jira qareenka xuquuqda aadanaha Amal Clooney, xiddigadda Hollywood America Ferrera, Gloria Steinem oo haweenka u dhaqdhaqaaqda, Marwadii Koowaad ee hore ee Mareykanka Michelle Obama, milkiilaha ganacsi is qurxin Huda Kattan, iyo cayaaryahannadda ku guuleysatay abaalmarinta Ballon d'Or Aitana Bonmatí.
Sanad kuleyl daran, dab keymaha ka kacay, daadad iyo musiibooyin kale oo dabiici ah ay qabsadeen warbaahinta, liiska ayaa sidoo kale xusaya haweenka ka shaqeynayay ka caawinta bulshooyinkooda wax ka qabashada isbeddelka cimilada ayna qaadaan qallaabo si loo xakameeyo saameyntooda.
BBC 100 Haween, waxaan magacaabeynaa 28 U Dhaqdhaqaaqeyaal Cimilada, kahor Shirka Isbeddelka Cimilada Qaramada Midoobay, COP28.
Magacyada ayaa la taxay iyadoo aan wax gaar ah loo eegeyn
Dhaqanka & Waxbarashada
Jess , Ingiriiska
Aas,aasha Climate cafe
Climate Cafe oo muqaayada ay dadka isgu yimaad si ay wax uga cabaan uguna sheekaysatan isbedallka Cimiladda, markii ugu horeeyay waxaa aas,asay Jess Pepper,2015
Hadda waxaa ay taageerta bulshooyinka kale loo bilaabo ,goobu gaar ah ,oo ku xiran shabakaha caalamiga ah .
Ka qeyb galayaasha ayaa sheegay in muqaayaddan ay tahay goob aamin ah oo kaga hdali karaan walaac ay ka qabaan arrimaha ku saabsan isbadallka cimilladda.
Papper waxa ay door hogaamineed ka qaadata arrimaha cimiladda ,waan xumin sharafeed ka tirsan Royal scottish,iyo ururka bulshada ee Royal society.
Ficilka wax looga qabanyo isbedallka cimillad oo ay kaalin ka qaadanayaan haweenka iyo caruurta,waa mid wanaagsan,ayada oo isku xirnaata iyo xogta oo la wadaago ay kaalin kaga qadan karto wax ka qabashada siyaassadda cimiladda.
Jess
Kera Sherwood -ORegan , New zealand
U doodda xaquudda dadka asaliga ah iyo kuwa naafada ah.
Kera waa khabiir ku takhakhusatay cimilladda iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ,waxaa ay ka soo jeed jaziirda Koonfureed ee lagu magacaabo Waipounamu ee Zew Zealand.
Waa aas,aasaha iyo u dooddaha ,wakaaladda sameeynt bulshada,ee ka shaqeeysa cadaallada cimiladda iyo isbedalka bulshada .
Hab-dhaqankeedu waxaa uu ku saleeysan yahay hananka Maori oo ah dhulka awoowayaasheeda, oo dadka ay isku indho tireen in laga wada hadalo isbedalka cimiladda.
Sherwood-O Regan waxa ay xariir adag la sameeysatay Wasiiro saraakiil ,iyo bulsho weynta Rayidka si ay u muujiso sameeynta isbedallka cimilladda ee dadka asaliga ah iyo kuwa naafada ah,waxaan ay u doodda in la aqoonsado xaquudda bulshooyinka ay u ololeeyso.
Waxaan diiday qaabka wax soo saarka,waxaan qaadanaynaa door hogaamineed ee bulshada,dadka waxaan filaya in ay garoowsaaan muhiimada doorka dadka asaliga ah ee isbedallka cimilladda.
Kera Sherwood -ORegan
Lala Pasquinell , Argentina
Farshaxanadyahada
Dumarka Aan Ku Qornayn Jaldiga (Jaraaidka) waa fikradda hal abuur ee farshaxamayste Lala Pasquinelli, taasoo ay samaysay 2015kii si wax la iskaga weydiiyo tilmaamaha quruxda iyo matalaadda dumarku ku dhex leeyihiin warbaahinta iyo dhaqamada caanka ah.
Mashruucu wuxuu sabab u yahay ole-olooyin baahsan kuwaas oo dumarka faraya inay dib u eegis ku sameeyaan sheekooyinka ku saabsan jirkooda, oo ay kujiraan arrimaha sida duqowga iyo habka cuntooyinka. Baaqoodi ugu danbeeyay ee wax ka qabashada ee #HermanaSoltaLqPanza (walaashay, jooji xumaynta calooshaada) wuxuu iftiimiyay sheekooyinka dhabta ah ee dadyowga qaababka iyo cabirada kala duwan leh.
Waa qareenna ,gabyaa,waxaan ay u doodda arrimaha haweenka, bulshada isku jinsiga ah ee qeybta ka tahay ,waxaa ay tilmaantay in ay ka shaqeeynayso sidii loo baa;bin lahaa fikradaha xun ee ku saabbsan dumarka .
Paulina Chiziane , Muzanbiiga
Qoraa
1990-Gudaha dalka Muzanbiiga waxaa ay noqotay gabadhii ugu horeeysay ee la daabaco sheeko ay qortay waxaan qortay sheeko lagu magacabo Jecelkii dabaysha .
Waxaa ay kusoo kortay duleedka Caasimada Musanbiiga ee Mabuuta,Chiziane luuqada Boortuqaalka waxaa ay ka bartay Dugsi Kaatooliga ah, jaamacada ayay billowday kuliyada Luuqada balse ma aysan dhameeyna .
Buugga ay qortay ee Marwada koobada iyo xaasaska badan ayaa lagu turjumay luuqada badan oo ay ka mid yihiin Ingiliishka Jarmalka iyo Isbaashanka,waxaan ay ku guuleystay abaalmarinta maxaliga ee Jose Craveirinha Award
Dhawaan waxaa ay ku guuleeystay Billada Camoes Prize oo loo arko in ay tahay abaalmarinta Bortuqaal ugu qaalisan.
Afroze-Numa, Pakistan
Qowsaarad
Mid ka mid ah qowsaarradii ugu dambeeyay ee Wakhi, Afroze-Numa waxay xannaaneyneysay ariga, lo'da iyo idaha wax ka badan 30 sano.
Iyadoo ganacsiga ka baratay hooyadeed iyo ayeeyooyinkeed, waxay qeyb ka tahay dhaqanka qarniga jirsaday ee haatan kasii guuraya dooxada Shimshal ee Pakistan.
Sanad kasta, haweenkan qowsaarrada ah ayaa qaata ushooda si ay xoolaha u daajiyaan ilaa 4,800m (16,000ft) meel ka sarreysa cirka, halkaasoo ay ku diyaariyaan manaafacaadka xoolaha si ay wax kale ugu beddeshaan, iyadoo xoolahoodu ay daaqayaan.
Dakhligooda ayaa xaafadda usoo jiiday barwaaqo una oggolaaday carruurtooda inay wax bartaan. Afroze-Numa ayaa weli si adag u xusuusata inay tahay haweeneydii ugu horreysay ee dooxada ee yeelata joog kabo ah.
Hosai Ahmadzai, Afgaanistaan.
Tabiye Tv
Markii Taliban ay la wareegeen Afgaanistaan bishii Ogoosto 2021, Hosai Ahmadzai waxay ahyed dumarkii aadka u yaraa ee wararka faafiya gudaha dalka.
Waxay sii waddaa shaqadeeda Shamshad TV in kasta oo ay jirto walaac xagga ammaanka ah iyo fahamka khaldan ee bulshada ee haweenka ka shaqeeya warbaahinta.
waxa ay wareysatay saraakiil badan oo Taliban ah, laakiin waa adag tahay waxa ay waydiin karto mana awoodo in ay su'aalo badan
Ahmadzai waxaa ay bartay sharciga iyo cilmiga siyaasadda, waxaana ay ka shaqaynaysa warbaahinta muddo toddobo sano ah. Waxay diiradda saartaa waxbarashada gabdhaha, oo ay si adag u xaddideen Taliban.
Esi Buobasa, Ghana
Ganacsato kalluun
Iyadoo kasoo jeedda Fuveme, oo ah xaafad ka tirsan Ghana oo ay soo xaaqday badda, Esi Buobasa waxay toos u aragtay saameynta isbeddelka cimilada.
Iyadoo la jirta seygeeda iyo shanteeda carruurta ah, waxaa lagu qasbay inay guuraan iyadoo heerka baddu ay sare u kacday, taasoo ka dhigtay dhulkeeda mid aan lagu noolaan karin.
Iyadoo ahayd hormuudka ganacsatada kalluunka ee xaafaddeeda, Buobasa iyo saaxiibbadeed ayaa aasaasay urur loola dan leeyahay caawinta haweenka kalluumeysatada ah ee gobolka, iyadoo dakhligooda nolosha ay saameeyeen nabaad-guur xeebeedka.
Isbahaysiga, oo haatan ay ku jiraan 100 xubnood, ayaa si toddobaadle ah u kulma si ay uga wada xaajoodaan arrimaha saameynaya haweenka ku jira ganacsiga waxayna sameeyaan qaaraan ururin lacageed oo lagu caawinayo qoysaska baahan.
Waanu quusannaa mar walba oo mowjaddu ay kacdo. Dhimasho ayaa noo timaadda annaga iyo jiilka xiga.
Esi Buobasa
Chila Kumari Burman, Ingiriiska
Fanaanada
Waxaa ay kushaqaynaysa xirfad farshaxanno kala duwan oo ay ka mid yihiin daabacaadda, sawiridda, rinjiyeynta, rakibaadda iyo filimada, Chila Kumari Burman waxay shaqadeeda isticmaasha si ay ugala hadasho arrimaha ay ka midka yihiin matalaadda, jinsiga iyo aqoonsiga dhaqanka.
Sannadkan,bandhigeed waxaa loo arkay muuqaalkeeda Blackpool Illuminations,ee dabbaaldeg nalal ah oo ka socday UK tan iyo 1879. Lollies in Love With Light waa qalab tikniko ah oo lagu rakibay jalaatada xarunteeda, oo ay dhiirigelisay barafka ganacsiga kiriimka.
2020, Burman waxay samaysay Xusuusta geesinimada adduunka cusub ee qurxinaysa wejiga Tate Britain iyada oo tixraacaysa khuraafaadka Hindida, dhaqanka caanka ah iyo xoojinta haweenka.
Sannadkii hore waxaa la guddoonsiiyay billadda MBE.
Susanna Etti, Australia
Khabiir dalxiisa iyo xalka waare.
Mid ka mid ah saynisyahannada cimilada ee tirada yar ee qaybta socdaalka iyo dalxiiska, Susanne Etti waxay aad u jeceshahay inay u horseeddo warshadaha mustaqbal waara.
Shaqadeeda maareeyaha saameynta deegaanka ee caalamiga ah ee Intrepid Travel, oo ah ganacsi socdaal oo koox yar ah, ayaa u horseeday shirkadu inay noqoto hawlwadeenkii ugu horreeyay ee dalxiiska ee leh bartilmaameedyada dhimista kaarboonka ee ku saleysan sayniska.
Atti waxaa ay qortay buugga looga hadlayo safarka, socdaalka,dalxiiska iyo yareeynta khataraha kaarboonka ,sidoo kale waxaa ay sameeysaya in ka badan 400 oo urur socadaal kuwas oo ka shaqeeya isbeddallka cimliadda.
Maant waxaan argnaa ganacsiyo badan oo aqoonsaday muhiimada wax ka qabashada cimiladda,iyga oo dajiyay yoolal lagu yareeynayo saameeyta deeganka ,maalgalinta tamarta aan lahyeen saameynta ficelka cimilladda.
Susanna Etti
Jannatul Ferdous, Bangaaladhesh
ka badbaado dab
jannatul Ferdous waxaa ay ka badbaaday shil gubay 60% jirkeeda, waxaa ay noqotay gabar sameeysa filimada,qoraa,iyo in ay u doodda dadka naafada ah.
Waa aasaasaha ururka Cod iyo Aragti oo ah haa'yadda u doodda xaquuqadda aadanaha iyo haweenka ubniinka ka badbaaday.
Ehelkeeda iyo saaxiibadeed waxaa ay u yaqaanan magaca( Ivy) shan filim oo gaagaaban ayay jishay, sidoo kale sadex sheeko xariir ayay qortay, dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayay wacyi galin u sameeysa waxaan ay ka sheekaysa waayaheeda.
Fardous ayaa mid sifiican wax u bartay ,waxaan ay haystaa laba shahaado oo heerka labaada ee jaamacada ah kuwaas oo ka sameeysay Luuqada Ingiliishka iyo Sugaantiisa iyo mid kale oo ah daraasaddka Hormarka.
Licia Fertz, Talyaaniga
Gabar Model ah iyocaan ah.
Waa 93-jir ay 235,000 ku xiran yihiin barteeda Instagram-ka, laakiin dadka ugu da'da weyn talyaaniga ee saamaynta togan ee jirka le,taasi waa mid ka mid dadka ugu saameeynta badan.
Licia Fertz waxay ku noolayd Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxay goobjooog ahyed geerida gabadheeda 28-jirka ah waxayna aragtay ninkeedii oo dhintay.
Laakin markii wiil ay ayeeyo u tahay u furay barta Instagram si uu u kaco, labiskeeda midabka leh iyo dhoola cadeynteeda ayaa ka dhigay xidig baraha bulshada isla markiib
Waxay qortay buug-nololeed loogu talagalay majaladda Rolling Stone iyadoo jirta 89.
Waxaa ay u dooda ka-hortagga Gabowga , dumarnimada iyo u dhaqdhaqaaqa dadka isku jinsiga ah LGBTQ+, kor u qaadda wanaagga jirka iyo dib-u-qaabaynta sida aan u aragno jirka gabowga iyo waayeelka.
Natalia Idrisova, Tajikistan
La taliye Tamarta Cagaaran.
Haweenka ku nool meelaha fogfog ee dalka Tajikistan waxaa inta badan ay dhibaato ku qabaan helitaanka ilaha tamart sida korantada,iyo orayaha dabka. isku duwaha mashruuca samafalka deeganka Natalia Idrisova,waxaa ay baadi goobta xalal deeganka ah oo wax ku ool u ah xiisada tamarta,waxaan ay bartaa haweenka sida kheyradka dibiiciga ah u istcimaalan,iyo tiknolajiyada.
Marka laga yimaado tababarka,ururkeeda waxaa ururkeeda uu bixiyaa qalabka tamarta sida soolarka cadceeda,makiinadaha jikada,kuwaas oo lagu taageerayo haweenka si loo xoojiyoo sinaanta ragga iyo dumarka ee hab ku haboon cimilladda guriga.
Idrisova waxaa ay bulshoyinka bartaa sida isbedallka cimillada uu sameeynayo dadka naafada ah iyo sidii loo heli lahaa in la maqlo codadka dadkaasi marka la jooga doodah siyaassadda .
dhacdooyinka ba'an ee aduunka ka jira ayaa muujiny digniinta ugu danbeeysay,ee cimiladda iyo sid bin aadamku uusan ugu faa,iidi donin dhibaatooyinka xun hadii aan xal loo helin.
Natalia Idrisova
Huda Kattan, Mareykanka
Aasaasaha ganacsi is qurxin
Waxay ku dhalatay Mareykanka waxaana dhalay waaliddiin muhaajirin Ciraaqi ah, Huda Kattan waxay ku barbaartay Oklahama waxayna iska diidday xirfad dhaqameedka si ay u hiigsato hiwaayaddeeda ay weligeed rabtay ee quruxda.
Iyadoo iska diwaangelisay iskuul tababarka make-upka oo qaali ah kuna yaalla Los Angeles, waxay sameysatay macaamiil dad caan ah oo ay ku jiraan dhow qoysas boqortooyo oo Bariga Dhexe ku nool.
Waxay noqotay shirkadda quruxda ee ay dadka ugu badan ku xiran yihiin Instagram iyadoo in ka badan 50 milyan oo qof ay barteeda ku xiran yihiin.
Kattan waxay aasaastay shirkaddeeda is qurxinta, Huda Beauty, sanadkii 2013 iyadoo ku billowday baalsha macmalka ah ee indhaha. Maanta, ganacsigeeda balaayiinka doollar ku fadhiya wuxuu ka kooban yahay 140 shey oo qurxinta ah, oo lagu iibiyo in ka badan 1,500 dukaamo oo daafaha dunida ku kala yaalla.
Sophia Kianni,
Arday iyo ganacsato internetka ah
Markii wadahadal ay la sameeysay qaraabadeed ku sugan dalka Iran,ganacsato Sophia Kianni waxaa ay xaqiiqsatay inay jirto macluumad yar oo ku sabsan helida xogta isbeddalka cimillad ee luuqadeed waxaan ay biloowday in turjunto Faarisig.
Tan waxaa ay is dhakhso ah u noqotay mashruuc ballaarn,markaas ayay aas,aastay, koox la dhaho Climate Cardinals oo ah koox aan faa'iido doon ahyeen,oo ay hogamiyaan dhalinayaro caalami ah ,kuwaas oo ujeedadooda tahay, in ay turjumaan macluumadk la xariir cilimadda ee luuqad farisiga oo ay u badalan Ingiliisha.
Hadda waxaa ay gaaryan 10'000 arday oo ku kala sugan 80 wadan oo ka mid ah qaaradaha aduunka , kuwaas oo si bilaash ah u turjuma 1 malayan oo eray oo cimiladda ku saabsan.
Ujeedada Kianni waa in ay gacan ka gaysto in meesha laga saaro caqabaaha dhanka luuqadaha ah,ee gudbinta aqoonta sayniska aduunka .
Dhaqdhaqaa dhalinyarada ,waxaa ay dhisaan oo kobciyaan,shabakado wax looga qabanayo cimiladd caalamiga ah ,waxa ay abaabulaan banaabaxyo, waxa ay diraaan codsiyo wax looga qabanayo isticmaalka shidaalka,ayga oo dhanka kale aruuriya malaayiin doollar si wax looga qabto dadaaladda cimiladda aduunka .
Sophia Kianni
Arati Kumar-Rao, Hindiya
Sawire qaade
Waxaa ay ka shaqeeysa guud ahan koonfur Aasiya ,waan sawir qaade madax banaan,sidoo kale waa qoraa ka tirsan wargeyska National Geographic Explorer,Arati Kumar-Rao waxaa ay soo bandhigtay muqaal muujinaya hanaanka cimilladda ee uu sameeyay isbadellka cimilad.
Waxa ay ka warantay sida ba'an ee biyahu u xaalufinayaan dhulka hoostiisa, baabi'inta deeganka,iyo sida warahaduhu ula wareegeen dhulka una baabiiyen kala duwanaashaha noolaha,hoos u dhac deeganka la wadaago,iyo barakicinta malaayiin iyo dabargooynta kuw kale .
Kumar-Rao waxaa ay ku safartay guud ahan Hindiya tobanaan sano,waxaana sheekooyinkeeda adag ee dhanka nolasha ah ay muujinayaan sida burburka deeganka u saameyay habka noolasha iyo noolaha .
Buugga ay qortay ee Marginland :ayaa sharxay muuqalka Hindiya qarka u saaran xaafulka dhulka iyo sida nolashood tahay dadka reer Hindiya ee ku nool goobaha sida ba'an cimilladu u saameeysay.
Asalka dhibka cimildda ayaa ah xaalufint dhulka hoose ,biyaha iyo hawada kuwaas oo dhamaan lama huraan ah.
Arati Kumar-Rao
Marijeta Mojasevic, Montenegro
U dhaqdhaqaaqa xuquuqda naafada
Ka dib markii ay ka badbaaday laba xanuunka istaroog markii ay ku jirtay dugsiga sare, Marijeta Mojasevic nolosheeda ayaa si weyn isu beddeshay.
Waxaa ay la kulantay saameyn jireed iyo mid maskaxeed, kuwaas oo intooda badan ay wali la nooshahay, Mojasevic hadda waxay u shaqeysaa sidii lataliye dhalinyaro ah iyo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Waxay u isticmaashaa codkeeda si ay uga hortimaado dabeecadaha iyo dhibaatada dadka qaba xanuunka neerfaha.
Waxay soo agaasinta aqoon-is-weydaarsiyo loo yaqaan Life With Disability, halkaas oo ay ka soo qaadato waayo-aragnimadeeda si ay uga hortagto nacaybka.
Waxay safiir u tahay OneNeurology, hindise ujeedadiisu tahay in xaaladaha neerfaha laga dhigo mudnaanta caafimaadka guud ee caalamka.
Sarah Otta,
Macalin dugsi
Gobalka Florida ee dalka Mareynkanka ayay timid ayda oo da'yar kadib weerarkii 9\11,macalimada dugsiga dhaxe ayaa ahyed mid u nugul xogaha khaldan.
In kast oo ay wax ka bartay cilmiga Sayniska,hadan in muddo ah waxaa ay shaki ka qabtay in dhab ahaanshah isbaddallka cimiladda uu yahay mid dhab ah.
Si ay u fahanto khaldeenyda waxaa ay biloowday in ay baaritaan ay sameeyso,baaristii ay sameeysay ayaa ku khasabtay in ay noqto Safiirka isbeddalka cimiladda ee xarunta qaranka ee waxbarashada Sayniska.
Hadda oo fadhigeedu yahay gobolka Georgia,waxaa ay daristaa isbaddalka cimiladda si ay uga barto ardadeed Sayniska,si kor loogu qaao wacyiga bulshada ee arrimaha la xariir isbadellka cimillada.
In kast oo sameeynta isbadallka cimiladda uu yahay xaalad taagan "oo ku jirta dhamaan gacmaheen"hadan kaligay waxba ma sameeyna karo,dhaqdhaqaqo waa sida beer oo kale xili waa beeranta xilina waa nastaa.
Sarah Otta
Jetsunma Tenzin Palmo, Hindiya
Baadariyadda
jetsunma Tenzin Palmo waxaa ay ku dhalatay dalka Ingiriiska ,1940-maydii diinta Budhdhimiska ayay qaadatay ayada oo yar.
Markii ay jirta da'da 20 sano waxaa ay u safartay dalka Hindiya si ay u noqoto haweenayadii ugu horeeysay ee reer galbeed ah ee loo caleema saaro,in ay noqoto wadad Buddhis ah.
Si kor loogu qaado heerka iyo tirada haweenka baadariirnta ah Tenzin Palmo waxaa ay aas,aastay ururka lagu magacaabo,(Dongyu Gastsal Nunnery in Himachal Pradesh India )oo ay xubin ka yihiin in120 haween oo baadari ah .
Waxaa caan ku noqotay in 12 sano oo ka mid ah Nolashada ay ku nooleeyda fog oo ku yaala meelaha miyiga ah ee buuraha Hilmalayas, sanadkii 2008-dii ayaa loo bixiyay magac naadir ah Jetsunma oo macanaheedu yahay sharaf.
Matcha Phorn-in, Taylaan
U doodda dadka asalk ah iyo kuwa isku jinsiga ah.
waxaa ay ku kusoo kortay dalka Taylaani,gaar ahan xaduudka uu laleeyahay Myanmar,halkas oo ah aag si xun u sameeysay isbedallka cimillad iyo isku dhacyada labada dal.Matcha Phorn waxaa ay si weyn diirada u saartay in ka u doodda xaquuqadda dadka laga tirada badn yahay.
Waa ay aas,aasaha haa'yadda hormarinta ee lagu magacaabo Sangsan Anakot Yawachon oo ah urur ka shaqeeya waxbarashada iyo woodda siinta kumaan haween, gabadho iyo dhalinyarada, dadka aan dalka lahyeen iyo bulshada isku jinsiga ah.
Maadam ay ka dhalatay qowmiyad laga tiro badan yahay iyo dumarka isku jinsiga ah,Matcha Phorna waxaa door hogaamineed ku leedahay,dhaqdhaqaaq lagu joojinayo rabshadaha ku salayeesan jinsiga ee Gobalka,iyada oo sidoo kale u ololeeysa xaquudda dhulka iyo cadaaladda cimilladda barakacayaash iyo dadka la hayba sooco.
Ma jiro karo xal waar oo deeganka ah oo la heli karo ,hadii aysan qeyb ka noqno oo an la tixgalin codadka dadka asalka ah ,kuwa isku jinsiga ah haweenka iyo gabadhah.
Matcha Phorn-in
Carolina Díaz Pimentel, Peru
Wariye
Markii laga helay xanuunka autism-ka dabayaaqadii 20-meeyadii, Carolina Díaz Pimentel waxaa u cadaatay xaqiiqda ah in ay hadda ogtahay inay tahay neurodivergent.
Hadda da'deeda waa 30- jir " qabta xanuunka Autistic-ka leh qab weyn", waa saxafiyad ku takhasustay kala-duwanaanta neerfayaasha iyo caymiska caafimaadka dhimirka.
Díaz waxa kale oo ay ka shaqeeyaa sidii uu u joojin lahaa dhaleeceynta inta badan la kulmaan dadka naafada ah. waa aasaasaha dhowr mashruuc aan faa;iido doon ahayn kuwaas oo kor u qaadaya wacyiga neurodiversity: Mas Que Bipolar (In ka badan laba-cirifoodka), Peruvian Neurodivergent Coalition iyo Proyecto Atípico (Mashruuc Atypical).
Iwaa deeq bixiye Xarunta Pulitzer, iyo aqoonyahan ka tirsan Rosalynn
Shairbu Sagynbaeva, Kyrgzstan
Mid ka mid ah aasaasayaash Dukaanka iyo harqaanka ee for Life Sewing shop.
kadib afar sano oo laga daaweynaayay heerka 4 ee kansarka, iyo halgan ay ugu jirtay sidii ay isaga bixin lahyeed daawada Shairbu Sagynbaeva waa ay ka caafimaaday.
Ayada iyo afar qof oo kal e oo ka caafimaaday cudurka Kansarka ayaa furay dukaanka oo lagu magacaabo (Life Sewing Shop) halkaas oo ay ku iibiyaan,kuna farsameeyna ,boorsooyinka iyo agabyo kale kuwaas oo lacagta ay ka helaan ay ku caawiyaan daaweeynta Kansarka .
Ilaa iyo hada waxaa ay aruuriyeen aduunka lacag ah oo dhan 33;000 dollar oo ay ku taageereen 34 haweenka oo rabay kharash iyo gargaar caafimaad.
Sagynbaeva waxaa kale oo ay garoowsantahay baahida loo qabo in la taageero bukaanad xanuunsan ee ku nool meelaha ka foga xarumaha caafimadka,in loo sameeyo Hotel u dhawa gooba caafimaad oo faa'iido doon ahyen, halkaas oo ay joogi karn.
Deria Serenko, Ruushka
Gabyaa
Deria Serenko waa qoraa iyo u dhaqdhaqaaqa siyaasadda ,waa mid ka mid ah kooxo haween ah oo si adag ugu soo horjeeda dagaalka Ruushku Ukraine ku qaaday.
Sagaalkii sano ee lasoo dhaafay waxaa ay wax ka qoraysa xadgudubyada jinsiga ee ka dhaca Ruushka,waxaa ay qortay,laba buugga oo mid ay uga hadlayso dagaalka iyo haweenka.
Sarenko sidoo kale waa abuuraha hindisaha farshaxanka ee (Quiet Picktett kaas ah oo boorar ay ku qoran yihiin fariimo khuseeya howal gaar ah.
Laba toddobaad ka hor inta uusan Ruushku billaabin duulaanka Ukraine, Serenko waxaa xiray mas'uuliyiinta Ruushka, waxaana lagu eedeeyay inuu faafinayso farriimaha "xagjirnimada". Wax yar ka dib waxay u haajirtay Georgia oo hadda waxaa loo magacaabay "wakiil shisheeye" mas'uuliyiinta Ruushka.
Sagarika Sriram, Isku taga imaaradka Carabta
Waxaa ay u ololaysaa waxbarashada iyo cimiladda
Da'yarta Sagarimka Sriram waxaa ay u doodda in waxbarashada ku sabsan cimillada Dugsiyada khasab laga dhigo.
Ayada oo isticmaalaysa xirfadeed codeeynta iyo hananka online-ka ee ay sameeysay ee kids4betterworld oo ay ugu talagashay in carruurta ku nool daahfaha aduunka uu ka caawiyo waxbarashada ayada oo uu taageerayo mashriic adkaysiga leh ee bulshooyinka
Ayad oo adeegsanaysa hananka Online-ka iyo khadk tooska waxaa ay caruurta bartaa sida ay sameeyn togan ugu yeelan lahyeen isbedallka cimillada.
Marka laga yimaado waxbarashadeed dugsiga sare Dubeey Srirm waxaa ay qeyb ka tahay kooxda latalinta carruurta ee guddiga qaramad midoobeey ee xaquuqda carruurta,halkaasi oo ay ku guuleeystay abaalmarinta deeganka .
Lama joogo waqtigii qaylo-dhaanta ee waa ficil, sidaa darteed ilmo kasta wax lagu baray si uu ugu noolaado si waara oo uu u wado isbeddellada nidaamka ee aan u baahanahay inaan ku aragno adduunkeena.
Sagarika Sriram
Clara Elizabeth Fragoso Ugarte, Mexico
Darawal gaari xamuul
Clara Elizabeth Fragoso Ugarte oo ah darawalad gaari xamuul ayaa 17 sano oo nolosheeda ah ku qaadatay xirfaddan ragga lagu yaqaanno, iyadoo u kal agoosheysa Mexico iyo qaar ka mid ah waddooyinka u halista badan dalkaas.
Asal ahaan waxay kasoo jeeddaa Durango, Fragoso Ugarte ayaa guursatay markii ay 17 jir ahayd waana hooyo leh afar carruur ah iyo ayeeyada toddoba carruur ah.
"Trailera" ahaan, sida haweenka gawaarida xamuulka wado loogu yeero, waxay nolosheeda ku qaadataa waddada iyadoo alaabo geysa Mexico iyo Mareykanka.
Waxay sidoo kale tababartaa darawallada da'da yar waxayna dooneysaa inay ku dhiirrigeliso haweenka kale inay ku biiraan xirfaddan si loogu guuleysto sinnaanta jinsiga ee ganacsiga kaxeynta gawaarida culus.
Louise Mabulo, Philippines
Beeraley iyo ganacsato
Sannadkii 2016, Typhoon Nock-Ten ayaa ku fiday qaybo ka mid ah Camarines Sur, Filibiin, taasoo ah maado dhimaysa 80% dhul-beereedyada.
Louise Mabulo waxay diidday burburka maadadan ay ku hayo beeraha iyada oo aasaastay Mashruuca Cacao. Ururku waxaa uu higsanayay in uu wax ka beddelo hababka cuntada maxaliga ah iyada oo loo marayo kaymo-beero waara ah
Mabulo waxa ay xoojisaa beeralayda, waxa ay burburisay hababka cunto yarida,waxana ay u horseeday dalk dhaqaale cagaaran oo uu miyigu hogaamiyo,iyada oo dib u soo celinaysa xukunka kuwa xoogga saaray dhulka beeraha ah.
Waxay la talisaa gudiga siyaasadda cimilada ee caalamiga ah, ayad oo kordhiyso sheekooyinka iyo aqoonta miyiga. Waxa ay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka u aqoonsatay in ay tahay Hormuudka da’da yarta deeganka ee Dunida.
Waxaan rajo ka qabaa in la ogaado in dhaqdhaqaaqyada adduunka ay dhisaan dad aniga oo kale ah, oo mustaqbal ka leh muuqaal cagaaran oo aduunka ah, bulshooyin isku xiran, halkaas oo cuntadeenu ay tahay mid waarta oo la heli karo, dhaqaalaheenna yahay mid wareeg ah oo caddaalad ah lehna mabaadi'da loo siman yahay.
Louise Mabulo
Oksana Zabuzhko, Ukraine
Qoraa
Waxaa ay qortay in ka badan 20 Buugga, oo ay ku jiraan gabayadda jacburka ah iyo kuwa aan caadiga ah,Oksana waxaa loo arkaa in ay tahay mid ka mid ah haweenka qorayaasha ugu horeeyay Ukraine
Waxaa ay caan ku tahay oo siweyn loogu yaqaana shaqooyinka ay ka mid yihiin gogosha reer Ukraine .
waxaa ay ka qalinjabisay qeybta Falsafadda ee Jaamacdda Shevchenko ee Magaladda Kiyeefa sidoo kale shahaadad Digtoorada ee falsafadda ayay ka diyaarisay isla Jaamacadda.
Buuggta ay qortay waxaa lagu turjumay in ka badan 20 luuqadooda ,waxaa sidoo kale ay ku guuleeysteen abaalmarin caalami ah iyo gudaha oo ay ka mid yihiin Billada Angelusee Suuganta ee baratamaha Yurub kuwa laga siiyay farsansiiska iyo gudaha Ukraine ayay ku dhamaan haysta.
Vee kativhu, Zimbabwe/iyo Ingiriiska
Sheeko abuure iyo Yutubarada
Laga soo bilaabo hayaankeedii waxbarasho ee Jaamacaddaha Oxford iyo Harvard iyo kii shaqo Mc Donald ee ay isku dhax waday, Vee waxaa uu yadadiilo cusub ku abuuray kumaanan dadweynaha oo kala jooga daafaha aduunka.
Intii ay ku jirtay waxbarashada Jaamacada waxaa ay sameeysay Kanaal Youtube sida ardada ay ula wadaagto waayo-aragnimadeed ku saabsan arday ka yimid qoyes dhaqaale ahaan hooseya,iyada oo sidoo kale talooyin siin jirtay ardayda la midka ah.
Xiligaasi wixii ka danbeeyay Kativhu waa sameeyay(Empowered by Vee) oo ah madal ay doonayso in waxbarashada heerka sare ay noqto mid qof walba uu heli karo,gaar ahan ardayda dhaqaale ahaan la taageerin.
waxaa ay qortay buugga ay kaga hadlayso xaladihii ay soo martay kaas oo dhalinyarada ay ugu talagashaya waxaan ay hada diyaarisa shahaadad PHD ee hogaanka waxbarashada.
Madadaalada & Cayaaraha
Paramida , Jarmalka
DJ iyo soo saare muusik
Muddo dheer kahor intaysan dibadbaxyadu ka dhicin Iiraan sanadkii hore, DJ Paramida ayaa ka hortageysay xayiraadaha dhaqan ee haweenka Iiraan kasoo jeeda.
Hadda oo ay ku nooshahay Berlin, Paramida waxay soo bixisay hiwaayaddeeda muusikada iyo dhaqanka jaaska xilli ay ku nooleyd Frankfurt iyo Tehran makrii ay da' yareyd.
Waxaa dhiirrigeliyay taariikhda muusikada jaaska, heesteeda rikoorka dhigtay ee Jaceylku wuxuu Saaran yahay Dhagaxaanta ayaa dhiirrigelineysa dhaqanka jaaska ee maanta.
Iyadoo deggan Berghain's Panorama Bar oo Berlin ku yaalla, waxay noqotay DJ dunida dhan laga raadiyo iyo soo saare muusik oo caan ah. waxay fursaddan u adeegsataa inay kula loollanto arrimaha jinsiga ee ku gedaaman bahda muusigga ee raggu ku badan yahay.
Camila Pirelli , Boortuqaal
ciyaaraha fudud ee Olampiga
In kast oo takhakhuskeedu ahaa ciyaarha fudud ee dumarka waxaa ay u tartamaysay oradka 100 -ka mitir ah,kaas Camilla ay ku tagtay magalladda Tookiyo.
Waxa loo yaqaan naanaysteeda Guarani Panther, oo ah orayahanadda garoonka,waxaan ay haysa tiro rikooro ah oo ciyaaraha fudud ah ee heer qaran,sidoo kale waa tababar isboorti iyo macalin ingiriis.
Pirell waxaa ay ku soo kortay qoyes deegan ahaan ,dagan magaalo yar oo ku taal Paraguay,halkaas oo ay ku argaty saameeynta isbedallka cimilladda .
Hadda waa halyeeda dhanka ciyaaraha fudud,waxan saameeynta ay isticmaasha si bulshada ay ugu dhiir galiso in wax laga qabo isbeddalka cimillada iyoin la yareeyo isticmaalka kaarboonka.
Waxaan ku soo koray magaalo ay adag tahay maalin walb in la arko duurjooga,waa in la ogaado in xayawaanka ay la ila daran yihiin isbedalka cimilladda ,waan ka walwalaa oo waxaan rabaa in aan caawiyo.
Camila Pirelli
Ann Grall , Faransiiska
madadaaliso .
Naadigga majaajiladda ee Greenwashing,oo ah koox wax ka qabta arrimaha deeganka,dumarka iyo xaquuqadda bulshooyinka naafadda iyo dadka isku jinsiga ayay qeyb ka tahay.
kooxda ayaa waxaa aas,aasay fanaanada iyo madadaaliso Anna Groll,taas oo aaminsan in shaactirada iyo madaaaladu ay qeyb ka qaadan karaan isbedalka cimillada,taas oo badli karta caadooyinka hab-dhaqanka bulshada ee deeganka .
Bulsho ay madadalada horseed ka tahay, halkaas oo fikrado kooban iyo farriimaha gaagaaban ay ka jiraan, Grall waxa ay aaminsan tahay in kaftan, inta badan ku tiirsan buunbuuninta iyo feeraha, ay noqon karto meel aad u wanaagsan oo lagu wadaago fikradaha ku saabsan isbeddelka cimilada.
Guusha kooxda majaajilada ee Greenwashing Club waa mid aad u farxad badan sababtoo ah waxay muujineysaa in maanta dad badani ay ka walaacsan yihiin isbeddelka cimilada, waxaan rabaan inay isu yimaadaan, qoslaan, oo ay ka baxaan bandhigga iyagoo u diyaar ah inay sii wadaan dagaalka!
Ann Grall
America Ferrera , Mareykanka
Atariisho
caan ayay ka tahay,aduunka oo dhan,qof walba si fudud ayuu u garan karaa,waa atiirsho ku guuleeysatay abaalmarin,agaasime iyo soo sare, America Ferrera waxaa lagu yaqaan doorarkeeda weyn ee kala duwan, oo ay ku jiraan filimkii dhawaan rikoorka jabiyay ee Barbie real women iyo taxnaha Ugly Betty.
Waxaa ay noqtay qofkii ugu da'da yaraa iyo latin Ameerikaankii ugu horeeyay ee ku guuleeysatay abaalmarinta Emmy ayada oo lagu maamusay doorkii jilniinka ee ay ka qaadatay,America Ferrera waxaa ay muddo u dheere u dhaqdhaqaqaysay xaquuqada haweenka iyo in ay helaan matalaada dheerada ah .
Ghabadha kasu haajirtey dalka Hondur waxey u ololeysaa kor oqaadida noolasha dadka latin amerikaan ka ee kunool Marekanka iyada uu isticmaaleysa barnaamijkeeda samafalka ee Poderistas.
Aitana Bomati, Spain
Ciyaaryahanada kubada Cagta ah
Aitana Bomati waxaa ay ku dhalatay gobalka Katalaan,khadka dhaxe ayay ka ciyaarta ,waxaana ay kula guuleeystay sanadka labada Horyaal ee dalka Spain ee kala ah champion league kooxdeed Barcelona
Intii lagu guda jiray ciyaartii Koobka aduunka Aitana waxaa ay noqtay xiddiga heer caalami ah oo waxaa laf dhabar ay u ahyed guushii Spain ay gaartay,waxaa ay dhalisay ilaa sadex gool,waxaa loo aqoonsaday xiddiga tartanka .24 jir ku guuleeystay abaalmarinta qaaliga ah ee Ballon ay bixiso Uefa ee la siiyo ciyaaryahanka sanadka.
Bonmati kama cabsato in codkeeda gudaha iyo dibada garoonka u isticmaasho in wax laga badello sinaan la,aanta kubada cagta ee haweenka.
Markii wadankeeda Spain uu ku guulaystay koobka aduunka ,ayaa fadeexda ka dhacay gudoomiye xariirka Kubda cagta Spain Luis Rubiales kaas oo muqaal laga duubay isag oo shuminaya ciyaarto Jenni Hermose,balse waxaa arintaasi si adag ugu hadlay kuna tilmaamay mid aan la aqbali karin Bonmati oo khodbada ka jeedisay Uefa ,waxaan ay garab istaag u muujisay saaxiibteed iyo haweenka kale ee la kuma dhacdooyinka kuwan la mid ah.
Antinisca Cenci, Talyaaniga
Ciyaaraaha fudud ee loo yaqaan Equestrian vaulter.
Markii Anitinisca Cenci ay bilowday in ciyaaraha fudud ee Farada ku dulboodka 30 -yadii ma aysan filayan in 10 sano kadib in ay la safri doonto kooxada tababarka u qaadanaysa ciyaaraha fudud ee farad ku dulboodka.
Waxa ay noolasheed kasoo biloowday La Fenice oo ku taal Waqooyiga Talyaaniga, nolashada ma ahyen mid fudud hooyadeed ayaa loo sheegay in Cenci aysan ka badbaadi doonin hargabka ,kadib markii ay culeeysa dhanka dhalmada ah
Cenci waxaa ay ciyaaraha fudud kusoo biloowday,barmaamijka,xarunta AFFAS oo ah Maxali ah iyo ururka qaranka ee qoyesaska dadka naafadda ee Talyaaniga,iyo kooxda Le Fenice Vaulting
Hadda waxaa ay tababar la sameeysa xiddigah ciyaaraha fudud ee aduunka ee Ann Cavallaro iyo Nelson Vidoni
Andreza Delgado, Baraasiil
Maamule Xarun dhaqanka ah.
Ka qeyb galinta dadka Soboolka ah ee ku nool duleedka Magaalada Sao Paulo shirweynaha masraxyadda si looga dhaxlo waayo-aragnimo iyo khibarda waxaa uu ah ay billooga barmaamjika lagu magacabo Pariacon.
Waa madal bilaasha ah oo diirada lagu saaro majaajilada,fanka iyo dhaqanka Baraasiil ,si dhaqanka loo ilaaliyo.
Masaraxiydda buugga ah oo ay sameeysay oo isugu jirta majaajilo ,ciyaaro kala duwan dhaqanka iyo madaalo kale ayaa la qabtay sanadka 2023,waxaan ka qeyb galay 15,000 ka qeyb galayaal ah.
Ayada oo adeegsanaysa Kanaalkeeda Youtube-ka iyo Podcaster Delgado waxaa ay u ololeeysa dimuqraadiyada ,dhaqanka Baraasiil iyo fanka dadka madowga ah ee dalkaasi u dhashay.
Desak Made Rita Kusuma Dewi, Induniisiye
Taffe Buurah
Intii ay ku jirtay dugsiga hoose ee Bali, Desak Made Rita Kusuma Dewi ayaa lagu casuumay in darbiga ay fuusho, wax yar ka dibna waxaa ay aad u jecelaatay fuulista xawaarahaee buuraha.
Waxay horey guulo uga gaadhay tartamada dhalinyarada, laakiin "boqorada buura fuulka dhagaxa Indunuusuye" ayaa kor u qaaday dhererka sanadkan, iyada oo ku guulaysatay dahabka dhacdada xawaaraha dumarka ee 2023 IFSC Climbing World Championships iyada oo ku orday wakhti rikoodh ah 6.49 ilbiriqsi.
waxay ka kasbatay tigidhkii Olombikada Paris 2024, halkaas oo kor u kacaday xawaaraha ay booday,taas oo ahyed dhacdo gaar ah markii ugu horeysay la diwaan galiyay.
Qofka fuula buuraha qaar Induniisya waxa uu u samayn karaa taariikhda Olimbikada , oo ilaa hadda bilado ku leh.
Georgia Harrison, Ingiriiska
Saxafiyad
Kadib markii Georgia ay dhibane u noqotay xadgudub galmo ku saleeysan ,waxaa ay go,aansatay in qisadeed ay u isticmaasho si ay gacan ugu gaysato wax ka qabashada rabshadaha ka dhaka ah haweenka,iyo in ay badasho habka fikirka ee Ingiriiska .
Saxafiyad caanka ku ah tabinta barmaamijka( Love island and the only way is Essex) ayaa horseeday olole la doonayo in wax ka badel lagu sameeyo sharciga badbaadad internetka ee boqortooyada Uk ,iyo in la sameeyo xeer danbi ka dhigay ku xadgudubka sawirka shaqsiga .
Harrison hada waxaa ay ku baaqaysa in shirkadaha Internetka ay la kulmaan cawaaqi xun hadii sawirada iyo muuqalka qof ee ku jira internetka si khaladan loo wadaago ogalaanasho,laa,anta qofka.
Hamanptreet Kaur, Hindiya
Xiddiga ciyaar fudud ee Cricket-ka
Sanadka Hamanptreet Kaur waxaa loo aqoonsaday haweenaydii ugu horeeysay ee Hinyada ah oo lagu magacaabo shan kricket-ka Sanadka .
Kabtanka xulka qaranka Cricket-ka Dumarka ee Hindiya waa gool dhaliye oo ka ciyaar dhinac walba ,sanadkii hore waxaa ay kooxdeed ku hogaamiysay in qaaddan billad qaali ah oo ku saabsan ciyaaraha Dalalka Bawaaqo Sooranka.
Ciyaaraha fudud ee Cricket-ka ee gudaha Hindiya waxaa ay kabtan u tahay koox lagu magacabo Mumbai oo ku guulaystay horyaalka gudaha Hindiya bishii macrch .
Xirfadeed sare ee ciyaaraha ayaa soo shaac baxay kadib markii 2017-kii 171 dhibcooda ay kaga adkaaden xulka Hindiya xulka Ustureeliya oo aygu helay 115 koobkii aduunka ee ciyaaraha haweenka ,waxaan taas ay u horseeday in ay garan warregga kama danbeeysta ah.
Deyeon Lee, Kuuriyadda Koonfureed
Aas,aasah shirkada Kpop4planet
Iyada oo isticmaalaysa shirkadeeda Kpop4planet,Deyeon Lee waxaa ay mideeysanaysa Tageerayaasheeda ku sugn aduunka oo dhan si wax looga qabto cimiladda.
tan iyo markii ay biloowday kooxda olaolaha deeganka,waxaa ay waydiisatay dadka sameeynt leh ee Kuuriyadda Koonfureed,in qaadan talaabooyin wax looga qabanayo cimiladda iyo in tamarta.
kooxdu waxaa ay iftiimiyeen sameeynta deeganka ee qulqulka qashinka,taas ku qasbatay kooxda K-pop in ay door ka qaataan ayga oo internetka isticmaalay.
Deyeon Lee waxaa hadda heesaheeda ay diirada ku saaraysa,si meesha looga saaro dhibaatada xun ee cimiladda ,taas oo hada ay caan ku noqotayiyada iyo koxda K-pop .
Marka aan u istaagno cadaaladda Bulshada ,marnaba ma quusano ilaa aan isbadal sameeyno,waxaan cadeeynaya mar kale iyo mar kale in aan sii wadi doono in aan u dagaalno wax ka qabashada cimilladda.
Deyeon Lee
Justina Miles, Mareykan
Dhagoole
Bishii Feebaraayo Super Bowl LVII, mid ka mid ah dhacdooyinka isboortiga ee loogu daawashada badan yahay aduunka, Justina Miles waxay samaysay taariikh.
Jilniinkeeda oo aah luuqada suul dhabaalah ee oo dhagoolayaasha ayaa fayras galay markii ay xaday qaar ka mid ah halyeeyada caanka ah ee Rihanna onkod iyada oo saxeexday erayada mega-star.
Tani waxay ka dhigtay haweeneydii ugu horeysay ee dhagool ah oo ku qabata Luqadda Calaamadaha Ameerikaanka (ASL) bandhigga wakhtiga nuska ah ee sharafta leh ee Super Bowl. Qaaditaankeedii hore ee ASL ee Kor u qaadida Cod kasta iyo Hees - oo loo yaqaan Heesta Qaranka Madow - ayaa sidoo kale ahayd tii ugu horreysay ee munaasabadda ka qaado.
Miles waxay rabtaa inay aduunka tusto matalad dhab ah oo dadka dhagoolayaasha ah waxayna rajaynaysaa inay furto shaqadeeda si ay u tababarto kalkaaliyayaal badan oo dhegoolayaal ah.
Dia Mirza, Hindiya
Jilaa
Jilaa Dia Mirza keliya uguma guuleysan abaal-marinno doorarkeeda shaleemooyinka Hindiya, balse waxay sidoo kale ku lug lahayd mashaariic badan oo deegaan iyo kuwo bani'aadannimada ah.
Iyadoo Safiir u ah Barnaamijka QM ee Deegaanka, Mirza waxay faafisaa farriin ku aaddan arrimaha sida isbeddelka cimilada, hawo nadiif ah, iyo dhowridda xayawaanka.
Waa aasaasaha Sheekooyina Hal Hindiya, oo ah warbaahin ujeeddadeedu tahay sheegidda sheekooyin saameyn leh, taas, oo sida ay sheegtay, 'kaa dhigeysa inaad hakato oo aad fekerto'.
Sidoo kale waxay safiir u tahay Save the Children, hay'adda caalamiga ah ee Fund for Animal Welfare, waxayna xubin ka tahay Ururka Sanctury Nature Foundation.
Zandile Ndhlovu, Koonfur Afrika
Macalin feerka ah .
Waa haweenaydii ugu horeeysay ee Koonfur Afrika ee mcalin Feer noqOta,Zandile Ndhlove waxaa ay doonaysa in gaarto badda iyo kala duwanaasho fara badan.
Waxay aas,aasatay xarunt The Black Mermaid Foundation taas dhalinyarada iyo bulshooyinka maxliga ah u soo bandhigta badda ,iyadoo rajaysanaysa in ay ka caawiso kooxah cusub in ay isticmaalan,goobaha madadaaldda, si xirfadoda iyo ciyaaraha ay sare ugu qadaan.
Ndhlovu waa sahamiso baddweynta ,sheeko yaqan,iyo film sameeyso, waxaa ay isticmaasha xirfaddahana si ay gacan ugu gaysto qaabeeynta,jiilka cusub,iyo ilaalinta Badda weynta Guardian,dadka waxaa ay barta wasakhowga badda iyo kor u kac heerarka badda oo ka qeyb qaata ilaalinta deeganka .
waxaa rajo i galiya marka laga hadlayo isbadallka cilimadda,codadka da'yart ee sare u sii kacy si bulshada ay isbadal ugu keenan.
Zandile Ndhlovu
Alice Oseman, Ingiriis
Qoraa Filimada
Waa qoraa iyo sawir qaade ku guuleeystay abaalmarinta heer caalami ah ,waxaa ay qortay sheekooyin ka mid ah kuw ugu iibka iyo akhriska badan ee dhalinyarada ee heartsopper ,sidoo kale waxa ay qortay sheekada ku sabsan dadka isku jinsiga ah ee Emmy ee ku guuleystay billad Netflix.
waxaa sidoo kale ay qortay sheekooyin kale kuwaas oo ay ku lahyeen door walba sida masarax jilniinka iyo musiga
Iyada oo 19 jir ah ayay qortay buugga kala duwan dhalinyarada iyo dadka waaweyn kuwaas oo ay ka mid yihiin Radio Silence,loveless iyo Solitaire
Mid ka mid ah Buuggta ay qortay ayaa ku guuleeystay dhawra abaalmarin oo ay ka mid yihiin,Yaa Buugga Prize ,the inky award ,the Carnegie Medal iyothe Goodreads Choice Awards
Aziza Sbatiy, Lubnaan
Waxa lagu maamusa in ay tahay "haweenayda ugu dheeraysa dalka Lubnaan taariikh ahaan "kadib markii ay jabisay rikoorka ah 100-ka Mitir ah,Aziza Sbaity mar kale ayay qabsatay ciwaanada warbaahinta dalkaasi, kadib markii ay noqotay ciyaaryahanadii ugu horeeysa madow ee ku guuleeystay dahab ciyaaraha galbeed Aasiyaiyo Carabta ee Sanadka.
Hooyadeed waa laabeeriyaan aabaheedna waa Lubnaanis ,ayada oo 11 jir ah ayaa la kenaya dalka Lubnaan waxaana ay kala kulntay midab takoor iyo cunsirnimo.
Ciyaaruhu waxaa ay u noqdeen meel ay ka hesho awoodda iyo karti ayad oo balan qaday in ay sii wadi doon u dooddist xaquuqada .
Saameeynta ay ku leedahay bulshada dhaxdeeda ayay u isticmaasha si ay uga hadasho takoorka ka jira wadankeeda,sidoo kale waxaa ay doodda sinaanta bulshada ,waan arrimo ay kala shaqeeyso Jaamacadaha iyo Dugisyada si dhalinyarada loo dhiirgaliyo.
Khine Hnin Wai, Minimaar
Atariisho
Khine Hnin Wai 25 sano ka hor ayay atirisho ka soo bilaawday waxayna caan ku noqotay doorkeda hogaamiye ka ah filmka San Ye. Waxay sii waday inay noqoto mid ka mid ah atariishooyinka ugu guulaha badan shineemo Burma.
Hadda waxay caan ku tahay hawlaheeda samafalka ah. 2014, waxay aasaastay Khine Hnin Wai Foundation, oo ah hay'ad samafal oo taageerta arrimo kala duwan, oo ay ku jiraan daryeelka agoonta iyo carruurta la dayacay.
waxay hadda xanaanaysaa ku dhawaad 100 carruur ah oo waalidiintood aysan awoodin inay taageeraan sababo kala duwan.
Waa safiir ka hortagga ka ganacsiga carruurta.
Biance Williams, Ingiriis
Ciyaartooyo ciyaaraha fudud
Biance Williams waxaa ay ku guulaystay billada dahabka ee 4x100M ee Midowga Yurub iyo dalalka barwaaqo-soorka .sanadkii 2023 waxaa ay noqotay kabtanka xulka Ingiriiska,Northern Ireland ciyaarihii Championshipka ee Yurub.
Bishii Luuliyo kaalinta labaad ayay ku dhameeystay ciyaartii oradka ee 200m ee horyaalka ciyaaraha fududka ee Uk , si ay u xaqiijiso booskeeda ciyaaraha fudud ee Ingiriiska ee Budapest.
Sanadkii 2020 iyada iyo saaxiibkeed Dos Santos ciidanka booliska Ingiriiska ee London ayaa joojiyay oo baaritaan ku sameeyay.
Williams iyo Dos Santos ayaa waxaa ay sameeyn cabasho rasmi ah ,ayga oo booliska ku eedayay fal isir nacayb ah.laba sargal ayaa waxaa lagu helay fal-danbiyeed culus kaas oo sababay in shaqada laga cayriyo.
Siyaasadda & U doodidda
Neema Namadamu , Jamuuriyadda Dimuqraadiga ah ee koongo
u ololeeysa xaquuqadda dadka Naafada ah
ururka lagu magacaabo kacdoonka haweenka halyeeyga ah ama Mama Shuja waxaa ay ka shaqeeyaan sidii loo hormarin karo nolasha haweenka iyo gabdhaha yaryarka ah ee Koongo.
Neema Namadamu oo ah mid u doodda xaquuqada naafada ayaa aas,aasatay ururka maxaliga ah kaas oo isticmaala waxabasharada iyo Teknolajiyda si loo xoojiyo codka haweenka si ay u helilaan xaquuqdooda.
Waxaa ay ku dhalatay baadiyaha bariga Koongo Namadamu,waxa ku dhacay cudurka dabeeysha ayada oo laba sano jira ah,waa haweeenaydii naafada ahyed ee ugu horeeysay qabiilkeeda oo Jaamacada ka qalinjabisa.
waxaa ay ka mid noqtay golaha baarlaamanka ,iyo la taliyaha haweenka iyo qoyska
Christiana Figueres , Costa Rica
Dulumaasiyadda iyo u doode siyaasadda cimiladda
2009-kii shirkii Qaramada midoobeey ee ka dhacay Copenhagan ee looga hadalayay cimiladda markii uu istaagay oo la isku mari wayay Christiana ayaa keentay xal khilaafka lagu dhamaynayo.
Waxaa loo magacaabay xogeeyaha fulinta Qaramada midoobeey ,ee heshiiskii isbedallka cmiladda,Figueres waxaa ay dajisay lixdii sano ee ku xigtay qorshe lagu hubinayo in la xaqiijiyo dhaqan galinta heshiisayada cimiladda ee la wadaago.
Ayada oo laga ambaqaadayo shaqadii ay qabtay kuu dhawaad 200 dhinac ayaa saxiixaday heshiiskii taariikhiga ah ee Paris ,kaas oo ah heshiis caalami ah oo lagu dajinayo ballanqaadka ah in la ilaaliyo kor ukac heerkulka aduunka celcelis ahaan 2.0c ee heerka warshadaha.
Figueres waa aas'aasaha Global Optimism oo ah haa'yadda ka shaqeeysa ganacsiyda si kaalin uga qaatan xalalka waar ee deeganka.
Mararka qaar waxaan dareema murug iyo xanuun badan ,oo aan awoodin wax aan sameeyo ,shacuurtayda iyo caradayda ayaa ku qariyaa naftayda ,mar kale waa xanaaqa ,aniga oo garan la'a waxa aan sameeyo ,waa muhiim in aan xoojinaa wax ka qabashada isbadlka cimiladda si aan u ilaalino mustaqablka carrurteena iyo ,dhaxalkii awoowayaasheen.
Christiana Figueres
Dehenna Davison , Ingiriis
Xubin ka tirsan baarlamaanka
Sanadkii 2019 -kii ayay Dehena Davison ay noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee muxaafid ah ee laga soo doorto xaafada Bishop Auckland tan iyo makii Xaafada loo aqoonsaday sanadkii 1985. waxaa sidoo kale ay noqtay wasiir awoodda badan oo si weyn ugu ololeeyadhaqdhaqaaqa bulshada iyo soo kabasho waarta.
Bishii Sabtembar ee 2023-kii ayay iska casishay xilkii wasiirnimo ,waxaa si daahfuran ay ugu hadashay in xanuun uu ku dhacay.
Ayada oo 13 sano jir ah ayaa aabaheed feer lagu dilay,taas oo Davison ku khasabtay in ay gasho siyaasadda,waxaa ay aas'aastay kooxo ka kooban dhamaan xisbiyada Baarlaamka Ingiriiska oo ka hadal arrimaha ku saabsan tacadiga feerka,iyo dib u habeeyn lagu sameeyo hananka xukunka cadaladda feerka ee Ingiriiska .
Daaweeynta xanuunka Dhanjafka raaga iyo xal u helida Kansarka sababadda ayay si weyn sidoo kale dhaqdhaqaqada .
Sofia Kosacheva , Ruushka
Dab damis
Sofia Kosacheva billowgiii xirfadeed waxaa ay ahyed macalimada, laakin sanadkii 2010 ayay ku biirtay kooxaha dab damiska.
Waa mid ka mid ah kooxaha dab damiska ,waxaan ay abuurtay urur dad mutadawiciin oo gacan ka gaysta wax ka qabashada dabka Ruushka,in ka badan 25 kooxda ayay ka hirgalisay guud ahan dalka Ruushka oo dhan .
waxaa ay gacan ka gaystay daminta dhawra boqol oo dab oo ka kacay guud ahaan Ruushka,ayada oo kaashanaysa ururkeeda Greenpeace oo markii Ruushka sheegay in uu yahay urur aan loo baahanyn waxaan la xiray dhamaan xarumihiis .
Kasacheva waxaa kale oo ay sameeeysay Madal Online ah oo iskaa wax u qabso ah kana shaqeeysa dab damiska Keymaha taas oo loo arko xoga aruuriyaha ugu weyn Ruushka ee laga heli karo macluumaad ku saabsan sida looga hortagi karo isla markaan loo xakameeyn karo dabka keymaha .
si kast oo ay isbadelka cimiladda uu yahay mid weyn hadan guul kast oo weyn wax yar ayay ka bilaabtaa ,waxaa ay u ekaan kartaa in aan yarnahay oo aan waxba ka badli karin caalamka,laakin isbedallka waa in aan ka billowno hareerahayga .
Sofia Kosacheva
,
U ololeeysa haweenka iyo dadka la waayo.
Kadib markii la wayay walaasheed 2008 Bernadette smith waxaa ay si hagar,la,aan ah u baadi goobtay jawaabaha ku xeran.
Waxay noqotay u doode hormuud u ah qoysaska maqan iyo dilka haweenka iyo gabdhaha asaliga ah ee Canada oo dhan waxayna samaysay isbahaysi si ay gacan uga geystaan isku-dubbaridka waxqabadka iyo helitaanka jawaabaha.
Waxay kaloo aasaastay Drag the Red, oo ah hindise Webiga Cas ee Winnipeg looga baarayo maydadka ama caddaynta dadka maqan.
Smith ayaa dhawaan loo doortay Golaha Sharci-dejinta ee Manitoba mar saddexaad, waxayna samaysay taariikhda markii ugu horreysay labada haween ee Qaranka koowaad loo magacaabay wasiirro ka tirsan gobolka. Hadda waxay u shaqeysaa sidii wasiirka guriyeynta, balwadaha iyo guri la'aanta.,
Yasmina Benslimane, Marooko
Aasaasihii Xarunta Siyaasadda4Her
Waxaa ay diirada saarta horumarinta sinnaanta jinsiga, Yasmina Benslimane waxay aasaastay Politics4Her, taasoo kor u qaadaysa ka-qaybgalka haweenka iyo gabdhaha da'da yar ee siyaasadda iyo habka go'aan qaadashada.
Markii dhulgariir ba'an uu ku dhuftey waddankeeda Marooko bishii Sebtembar, Benslimane iyo ururkeeda waxay ku baaqeen jawaab celin xasaasi ah oo jinsiga ah.
Waxay daabacday qoraal muujinaya caqabadaha u gaarka ah haweenka iyo gabdhaha kuwaas oo ay uga sii dari doonto masiibada, sida saboolnimada xilliga iyo guurka khasabka ah.
Waa la-taliye iyo xubin guddi dhowr ah,oo aan faa'iido doon ahayn, waxay ka caawisaa haweenka da'da yar inay horumariyaan xirfadahooda hoggaamineed. Shaqadeeda waxay ku mutaysatay abaal marinta nabad-dhisaha haweenka ee Qaramada Midoobay.
Yael Braudo-Bahat, Israa'iil
u ololeysa Nabada
Waa agaasimaha Mashuuc( WWP)Yael Braudo-Bahat waxay u dhaqdhaqaaqAda nabadeed waxaan ururk xubno ka ah in ka badan 50,000 oo Israa;iilyiin ah.
Waxaa la asaasay 2014, WWP waxay raadinaysaa xal siyaasadeed oo laga wada xaajoodo khilaafka Israa'iil iyo Falastiin, iyadoo xoogga saaraysa doorka haweenka ee geeddi-socodka nabadda.
Labadii sano ee la soo dhaafay, WWP waxay la shaqaynaysay dhaqdhaqaaqa haweenka Falastiin.
Braudo-Bahat waxay sheegtay inay abaal badan ku leedahay la-taliyeheeda, u dhaqdhaqaaqa nabada iyo aasaasaha WWP, Vivian Silver, oo u huray tobanaan sano oo nolosheeda ah sidii ay u kobcin lahayd isfahamka iyo sinnaanta udhaxaysa Israel iyo Falastiiniyiinta. Silver ayaa lagu dilay weerarka Xamaas 7 Oktoobar 2023.
Alicia Cahuiya, Ecuador
u doodda Xaquuqada dadka Asaliga ah.
Iyada oo hormuud u ah dagaalka lagu ilaalinayo kaymaha roobka ee Amazonian ee Ecuador, Alicia Cahuiya ayaa sanadkan guul weyn gaartay.
Afti taariikhi ah oo dhacday bishii Agoosto, Ecuadoriyiintu waxay u codeeyeen in la joojiyo dhammaan ceelasha saliidda ee cusub ee Yasuní National Park - go'aankaas oo macnaheedu yahay in shirkadda saliidda ee dawladdu ay soo afjarto hawlaheeda mid ka mid ah gobollada ugu kala duwan ee meeraha, kaas oo hoy u ah dadka asaliga ah.
Cahuiya, oo ku dhalatay Yasuní, isla markaana ah hogaamiyaha qaranka Waorani (NAWE), ayaa u ololaynaysay aftida in ka badan toban sano.
Hadda waa madaxa qaybta haweenka ee Isutagga dadka asaliga ah ee Ecuador.
Isbeddelka cimiladu wax badan ayay badlay, taas oo sababtay daadad baabi'iya dalagyada beeraha. Qorraxdu marka ay aad u kulushahay oo ay abaarto waxaa lumaya qayb weyn oo ka mid ah cuntadeenna, taas oo murugo weyn nagu beertay, iyadoo dhammaan dadaalladii la geliyay dalagga ay noqdeen kuwo khasaaray.
Alicia Cahuiya
Shamso Caraweelo, Soomaali/ iyo Ingiriis
U ololeeysa joojinta gudniinka fircooniga ah
Shamso Caraweelo waxaa ay si adag ugu ololeeysa joojinta gudniinka fircooniga ah,waxaan si bulshada ay ugu wacyi galiso arintan ay isticmaasha baraha bulshada iyo, intertenteka oo muqaalo ay soo galiso .
Caraweelo waxaa ay ku dhalatay Soomaaliya ,laakin hada waxaa ay dagantahay Ingiriiska ,ayada oo lix sano jir ah ayay dhibane u noqotay gudniinka fircooniga ah oo ah mid dumarka laga jarayo qeyb yar oo ku jirta xubinta taranka ,ayada oo aan la siin tixgalin caafimaad.
Ayada adeegsanaysa barteeda Tiktok ee ay ku xiran yihiin in ka badan 70 Malyan waxaa uu hadafkeedu yahay in qof walba ogaado dhibaatada gudniniinka fircooniga ah.
Waxay hada caawisa Muwaadiniinta Ingiriiska ee ku xayiran dibada kuwaas oo la kulma wax loogu yeero tacadiga ka dhanka ah sharaft qofka,booliska London ayay kala talis arrimaha ku saabsan gudniinka fircooniga ,waxaan ay aas'aastay urur samafal ah oo lagu magacaabo (Beerta Nabad)
Amal Clooney, UK/Lubnaan
Qareen xuquuqda aadanaha
Amal Clooney waa qareen xuquuqda aadanaha oo abaal-marin ku guuleysatay taasoo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeyneysay difaacidda dhibbanayaasha caddaaladda.
Kiisaskeedii ugu mudnaa waxay ahaayeen xasuuq ka dhacay Armenia iyo Myanmar, tacaddiyo galmo oo ka dhan ah haween ku sugan Malawi iyo Kenya, iyo dembiyo ka dhan ah bani'aadannimada Ukraine.
Guulihii dhowaan waxaa ka mid ah wakiil u noqoshada dhibbanayaasha dagaalyahan IS iyo qabqable dagaal oo Darfur ah. Waxay gacan ka geysatay soo celinta xorriyatul-qowlka weriyeyaasha iyo maxaabiis siyaasadeed oo kale oo ay beegsadeen maamullo hore oo keligood-talis ahaa.
Waxay bare sare ka tahay Iskuulka Sharciga ee Colombia waxayna wax ka aasaastay Ururka Clooney ee Caddaaladda, kaasoo taageero sharci oo bilaash ah siiya dhibbanayaasha tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee in ka badan 40 dal.
Bella Galhos, East Timo
U dhaqdhaqaqa siyaasasdeedda
Waxaa ay sameeysay olole siyaasadeed oo an cabsi lahyeen,Bella Golhas waxaa ay kaalin ka qaadatay isbedal ku yimid East Timor oo sidoo kalna loo yaqaano Timor leste, ka hore xornimadii iyo kadib markii ay Induniisiya xornimada ka qaateen sanadkii 2002.
Sanadihii ay dibada jooga ka ahyeed dalkeeda,waxaa ay safar ku martay qeybo badan oo ka mid ah aduunka ,aydad oo u ololeeynaysa in dadkeeda ay helaan madax banaani,markii ay dib u lasooo noqdeen xornimadooda bariga Timor waxaa ay qeyb ka ahyed dib u dhiska dalka, kaas oo sanado colaado iyo rabashadaha ay kala baran dadku noqdeen kuwa sobool ah.
2015 ayay furtay dugsiga Leublora kaas hadafkiisu yahay in kor qaado hormar waare ,dhiirgalinaya in carruurta ay noqdaan wakiiladda isbedalka cimilladda ee Mustaqabalka.
Golhos hada waa la taliyaha madaxweynaha Bariga Timor ,waxaan ay diirada saarta kobcinta dhaqaalah haweenka iyo harmarinta bulshada isku jinsiga ah.
Rina Gonoi, Jabaan
Sargaal hore oo militari ah
Haween askar ah ayaa kaalmo u fidiyay Rina Gonoi oo xiligaasi ahyed 11 sano jira,itii lagu guda jiray daad-gureeyntii kadib dhulgariirkii 2011 ,waxaan xilgaasi wixii ka danbeeyay ay ku hamminaysay in ay noqoto ciidanka japan.
Waxaa ay noqotay sargaal ,laakin riyadeedii carrurnimo ayaa burburtay kadib markii ay si joogta ula kulantay tacadi dhanka galmada ah.
Gonoi ayaa ka baxday ciidanka Militariga 2022 ,waxaan ay biloowday olole dadweyne oo ku baaqaysa isla xisaabtan,taas oo ah shaqo culus marka loo eego bulsho ragu ay maamulaan,ayna ceebtahay haweenka ka badbaada xad-gudubka Jinsiga in ay isa soo shaac bixiyaan.
Kiiskeeda ayaa ku qasabay ciidanka in ay sameeyaan baaritaan gudaha ah kaas oo soo shaac bixiyay in ka badan 100 dacwo oo la mid ah teeda. wasaarradda gaashandhiga ayaa soo saartay raali ay siinayso Gonoi.
Sonia Guajajara, Baraaziil
Wasiiru Dowle
Waa Qof caan ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa xuquuqda wadaniga ah ee Brazil, 2023 Sonia Guajajara waxay noqotay wasiirkii ugu horreeyay ee waddankeeda dadka u dhashay, oo lagu ammaanay magacaabis taariikhiga ah oo uu sameeyay madaxweynaha cusub ee Lula da Silva.
Waxay wacad ku martay inay dagaalka ka dhanka ah dambiyada deegaanka ayka dhigi doonto mid ka mid ah mudnaanta koowaad.
Guajajara waxaa dhalay waalidiin aan waxna qorin waxna akhrin oo ku nool Araribóia, oo ku taal gobolka Amazon, halkaas oo cimillad ay saameyn ku yeshay burburka cimilada isbeddelka cimilada.
Waxay diiday in ay barto suugaanta, waxaa ay ku shaqaysay kalkaalisanimo iyo macalinka, oo ah xirfad ay biloowday . Sannadkii 2022 waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee congress-ka asaliga ah ee gobolka São Paulo.
Waa inaan ka fikirnaa sidii loo horumarin lahaa caddaaladda cimilada iyo la dagaalanka cunsuriyadda deegaanka, sababtoo ah dadka sida ugu wanaagsan u ilaalin kara deegaanka ayaa ah kuwa ugu horreeya uguna badan ee ay saameeyeen burburkeeda. Anaga, dadka asaliga ah, ayaa ah ilaaliyaha dhabta ah ee kala duwanaanshaha noolaha.
Sonia Guajajara
Renita Holmes,
Olalaha Guriyeeynta
Dadka dagan xaafada Miamis ee dariska la ah Haiti ,Madame Renita Holmes waa aas,aasaha iyo agaasimaha shirkada guryaheena sidoo kale waa la taliye gancsiga iyo hantida ee Gobalka ,Florida ee Mareykanka
Waxay u ololaysaa xaquuda in gurayo ay helaan bulshooyinka la hayb sooco oo ay ku jiran, kuwa ay saameeysay isbeddalka cimilada ayada oo sare u kaca heerka badda uu keeno in uu sare u kaco qiimaha hantida meelaha ka foga xeebaha badda
Waxaa soo korisay ayada iyo 11 caruur ah oo kale hooyo kaligeed ilmaha korsata ,Holmes waa qof weyn oo naafo ah
Waxaa ay ka tirsan tahay barmaamijka Machadka Cleo ee awoodda siinta haweenka iyo adkeysiga kaas oo diirada saaraya wax ka qabashada cimillada ayada oo la marayo sayniska iyo waxbarashada ,waxaa ay ka caawisaa wakaalada guryaha arrimaha la xariir Afrika iyo Mareykanka ee haweenka .
Waxaa jirta rajo ah in aan u aqoonsanno curaartayada in aan nahay dumar leh Dhulka. Waxaan nahay adkeysi, xoog badan, laga dhigay inaan kobcino; tallaabo ayaan qaadaynaa, waananu ilaalinaynaa.
Renita Holmes
Natasa Kandic, Serbia
Qareen iyo u doodeed xaquuda bulshada rayidka
Tan iyo markii dagaalka uu ka qarxay Yugoslavia horaantii 1990 Natasa waxaa ay diwaan galisay, xad -gudubyo dagaal oo ay ka mid yihiin Kufsi,jirdil,qaarajin ,iyo dadka lawaayo.
Maxkamdda danbiyadda dagaalka ee Balgrade ayay ka hor matashay qoyeska dhibanayaasha ah ee qowmiyadaha kala duwan,waxaan ay qeyb ka ahyed koox si adag u baartay siyaassadd dowladda Seerbiya iyo hogaamiyaha awoodd badan ee Slobodan Milosevic ee ku wajahnayda Kosovo
Kandic waa aas,aasaha xarunta sharciga bin,aadantinimada oo inta badan lagu aamano baritaankeed dhaxdhaxaadka ee danbiyada dagaalka
Waxay gacan ka gaystay abaabulka dib u heshiisiinta shabkada RECOM ee doonaysa soo bandhigida xaqiiqooyinka dagaalka Balkan,oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 130,000 oo qof.
Rukshana Kapali, Nepal
U doodda xaquuqada guriyeynta e
Waa xubin ka tirsan dadka Asaliga ee Nepal ee lagu Magacaabo New Nation ama Qaranka Cusu,xaquuqada aadanaha iyo dadka isku jinisga ah ayay u ololeeysa,yaraanteedii waxaa ay dhibaato ka wajahday macluumada ku saabsan aqoonsigeedda.
Ayada oo yare ayay biloowday in ay si adag ugu doodo dadka isku jinsiga, waxaana ay la falgashay oo aqoon kala duwan ay ka bartay dhaqamada kala duwan iyo bulshooyinka ku xeeran.
Waa arday dhigta sanadka sadexaad ee kuliyadda sharciga,si firfircoon ayay ugu doodda xaquuqada iyo Horaminta dadka isku jinsjiga ah ee dalka Nepal LGBTQ+.
Kapali tariikha ahaan waxaa ay kasoo jeeda qabiil la faquuqo, oo Qomiyada Jugi u dagaal kala dhaxeeyo kuwas oo doonaya in ay ka qixiyaan gurayahoda.
Monica Mcwilliams, Ingiriis
Siyaasi hore u dhaqadhaqaaqe nabada iyo wada xaajoodka ah
25 sano ayaa laga jooga tan iyo markii la saxiixay heshiiskii loogu magac daray jimacah wanaagsan ee Waqooyiga Ireland.Monica Mcwilliams ayaa door muhiim ah ka ciyaartay gorgortankii hshiiska lagu gaaray ee horseeday nadaamaka xisbiyada badan.
Waxaa ay aasaastay isbahaysiga haweenka Waqooyiga Ireland oo ah xisbi siyaasadeeddkii meesha ka saaray kala qaybsanaantii ka dhaxe jirtay koxihii heshiiska nabada.
Waxaa loo doortay golahii sharci -dajenta ee ugu horeyay waqooyiga Ireland ,waxaa sidoo kal ay ahyed gudoomiyaha Guddiga xaquuqad aadanaha Ireland ,waxaa ayna diyaadisaya xeerka xaquuqadda bin,aadmka ee Irealnd .
Mcwilliams Hadda Waa madaxa Gudigga xal u helida kooxaha hubeeysan,sidoo kale wax ka qorta tacadiga ka dhanka ah haweenka.
Najla Mohamed-Lamin, Saxaraha Galbeed
U doodda Xuuquuqda haweenka iyo u dhaqdhaqaaqa cimilada
Aasaasaha Xarunta Maktabadda Almasar, Najla Mohamed-Lamin waxay doonaysaa inay haweenka iyo carruurta ka barto caafimaadka iyo deegaanka ee xeryaha qaxootiga Saharaxaha ee koonfur-galbeed Algeria.
Qoyskeedu waxay asal ahaan ka soo jeedaan Galbeedka Saxaraha, oo hore u gumaysan jiray Isbaanishka, oo ay la wareegtay Morocco 1975 iyo mawduuca muran dhuleed oo muddo dheer socday. Waxa lagu khasbay in ay musaafuris ka baxaan ka dib markii ay ka soo carareen qalalaasaha.
Maxamed-Lamiin waxa ay ku dhalatay kuna soo barbaartay xeryo qoxooti, iyada oo dhallinyaro ah waxa ay baratay Ingiriisi, waxa ay u tarjumi jirtay wufuud ajaanibiga ah, waxa ay u suurtogashay in ay dibadda wax ku barato ka dib markii ay heshay deeq waxbarasho
Ka dib markii ay ka qalin jabisay Kuliyda horumarka waara iyo waxbarashada haweenka, waxay ku soo noqotay xeryaha si ay u caawiso in ka badan 200,000 oo qaxooti Saharawi ah wax ka qabashada biyaha iyo cunto yarida oo ay uga sii dartay isbedelka cimilada.
Waa in aan ka hortagnaa saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimiladu ee gobolka saxaraha ah, kaas oo aan arkayno guryaheenna oo ay si joogto ah u burburiyaan daadad iyo ciid, dadkeenana ay la il daran yihiin heerkul aad u daran. Waxaasoo dhan, markii dadkeenu aanay waxba ku soo kordhin dhibaatada cimilada.
Najla Mohamed-Lamin
Ulanda Mtamba, Malawi
U ololeysa ka hortagga guurka carruurta
Ulanda Mtamba ayaa kusoo dhex kortay bulsho deggan Lilongwe, Malawi, taasoo taageero aad u yar siisay waxbarashada haweenka, iyadoo gabdho badan cadaadis lagu saaray inay ka baxaan iskuulka si ay u guursadaan kahor intaysan gaarin da'da 18.
Mtamba ayaa la loollantay dhaqankii bulshada keliyana kama aysan qalinjebin jaamacad balse waxay sidoo kale qaadatay shahaadada sare ee master.
Waxay u ololeysaa xoojinta shuruucda jira ee gabdhaha ka difaacaya guurka xilliga hore, iyo sidoo kale maalgelin badan oo wax looga qabro khatarta caafimaad ee la xiriirta uurka xilliga hore.
Haatan waa agaasimaha Malawi ee AGE Africa, oo ah urur u dooda in dhammaanba gabdhaha qaaradda ay si siman u helaan dugsi sare.
Tamar Museridze, Georgia
Weriye
Weriye telefishin Tamara Museridze - oo sidoo kale loo yaqaanno Tamuna - ayaa weji aad looga yaqaanno ka ahayd warbaahinta shacabka ee Georgia iyadoo 18 jir ahayd balse nolosheeda ayaa aad isu beddeshay markii, iyado 31 jir ah, ay ogaatay in la korsaday.
Wax walba wya joojisay si ay u raadiso waaliddiinteedii dhalay intii ay baadi-goobka ku guda jirtayna waxay ogaatay xaqiiqda ah in suuqa madow ee ballaaran ee ilmo korsiga uu ka socday Georgia tan iyo sanadkii 1950meeyadii.
Waxay hirgelisay kooxda Facebook "waxaan raadinayaa" kaasoo guud ahaan dalkaas looga wada hadlo ilmo korsiga sharci-darrada ah, inta badan carruurta laga soo qaato isbitaallada dhalmada.
Ururka Museridze ayaa gacan ka geystay midoobidda ilaa 800 oo qoysas, balse weli kuweeda ayay raadineysaa.
Mitchelle Obama, Mareykanka
Xeer-ilaaliye, qoraa iyo ololeyso
Marwadii Koowaad ee hore ee Mareykanka Mitchelle Obama waa aasaasaha Isbahaysiga Fursadda Gabdhaha, oo taageera ururrada caalamka ee ka shaqeeya hubinta in gabdhuhu helaan waxbarashada ay u qalmaan.
Tan waxay ku dhisan tahay U oggolow Gabdhaha inay Waxbartaan, waa barnaamij ay Obama daah-furtay markii ay Marwada Koowaad ahayd kaasoo dowladda Mareykankana ka qeyb qaadatay si gabdhaha yaryar ee daafaha dunida looga caawiyo inay helaan waxbarasho tayo leh.
Marwada Koowaad ahaan, waxay u ololeysay saddex barnaamij oo kale oo waaweyn: Aan Dhaqaaqno! oo lagu doonayay in waaliddiinta laga caawiyo korinta carruur caafimaad qaba; Ciidamada ku Biiraya oo taageeri jiray shaqaalaha adeegga ee Mareykaka, kuwa howlgabka noqday, iyo qoysaskooda; iyo Meel sare Gaar - oo ilaa maanta ay weli ka shaqeyneyso - wuxuu da'yarta ku dhiirrigeliyaa inay hiigsadaan waxbarasho sare.
Sepideh Rashnu, Iiran
Qoraa iyo fanaan
Sepideh Rashnu waxaa ay caan ka noqotay Iran iyada oo si cad uga soo horjeestay xeerarka xijaabka ee qasabka ah.
Gacan ka hadal ayaa dhex maray ayada iyo haween kale oo fulinaysa amarka Madaxda xijaabka khasabka ee Iiran xil bas la socotay.
Iyadoo weli xabsiga ku jirta, waxay ka soo muuqatay TV-ga dowladda iyadoo weji dhaawac ah, "raaligelin ka bixineysa" hab-dhaqankeeda. Tani waxay ahayd bishii Luulyo 2022, toddobaadyo uun ka hor intaanay 22-jir Mahsa Amini dhimatay iyadoo ay gacanta ku hayaan booliiska anshaxa ee Iran.
Horaantii sanadkan, Rashnu ayaa maxkamad la soo taagay ka dib markii ay internetka ay soo dhigtaysawiradeeda iyada oo aan xijaaban. Waxa ay sheegtay in laga joojiyay jaamacada dhaq-dhaqaaqeeda.
Hadda waa laga siidayay xabsiga waxayna sii waddaa inay ka hortimaado xeerarka xijaabka ee qasabka ah.
Iryna Stavchuk, Ukraine
La taliyaha siyaasadda cimilada
Khabiir hormuud u ah siyaasadaha cimilada, Iryna Stavchuk ayaa dhawaan ku biirtay Hay'adda Cimilada Yurub waa maareeyaha barnaamijka Ukraine, iyada oo ujeeddada ugu weyni tahay qaabaynta xalalka cagaarka iyo cimilada-caddaynta ee dib u soo kabashada waddanka.
Ka hor inta aysan qabna shaqadan , waxay u shaqeysay dowladda Ukraine waxaa ay ahyed wasiir ku xigeenka deegaanka 2019 iayaa loo magacabay waxaan ay xilkaasi haysay laa 2022 waxayna mas'uul ka ahayd siyaasadaha isbeddelka cimilada, isdhexgalka Yurub, xiriirka caalamiga ah iyo kala duwanaanshaha noolaha.
Stavchuk sidoo kale waa aasaasaha laba haa'yaddood oo deegaanka caanka ah kuwaas oo kale Ecoaction iyo Kyiv Cyclists' Association (U-Cycle) - waxayna isku dubarideen shabakadaha gobolka ee kooxaha bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya arrimaha isbedelka cimilada.
Hawsheenu waa inaan ku dadaalno xaaladda aan ku jirno.Waxaan ku dhaqmayna oraahadii , Saint Francis of Assisi ee ahyed: "Ka bilow inaad sameyso waxa lagama maarmaanka ah; ka dibna samee waxa suurtagal ah; si lama filaan ah waxaad samaynaysaa wax aan macquul ahayn."
Iryna Stavchuk
Gloria Steinem, Mareykanka
Hoggaamiye u ololeysa haweenka
Iyadoo hoggaamiso ka ahayd dhaqdhaqaaqa haweenka ee dunida tan iyo sanadihii 1970-meeyadii, doorka Gloria Steinem ee u doodidda haweenka waxaa muddo sanado ah laga aqoonsanaa caalamka.
Steinem waxay ka shaqeysay arrimaha sinnaanta iyadoo ahayd u doode, weriye, qoraa, bare sare, iyo afhayeenad warbaahin.
Sidoo kale waxay wax ka aasaastay Ms. Magazine, oo markii ugu horreysay soo baxay 1971 welina jira maanta, waa kii ugu horreeyay Mareykanka ee soo bandhiga arrimaha dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.
Iyadoo jirta 89, Steinem waxay sii waddaa shaqadeeda duni caddaalad ah iyadoo taageerta ururro sida Women's Media Center, Isbahyasiga ERA iyo Equality Now.
Summia Tora, Afgaanistaan
U ololeeysa xaquuqadda dadka qooxtiga ah.
kadib la wareegidi kooxda Taaliban xukunka dalka Afgaanista Summia waxaa ay biloowday Shabakada Dosti oo ah urur agabyo kala duwan iyo xog siiyo dadka ku nool Afgaanistaan iyo kuwa qaxootiga ah.
Maadam ay horey u argtay nolasha qaxootinimada aas'aasaha ururka Summia Tora waxaa dareemi kartaa dhibaatada ay wajahaan dadka barkacayaash ah.
Mudnaanta ayay siisa sidii dib u dajin ay u heli layeen dadka barakacayaasha ah iyo waxabarasho ay helaan carruurta ay colaadahu saameeyeen.
Waxaa ay fahmsantahay awoodda waxbarashada ee isbedallka,Tora waxaa ay lasoo shaqeeysay urur kala duwan oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobey, Bankiga aduunka,Mashruuc (Malal fundand and Schmidt Future). ayada oo kaashanaysa dhinacayadaan kala duwan waxaa ay ku dadaalaysa sidii waxabarasho ay u lehi lahaayeen haweenka iyo gabdhah qaxootiga ah .
Xu Zaozao, Shiinaha
U oluleeyaha qaboojinta ukonta taranka
Sanadakii 2018, waxey kashaqeeysey iney keydiso ugxaanta dumark ee ukon istaalada dadweynaha ee ku yala Beijing. Lakinse, Xu Zaozao, uu ah gabadh aan laqabin, ayaa wax loo sheegey in fursadan ay tahay mid ufuran kaliya dadka xaas ka ah ee dalka Shiinaha.
dacawada ka dhan ah isbitaalka ayay gaysay maxkamadda,waxaan noqotey qofki ugu horeeyey ee dacwad sharci ka fura in haweenka aan laqabin eey keydin karaan ugxaantooda.
Dacwadan ugubka ah, taas oo bilaabatey sanadki 2019, ayaa warbaahinta qabsatey, ayaduu walaac laga muujiyey guud ahaan heerka hoose dalmada wadanka
maxkamada wali meysan soo saarin gooanki kama danbeesta ee kusaabsan kiiskan. lakin, kiiska XU waxa daraaseeyey khubarada sharciga, caafimaadka iyo akhlaaqda. Xiligan la jooga, Xu wa mid kamid gabdhaha ugu caansan ee u dooda xaquuqada dhalmada iyo xoriyda jirkooda.
Maryam Al khawaja, Baxrayna iyo Denmarka
U ololeeysa xaquuqadda aadanaha .
Maryam Al khawaja oo haysta dhalashada dalalka Baxrayn iyo Denmarka ,waxaa ay u doodda xaquuqadda aada'naha waxaan ay horseed u tahay isbadel lagu sameeyo Siyaassadda Baxrayn iyo tan Khaliijka.
Ololaheeda ayaa ku salayana iftiiminta Xadgudubyada ka dhanka ah xaquuqada bin'aadamka,gaar ahaan sii daynta aabaheed oo xirana,yada oo isticmalaysa hal ku dhigeedii ahaa Free Alkhawaja, oo ahaa nin caan ku ah u qaramida ururada bulshada rayidka iyo maxbuus ku xukuman xabsi daa'in kaib markii ka qeyb galay mudaharaada dowladda Baxrayna looga soo horjeedo oo dhacay 2011.
AL-khawaja waxaa uu kasoo shaqeeysay gudiyo kala duwan oo ay ku jiraan Civicus,gudigga adeega caalamiga ah ee xaquuqada aadanaha ,had waxaa ay ka howlgasha urur haweenka u qareema oo lagu magacaabo FRIEDA and physicians for Humen Rigts.
Sayniska, Caafimaadka & Teknolojiyadda
Sonia Kastner , Mareykanka
Ka hortaga dab-damiska iyo Tiknoolajiyadda.
Sanadkan dab ayaa ka kacay mid keymaha ugu weyn aduunka,ayada oo kooxaha dab-damiska ay la halgamayaan sidii loo damni lahaa oo uusan ugu faafi lahyeen meel kale.Sonia Kastner waxaa ay aas,aasatay urur caawinay in xili hore la sii ogaado inta uusan dabku kicin.
Pano AL uses waaa caqali macmal ah oo tiknoolajiyada ku shaqeeya kaas oo diray jawaab deg deg ah in hor inta uusan dabku faafin meel kale ,waxaa kale oo diray sawiro iyo muqallo ,waxaan mararka qaar uu sameeya digniin,aaladdan macmalka ah waxaa looga maarma in dadweynaha ay soo sheegan kicitaanka dabka .
Kastner waxaaay horey uga soo shaqeeysay muddo 10 sano ah qeybaha kala duwn eeTiknoolajiyadda.
Waxaa rajo i galinaya awoodda cajiibka ah ee hal abuurka aadanaha,waxaan marqaati ka noqaday talaabaii koobada tiknolajiyada ee wax looga qabanayo isbedallka cimiladda.
Sonia Kastner
Leanne Cullen -Unsworth , Ingiriiska
Saynis yahano badda
Cowska ka baxa aaga baddawaxaa uu awoodda u leeeyahay in uu kaydiyo kaarboonka,lagu xanaaneeyo kalluunka, laakin qaar ka mid ah deeganada biyaha ayaa sii xumanaysa.
Leanne Cullen -Unsworth waa mid ka mid ah aas,aasaha iyo maamulaha Masharuuc Cowseynta aaga badddaha ee Seagrass kaas oo ah qorshe wax tar u leh badda
Mashruuc waxaa uu fududeeynaya habka loo isticmaalo robotka ee abuurka beerah,kaas oo ka caawin kara dalallka kale in ay so celiyaan ,seeraha biyaha ee badda hoose.
Waa saynisyahanadda leh in ka badan 20 sano oo waayo-arragnimo ah,oo ku saabsan cilmi baarista badda,Cullen Unsworth waxaa ay diirada saarta ilaalinta deeganka iyo Sayniska ee Cimiladda.
Waxaa jira waxyabo badan oo ay tahay in qofka kasta kaligiisa uu sameyo oo guul ka gaaro, laakin hadii dadku ay si wadjir ah u shaqeeyna oo aqoonta la wadaago ,waxaan hubaa in aan dib u soo noolayna karno deeganka muhiimka u ah noolasheena.
Leanne Cullen -Unsworth
Tran Gam , Vietnam
Mulkiilaha shirka shidaalka
Sanadkii 2012 ayay biloowday Tran Gam in ay soo bandhigto ilo tamar oo aan sameeyna ku lahyeen cimillada isla markaan beeraha ku wnagsan gudaha dalka Vietnam.
Waa hooyo haysta laba carruur,waxaa ay aragtay fursada suuqa ka jirta, waxaana ay biloowday ganacsi,cusub oo dhirta ku sabaasan kaas oo markii danbe ay si weyn ugu ballarisay sadex gobal oo diris la ah gobalka ay ku nooshahay.
Mashruuceeda ayaa ka caawiye beeralayda in yareeyaan kharashka koranta , ayga oo digada lo'da,doofaarka iyo qashinka darare tamar u badlay,waxaan loo arka in ay tahay tamar keeni karta xal waar oo loo isticmaali karo karinta cunta iyo guryaha.
Ganacsiga Tran's waxaa qeyb ka qaaanay bulshooyinka maxaliga ah waxaan uu xoojinaya taageeradda siyaaassadeed loo baahan yahay si loo yareeynta khatarah cimillada.
Waa in aan noolaan ,waa in aan sifiican u noolaanaa,sidaas darteeda waxaan isku dayaynaa in aan la qabsano ,oo aan ilaalino kuwa aan jecelnahay,aniga oo kor u qaadayn caafimaadken,sida jimicsiga jirka ,cunista cunto dheeli tiran ,iyo ilaalinta waqtiga hurdad,sidoo kale waxan dhiira galinaa in dadka ku noolaadan nolal dabiic ah ,ayn cunaan khudaarta iyo miraha,waan in aan ka hortagnaa iscimaalka kiimikadda ee khudaarta.
Tran Gam
Gladys Kalema -Zikusoka , Uganda
Hanaanada Xoolaha
Waa xeel dheere ku guuleeystay abaal marinta ilaalint deeganka ,waxaa ay daryeesha caafimaadka,ayada oo ka shaqeeysa sidii ay u badbadin lahyeed buuraha grorillas ,kuwaas oo hada wajahay khatar dhank isbedlka cimillada ah
Waa aas,asaha iyo maamulaha urur ka shaqeeya ilaalinta caafimadka dadweynah,waxaa ay kor u qaad ilaalinta kala duwanashaha noolaha ,taas oo Xojinysa wada noolashada dadka iyo duurjoogta,ayga oo hormarinaya caafimaadka iyo deeganka .
30-kii sano ee shaqeeynaysa waxaa ay gacan ka gaystay in kor u kaco tiradda danyeeraha ku nool buuraha markii hore ahaa ilaa 300 balse hada gaaray ilaa 500,waxaan hoos u dhacay khatarah ay wajahaan .
Kalema -Zikusoka waxaa sanadkii 2021 loo magacaabay Madaxada qaramada midoobey ee Deeganka .
Waxaa rajo igu abuur in wax laga qabto isbedallka cimiladda sii xumaanaya ,waxaan garoowsanahay in loo baahan yahayin wax laga qabto dhibaatada isbeallka cimilladda iyo khatarah.
Gladys Kalema -Zikusoka
Elham Youssefian , Iran iyo Mareykan.
La taliyE cimilada iyo naafada
Waa qareen xaquulul insaanka oo arag naafo ka ah,Elham Youssefian waxaa ay u doodda ku darida dadka naafada ah ,marka wax laga qanayo isbeddalka cimiladda,gaar ahaan marka laga hadlayo wax ka qabashada isbedallka cimilladda.
Waxaa ay ku dhalatay kuna soo barbaartay dalka Iran,Youssefian waxaa ay u haajirtay dalka Mareynkanka sanadkii 2016 -kii ,waxaa ay door muhiim ah ka ciyaartay isbahaysiga naafanimada caalamiga ah,oo shabakada Caalami ah ,oo ka koban 1,100 urur matalaya dadka naafaada ah.
Qorshaheeda waa in kaalinta muuqata iyo door shariif ah ay qaatan marka laga hadlayo wax qabashada isbedallka cimilladda ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ,sidoo kale ay hormuud u tahay,dadaalad wax ka qabashada cimiladda .
Anagu hadii aan nahay dadka naafada ah,waxaan cadaynayna in waqti kast iyo mar walba aan diyaar u nahay in door ka qaadano wax ka qabshada caqabadaha isbedalka cimiladda oo aan safaka ka galna dadaalka lagu xalinayo.
Elham Youssefian
Timnit Gebru , Mareykanka
Khabiir Teknolajiyada ah
Timnit Gebru waa aasaasaha iyo agaasimaha fulinta Machadka cilmi baaritsta garadka macmalka ah ee (DAIR) kaas oo u jeedadiisa tahay in baaritaan madax banaan oo qoto dheere uu ku sameeyo waxyeellada shikaradaha waaweyn Teknolajiyadda.
Waxaa ay dhaleecaysay eexashada jinsiga ku saleeysan ee shirakaha Teknolajiydda ee aqoonsiga wajiyadda ,waxaan ay aasaatayn urur samafal ah oo ka shaqeeya Garaadka Macmalka ah.
Waa Saynasyahanada Kumbuyuutarka ah oou dhalatay dalka Itoobiya,waxaa ku jirtaa gudiga AddisCoder oo wax bar ardayda Itoobiy.
Mar ay ahyed hormuudka gudiga anshax ee shirkada Goole sanadkii 2020 waxa ay qortay warqada Akadhamiyda cilmiyeed ah oo ku saabsan arrimaha badqabka Luuqada,oo ay ku jiran exada loo gaysto dadka la hayba sooco iyo kuwa laga tirada badan yahay.
Warbixinta ay qortay ayaa sababtay in Shirkada ay ka tagto, kadib markii uu iska indho tiray in uu ka jawaabo eedamaha lagu soo badhigay cilmi baarista, Gebru ayaa ugu iska casishay shaqdii Google ay ka haysay waxaa ay tilaamanay in goobaha shaqada ay ka jiran kala sooco.
Claudia Goldin , Mareykanka
Dhaqaale yahan ku guuleystay billada Nabada.
Claudia Goldin oo taariikhahanada Mareykan ah ayaa sidoo kale ah xeel dheere dhanka dhaqaalaha ah ,waxaa ay ku guuleeystay billada dhaqaalaha oo ay ku muteeystay kaalinta ay ka qaadatay shaqo abuurka haweenka iyo u doodid fariqiga kala sareeynta mushaaka ee jinsiga .
Waa haweenayadii sadexaada ee la siiyo abaal marinta,taas oo aysan qaadan raggii ay soo wada shaqeeya.
Glodin waa bare sare oo dhaqaalah ka dhiga Henry lee ee Jamacadda Harvard, waxaa cilmi baaris ay ka sameysa Mowduucayo ay ka mid yihiin,sinaan la,aanta Dakhliga, waxabarashada, iyo Socadaalka .
Cilmi baarista ugu saameeynta ee ay wax ka qortay ayaa ah,shaqada haweenka iyo qoyeska,sameeynta daawooyinka ka hortagga uurka, iyo go'aan qaadashada marka la joogo guurka .
Amin Al -bish, Siiriya
howlaha Gurmadka.
Iyadoo wali uu socad dagaalka sokeeye ee Suuriya 2017, Amina Al-Bish waxay go'aansatay inay noqoto mid ka mid ah haweenkii ugu horreeyay ee mutadawiciin ah ee Difaaca Madaniga ah ee Suuriya, oo ah urur mutadawiciin ah, iyada oo rajaynaysa in ay badbaadiso nolosha dadka rayidka ah ee dhaawacmay.
Aamina ayaa markii dambe si mutadawacnimo ah isugu xilqaantay samata-bixinta dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirradii ku dhuftay Suuriya iyo Turkiga bishii Febraayo 2023, kuwaas oo burburiyay xaafado iyo xubno qoyskeeda ah mid ah.
Hadda Amina waxa ay ka shaqeysaa sidii ay u horumarin lahayd nolosha haweenka kale ee bulshadeeda ee ku nool waqooyiga Suuriya, halkaas oo uu dagaalku ka socdo. Waxay wadaa shahaado Maamulka Ganacsiga waxayna sheegtay in riyadeedu ay tahay inay ka qayb qaadato dhismaha Suuriya oo nabad ah.
Basima Abdulrahaman, Ciraaq
Ganacsade beeraha Cagaaran.
Sanadkii 2014 markii kooxda la magaca baxday dowladda islaamig ah ,ayna la wareegatay qeybo ka mid ah Ciraaq, Basima Abdulrahman waxaa ay Jaamacadda ka baranaysa Dalka Mareykanka .
Magaalooyin badan oo ku yaal Ciraaq ayaa dagaalka ku burburay,laakin Basima Abdulrahman dalkeeda ayay kusoo laabtay markii ay soo dhameeysay heerka labada ee Jaamacdda oo kusoo bartay kuliyadda Injireeriyadda ,si dalka dib ay ugu dhisto.
waxaa ay aas,aastay KESKA, oo ah hindisihii ugu horeeyay ee Ciraaqa ee loogu talgalay dhisamaha Ciraaqada Cagaaran,waxaa ay ogaatay in abuurista dhismayaal carsi ah ay tahay mid dalka muhiima u ah ,ayda oo laistcmaalayo tiknoolajiyadii ugu danbeysay iyo tamarta waxtarka u leh.
Waxaa ay u heellan tahay in ay hubiso in habka dhisamaha maanta uusan ahyen mid saameyn ku mustqabalka jiilka cusub .
Inta badan waxaan ka welwelaa dhibaatooyinka cimilladda,waxaan la yaabanahay sida qof kast uu nabad u heli karo hadii aan xal loo helin isbadellka cimilladda .
Basima Abdulrahaman
Sara Al-Saqqa, Dhulka Falstiin
Dhaqatar khalniinka ah
Dr Sara Al-Saqqa oo ah haweeneydii ugu horreysay ee dhakhtar qalliin oo Falastiini ah oo shahaado ka qaadatay Gaza, waxay ka shaqeysaa isbitaalkeeda ugu weyn, Al-Shifa.
Waxay adeegsanaysay barteeda Instagram-ka si ay u diiwaangeliso waayo-aragnimada daaweynta dadka ku jira dagaalka. Isbitaalka Al-Shifa ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan iyadoo Israa’iil ay cadaadis ku saartay duullaanka ka dhanka ah Xamaas.
Al-Saqqa ayaa maalmahan dambe soo bandhigtay koronto la’aan, shidaal, biyo iyo cunto la’aan, taasoo keentay in isbitaalka uu wax ka qaban wayay bukaanada. Waxa ay ku qasbanaatay in ay ka baxdo Al-Shifa wax yar ka hor inta aysan askarta Israa’iil weerarin isbitaalka, waxa ay ciidamada difaaca Israa’iil ku tilmaameen howlgal bartilmaameed ah oo ka dhan ah Xamaas.
Al-Saqqa waxay caafimaadka ka bartay Jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza, waxaanaa ay qalliinka kasoo bartay Jaamacadda Queen Mary ee magaalada London. hadda ma aha dhakhtarka keliya ee dumarka ah ee Gaza, iyada oo qaar kale oo badan ayaajir.
Bayang, Shiinaha
Qoraa iyo u dood daryeelk deeganka
Laga soo bilaabo 2018 Bayang waxaa ay biloowday qorista xasuusa la xariir deeganka ,dhibaatooyinka cimiladda iyo isbedallka hawada,iyo dhirta.
Waxaa ay ku nooshahay gobalka Qinghai ee dalka shiinaha halkaasi oo si ba'an u saameeyay isbedallka cimilladda iyo heerkulka ka dhashay saxarowga iyo barafka deeganka .
Bayang waxa ay qeyb ka tahay koox haween ah oo lagu magacaabo Sanjiangyuan oo u doodda caafimaadk,deeganka iyo adkaysiga xalalka waara ee bulshooyinka.
Waxaa ay leedahay xirfado,u sahlaysa in ay saarto alaab aan saameyn ku lahyeen deeganka ,sida saabuunta bacaha,kuwaas oo dhamaan qeyb ka qaadanaya ilaalinta deeganka. ,
Susan Chomba, Kenya
Waa agaasimaha ah Machadka Kheyraadka Adduunka (WRI), Susan Chomba waxay sheegtay in waayo-aragnimadeeda saboolnimada ee carruurnimada ee Gobolka Kirinyaga ee bartamaha Kenya ay ku dhiirigelisay inay gacan ka geysato horumarinta nolosha dadka kale.
Waxay walaac ka qabta ilaalinta kaymaha, soo celinta muuqaalka iyo isbeddelka hababka cuntada ee Afrika.
Laga soo bilaabo kaymaha kulaylaha ah ee Congo Basin ilaa dhulka qalalan ee Galbeedka Afrika ee Saaxil, iyo sidoo kale bariga Afrika, Chomba waxay wakhti ku bixisaa la shaqaynta beeralayda yar yar, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, si ay uga caawiyaan sidii ay uga faa'iidaysan lahaayeen dhulkooda.
Waxay khibradeeda la wadaagtaa dawladaha iyo cilmi-baarayaasha si ay u dhisaan bulshooyin adkeysi leh marka loo eego xoojinta isbedelka cimilada.
Waxaa aad ii saamaysay wax-qabad la’aanta madaxda adduunka, gaar ahaan kuwa ka imanaya shirkadaha waaweyn ee hawada qiiqa ku sii daaya, kuwaas oo iyaguna awood dhaqaale u leh inay wax ka beddelaan jihada ay ku socdaan, laakiin ay dib u dhigaan lacag, awood iyo siyaasad. Si aan u maareeyo dareenkaas, waxaan naftayda ku khasaby ficillo gudaha ah, anigoo haweenka iyo dhalinyarada Afrika oo dhan kala shaqeeya ilaalinta dabeecadda iyo soo celinta, beddelaadda hababka cuntada iyo siyaasadaha beddelka.
Susan Chomba
Canan Dagdeviren, Turkiga
Saynisyahan iyo hal-abuure
Waa bare sare oo ka tirsan Macahadka Massachusetts ee Teknolajiyada(MiT) ee Mareykanka ,waxaa ay dhawaan ay iqtiraacaday qalab lagu ogaanayo Kansarka Naahsaha marka uu yahay marxaladaha hore.
Qalabka lagu garanayo marxaladaha hore ee Kansarka ayay hal abuurtay kadib markii eedaddeed 49 jir ahyed laga helay Kansarka naasaha oo ah marxaldii ugu danbeeysay waloow ay dhawra jeer iska baartay ,waa ay dhimatay lix bil kadib.
Geeridii eedaddeed kadib Dagdeviren waxaa ay dajisay qorshe adag iyo qalab lagu dhax rakibayo rajabeetad dumarka kaas oo lagu ogaanayo isla markaan si joogta u baaray shaqsiyaadka khatarta sare ugu jira in uu ku dhaco Kansarka naasaha ,waan qorshe Tignolajiyadu ku badbaadinayso nolasha malaayiin qof.
Izabela Dluzyk, Poland
Injineerada Duubista Codka
Izabela Dluzyk waxaa ay jabaisay rikoor cusub ,waxaan ay doonaysa duubto dhawaqa dahsoon ee kasoo baxay mid ka mid ah Keymaha ugu weyn looguna ilaalinta badan ee Yurub kaas oo ku yaal Polond.
Mihnada ay ku jirto ma ahan fudud waan shaqo ay badnaa qabtaan Raggu, oo aan looga baran gabar da'da yare oo dhalatay iyada oo arago naafo ka ah.
Dluzyka waxaa ay dareen gooni ah ay u yeelatay jubuqada shinbiraha ,iyada oo aqoonsan karta codadka shimbiraha kadib markii qoyeskeed ay siiyen markii ay 12 sano jira cajnalada duubta coadadka shimbiraha ,waxaan ay fahmi kartaa codadka kaa duwan ee shimaraha.
waxaa ay aaminsantahay in fahamka codadka shimiraha ay tahay mudnaan oo gooni ah oo aan lala wadaagin "dhamaan quruxdad raaxada "ee dabeecaddaha kala duwan ayada oo aan eegin kala duwanashah shimiraha dhaxdooda ah.
Marcela Farnandez, Kolombiya
Hagta safarada
Marcela waxaa ay bulshooyinka maxaliga ah ku hagta halka ay heli karaan biyaha macaanka ah, kuwaas oo hada ka sii dhamaanaya dalka Kolombiya .
ayada iyo saaxiibkeed waxaa ay aas,aaseen haa'yadda maxali ah oo lagu magacaabo (White peaks) taas oo bulshooyinka ka wacyigalisa arrimha la xiriir heltaanka biyaha macaan ee wabiyada iyo haraha,kuwaas oo hada kasii dhamaaanay dalkasi.
Ayada oo loo marayo safar cilmiyeed ay qeyb ka yihiin koox buuraha fuula,sawir qaadayaal,saynisyahano,iyo farshaxanyahano,Farnandez iyo kooxdeed waxa ay la socodaan oo hormariyaan habab cusub oo looga hortagayo gurtaanka wabiyada.
Mashruuceeda, "Pazabordo "ama (peace on board) waxaa ay safar ku martaa goobaha colaadaha ay saameeyneen 50 -kii sano ee Kolombiya dagaalku ka jiray.
Waayitaanka biyaha nadiifta ah ee wabiyada wa kuwa murugo leh,markii aad maqasho in la waayay waxaa ku soo gaaraya dhaawac,aadan kasoo kaban karin laakin wali wax ayan qban karnaa.
Marcela Farnandez
Anna Huttunen, Filaan
khabiir Saameeynta Kaaboonka tiknolajiyad
Anna Huttunen waxaa ay siweyn ugu doodda sugnaanta iyo xalka waare ee deegnka,waxaan ay gadaal ka riixaday,cdhireeynta magalaadda Lahti ee dalka Filaan oo sanadkii 2021 loogu magac daray Caasimada Cagaaran ee Yurub.
Waxaa ay hogaamisay oo tusaale u ahyed hananka ganacsiga kaarbonka oo ah mid sare ,waxaan iqtiraacaday hanankii ugu horeeyay ee muwaadiniinta dalkaasi u sahlay in ay isticmaalan,gadiidlka aan lahyeen saameynta bay'ad sida baaskiil oo kale iyo dgadiidka dadweynaha .
Waxaa ay hada la-taliye ahaan ugu shaqeeysa haa'yadda cimiladda u dooodda oo lagu magacaabo Netzerocities, oo magaalooyinka Yurub ka caawisa in ay gaaran heerka dhaxdhaxaadnimadda ee Cimilladda ee 2030.
Hadafka Huttunen waa in dadka oo dhan ay si xamaasad leh ay ugu ololeeyna xalka waare ee deeganka,waxaan sidoo kale ay aad ugu doodda wadista baaskiilka oo ay u aragto mustabalka gadiidka magaalooyinka .
Dowladah hoose ee aduunka waxa ka buux dad la yaab leh oo ka shaqeeya sidii muwaadinootooda u heli lahyeen nolal waart,ka qeyb qaado ka mid noqo kuwa k shaqeeya isbedalka cimiladd.
Anna Huttunen
Astrid Linder, Sweden
Barafasoor badbaadada wadooyinka
Muddo tobanaan sano ah, baabuurta ayaa la soo saaray iyadoo la isticmaalayo qashinka, waxaa jiir shilal bahasan oo muujinayaan ragga u badan yihiin inkastoo tirakoobyadu ay muujinayaan in haweenku ay halis ugu jiraan dhaawac ama dhimasho haddii ay dhacdo isku dhac xagga hore ah.
Injineer Astrid Linder waxaa ay ka shaqeeyay in taas isbeddel, iyada oo hoggaamisa mashruuca si loo abuuro dunidu celceliska cabbirka dumarka ee ugu horreeya adduunka, kaas oo tixgelinaya qaab-dhismeedka jidhka haweenka.
Waa Bare sare oo ka tirsan Machadka Badbaadada Gaadiidka iyo Cilmi-baarista Waddooyinka qaranka Sweden ee (VTI) sidoo kale waa borofisar ku-xigeenka Jaamacadda Chalmers, Linder waa khabiir ku takhasusay Makaaniga iyo ka hortagga dhaawaca waddooyinka.
Neha Mankani, Pakistan
Gurijooga
Markii daadadka ba'an ku dhufteen dalka Pakistan sanadkii hore Neha Mankani waxaa ay u safartay meelaha ay dhibaatada ka dhacday si dadka ay wax ugu qabto.
Ayada oo adeegsanaysa Haayaddda samfalka ah ee Mama baby Fund Mankani iyo kooxdeed waxaa ay adeeg caafimad oo ku sabsan hooyada iyo dhalanka ay siiyeen inka badan 15,000 oo qooyes oo dadaadku saameeyn.
Adeegyada ay bixiso ayay diirada ku saarta kuwa dhaqaale ahan hoosey ,ka jawaabida xaaladdaha deg deg ah iyo bulshooyinka ay sameeyeen cimiladda.
Haa'yadda samafalka ah ee Mama baby fund ayaa hada aruurisay lacag ku filan in lagu gado gawaarida gurmadka deg deg ah si loogu qaado haweenka uurka leh ,ee ku nool meelaha u dhaw xeebaha ,si loo gaarsiiyo goobaha caafimad iyo isbitaalka ku dhaw si loo daaweeyo.
Shaqada umulisooyinka ee bulshooyinka wajahaya dhibaatooyinka cimilladda la xariir iyo musiibooyinka waa muhiim,waxaan nahay kuwa ugu horeeya ee ka jawaaba isbadallka cimiladda,kuwaas oo hubinaya in haweenku ay sii wadi karaan helitanka daryeelka ay u baahan yihiin ,xataa xaalada ay ku noolyihiin ay sii xumanayso.
Neha Mankani
Wanjira Mathai, Kenya
La taliye dhanka deegaanka ah
Waa hogaamiye dhiirgalisa qaraada dhan,Wanjira Mathai waxaa ay leedahay khibrada waayo argnimo oo dhan 20 sano, oo ay u ololeeynaysa isbedallka bulshada iyo deganka.
Waa madaxa dhaqdhaqaaqa Cagaaran,oo ah urur maxali ah ka dhisan dalka Kenya,kaas oo ka shaqeeya awoodda siinta haweenka, iyo beerista dhirta.waxaan ururka aas,aastay Wanjira hooyadeed oo sanadkii 2004 ku guuleeystay abaalmarinta nabada ee Nobel peace Prize.
Mathai hada waa agaasimaha maamulka Afrika iyo iskaashiga caalamiga ah ee machadka khayreedka duunka iyo gudoomiyaha Haa'yadda Wangari Maathai Foundation.
Sidoo kale hada waa lataliyah Afrika ee Sanduuq Bezos Earth iyo isbahaysig "clean cooking" iyo Machadka cimiladda ee yurub Foundation.
Tallaabooyinka guaha waa muhiim, waxaan u baahanahay in aan taageerno,dadaaladda maxaliga ah ee ku saleeysan bulshooyinka gudaha ah sida ganacstada,soo celinta tamarta dabiiciga ah iyo dhamaan dadaaladda wax looga qabanayo cimiladda waxa ay siinayan rajo ah in wax la qaban karo.
Wanjira Mathai
Isabel Farias Meyer, Chile
U ololeysa xanuunka dayska
Isabel Farias Meyer waligeed uma maleeyna in sugnan la,aanta waqtiga caadad ee aan caadiga ahyan uu calaamada u yahay cudurka Dayska , laakin taas ayay ogaatay markii ay 18 jir ay noqotay waqtigaas oo lagu arkay xanuunka Dayska, oo ah ugxaan oo istaagta si deg deg ah, waa xaalada dhacada marka ugxaato ay joojiyaan shaqadooda saxda ah,waana mid saameeysa haweenka 1%haweenka da'doodu ay gaartay 40 sano.
Waxaa suurgal ah in haweenka isku arka calaamadaha la mid ah kuwa dayska ayga oo da'dooda ay yar tahay.Farias ayaana si aan gabasho lahyeen ugu hadashaa waayo-aragnimadeed ku saabsan noolasheeda xanuunka.
Suxufiyadaan 30-jirka ayaa billoowday shabakadii ugu horeeysay heer gobol oo looga hadlayo xanuunka Dayska ee waqtiga hore ee latin Ameerika ,si bulshada loo gaarsiiyo macluumaadka, ku saabsan xanuunka,loolana dagaalamo khuraafaadka laga sameeyay dadka la nool cudurka.
Natalie Psaila, Malta
Dhaqatar
Malta waa mid ka mid ahh dalalka Yurub ee leh sharciga ugu adag marka laga hadlayo ilamaha la iska soo xaaqo,Natalie Psaila waxaa hawenka ay ka caawisa la- talinta caafimaad ee arrinta ku saabsan.
Waxaa ay aas'aastay ururka dhaqatiir ah oo ka jir Malta,waxaan si adaga ay ugu doodda sharciga ilo iska soo xaaqida iyo ka hortagista uurka si wanaagsan.
Psaila ayaa waxaa sheegtay in Malta ay u dhawdahay in laga mamnuuco ilmo iska soo ridka, ayada oo la ogal -yahay hadii nafta haweenayada ay halis ku jirto,taas oo lagu fasiray in haweenka daawada ay qaataan ayga oo aan helin la-talin caafimaad. waxaa ay abuurtay khad toos ah oo haweenka lagu siiyo talooyin caafimaadk ka hore inta aysan ilamaha iska soo xaaqin iyo kadib labadaba.
Waxaa ay qortay buugga loogu talgalay carrurta ,da'dood u dhaxeeyso 10-ilaa 13 -ka waxaan buugga loogu magacdaray socadaalka cajiibka ah ee jirkayga kas oo ay doonayso in uu qeyb ka qaato hormarka aqoonta cafimaadka taranka ee dalka.
Olena Rozvodovska, Ukraine
u doodda xaquuqadda carrurta.
shaqada Olena Rozvadovska waxaa ay tahay in ay ka caawiso carrurta dalka Ukraina in kasoo kabtaan sameeynta dagaalka .waa mid ka mid ah aas,aasaha ololah loogu magacadaray Codka carrurta oo ah oo ha'ayadda Samafal dhanka dhimarka ah.
billowga hindisaha ururkaan oo ah mid maxali ah ayaa la daahfuray sanadkii2019, afar sano kadib markii Rozvadovska markii ay si Mutadacanimo ah ugu biirtay kooxda goon ugaaska ee Ruushka taageero ee gobalka Denbas kuwaas oo markaas bilaabay dagaal ka dhan ah Ukrain.
ururka hada waxaa uu leeyahaya in ka badan 100, dhaqatiirta oo cilmu nafsi iyo 14 xarumood oo lagu caawiyo kumaanaan carrur iyo waalidiin ah.
Rozavdovska waxaa qeyb ka qaadatay billada Oskarka. kooxadeed waxaa ay qoreen buugga llagu magacaabo(war through the voices of children)
Rumaitha Al Busaidi, Cumaan
Saynis yahan
Haweenka iyo Gabdhaha, waxaad qayb ka yihiin Xalka Cimilada waa ciwaanka saynis yahanadda reer Cumaan Rumaitha Al Busaidi 2021 TED Talk, kaas oo urursaday in ka badan hal milyan oo aragtiyood oo ka tarjumaysa u ololaynta xuquuqda haweenka Carabta.
Khibradda Al Busaidi ayaa horseeday in kaalinta Golaha Dhallinyarada Carabta ee Isbeddelka Cimilada iyo Bulshada Deegaanka ee Cumaan.
Waxay sidoo kale kula talisay maamulka Madaxweynaha Mareykanka bixinta gargaarka dibadda ee macluumaadka cimilada, iyo dalxiiska waara.
Waa haweeneydii ugu da'da yaraa oo Cumaan u dhlatay oo gaarta Pole South iyo aasaasaha WomeX, oo ah goob lagu caawiyo haweenka Carabta horumarinta xirfadaha iyo gorgortanka ganacsiga.
Xalka koowaad ee looga gudbi karo isbedelka cimilada waa in la xoojiyo haweenka iyo gabdhaha. Saamaynta ay ku leeyihiin guud ahaan bulshooyinkooda waxay bedeli doontaa fikradaha iyo ficillada waxayna ilaalin doontaa meeshan aan ugu yeerno guriga.
Rumaitha Al Busaidi
Sumini, Induniisiya
maamule Keymaha
Gobolka Muxaafidka ah ee Aceh ma ahan wax caadi ah in haweenka ay hogaamiye noqdaan.
Markii Sumini ay ogaatay in sababta ugu weyn ee fatahaada tuuladeed ay tahay xaalufinta dhirta,taas oo sidoo kale gacan ka gaystay isbeddalka cimilladda,waxaa ay go,aanstay in ay talabo qaado oo ay la shaqeeyso hawenka kale si wax looga qabto isbeallka cimillad.
Kooxdeeda waxaa ay ruqsada ka heshay wassaarrada deeganka iyo keymaha ,oo u ogalaanya in ay ka shaqeeyan tuulada Damaran Baru in ay maamulaan dhul 251 higtar ah oo keyn ah 35 sano.
Hadda waxaa ay hogaamisaa qeybta mareeynta keymaha Tuulladd (LPHK) waxaa ka niyad jabtay jarista sharci darada ah iyo u gaarsashada ,duurjoogta,sida shabeelka iyo kuw kale .
Xaalufinta baahsan iyo ugaarsiga duurjoogta oo aad u baahaym maalamahan keymaha waa in ay helaan feejignan dheerada ah ,marka ay timaado in aan si wadjir ah wax uga qabno dhibaatooyinka cimilladda,iyo noolasha ilaalinta keymaha.
Sumini
Fabiola Trejo, Maxico
Bare cilminafsi
Markii cilmu-nafsiga bulshada Fabiola Trejo ay bilowday safarkeeda waxbarasho, ku dhawaad labaatan sano ka hor, ma jirin wax cilmi baaris ah oo Mexico diiradda lagu saaray raaxada galmada haweenka arrin ku saabsan caddaaladda bulshada.
Trejo waxay wadada u furtay shaqadeeda, taas oo eegaysa sinnaan la'aanta bulshada, rabshadaha ku salaysan jinsiga iyo awoodda siyaasadeed ee raaxada galmada, waxayna raadineysaa inay kor u qaaddo caddaaladda galmada ee haweenka.
Waxay ku doodaysaa in sinnaan la'aanta qaarkood ay dumarka ka dhigaan kuwo nugul galmo ahaan. Iyada oo adeegsanaysa ka-qaybgalka hadalka, cilmi-baadhista sayniska iyo aqoon-is-weydaarsiyo wax-ku-ool ah, waxay ka caawisaa dadka inay sahamiyaan raaxada, kacsiga iyo siigaysashada siyaabaha looga gudbi karo arrimahan.
Shaqadeedu waxay ka soo dhalaalaa Latin America iyo bulshooyinka Isbaanishka ku hadla, halkaas oo arrimaha ku saabsan caafimaadka dumarka iyo jinsiga ay yihiin kuwo mamnuuc ah.
Jinnifer Uchendu, Naajeeriya
u ololeeysa caafimaadka dhimirka
Hammiga ururka ay dhalinyaraddu hogaamiyaan ee Sustyvibes,ee ay aas,aasatay Jannifer Uchendu waa in la sameeyo tilaabooyin wax ku ool ah.
Uchendu oo shaqadaan dhawaan biloowday ayaa diirada saaraysa sameeynta ay dhibaatada cimiladda ku leedahay caafimaadka Maskaxada gaar ahan dhalinayarada qaarada Afrika.
Sanadkii 2022 waxaa ay dajisay mashruuc la dhaho,Eco-Anxiety Africa kaas oo ay uga goleedahay ansixinta iyo ilaalinta sharuucadda cimiladda ee Afrika, ayada oo loo marayo cilmi baaris iyo dooda ku saabsan cilmu nafsiga.
hadafkeedu waa in ay la shaqeeyso dadka iyo haa'yaddah daneeya in ay wax ka qabtaan oo badalaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka cimiladda.
waxa yaabo kala duwan ayaan dareema marka ay timaado dhibaatada cimiladda,waa in aan si tartiib tartiib u sameeyna wixii aan awoodno si aan wax uga qabano cimiladda,aniga oo wadjira ah oo dhamaanteen mid aj.
Jinnifer Uchendu
Anamaria Fornt Villaroel, Venezuela
khabariir cilmiga Fiisigiska
Cilmi baare ku takhakhusay Fiisigiska ,Barfasooradda Anamaria waxa ay diirada saarta aragtida sharaxaysa dhamaan qeybaha kala duwan xooggag waxyaabaha dabiicigga ah kuwaas oo ku jirta tamarta.
Cilmi baarista ay sameeysay Font waxaa ay xoojisay fahamka cawaaqibka ka dhalan kara aragtida la xariirka hanaanka sayniska, marka ay timaaddo qaab-dhismedka madaada loo yaqaano Quantum ee la xariir godadka iyo madaayinka madow
Horey waxaa ay ugu guuleeystay abaalmarinta Fundación polar ee laga bixiyo Venezualan, sanadka ayaa loo doortayin ay ka mid noqoto haweenka la siiyo abaalmarinta Sayniska ee ay bixiso haa'yadda qarmada midoobey ee Sayniska waxbarashada iyo Dhaqanka ee Unesco.
Qiyun woo, Singabuur
Sheeko-yaqaan .
Waxaa ay u ololaysaa deeganka ,sidoo kale waa hal abuur xirfad sare leh,barah bulshada ayay isticmaasha ,si dadka ay ula wadaagto fekradaha ku saabsan saameeynta isbeddalka cimiladda.
Madasheeda online-ka ah ee lagu magacaabo (Weird and the wild) waxaa ay ka shaqeeya in cimilladda iyo sayniska laga dhigo mid lagu noolaan karo,oo aan cabsi lahyeen,sidoo kale waxaa ay diirada saarta nuxurka dooda ku saabsan in bulshooyinka laga qeyb galayo sida talaabooyinka wax looga qabanay isbedallka cimiladd.
Waxaa ay martigalisaa dooda diirada lagu saarayo be'ad iyo deeganka ee Koonfurta Aasiya,taas oo la doonayo wax looga qabto cimilladda .
Sidoo kale waxa ay ka shaqeeya Wargeyska National Geographic iyo soo bandhiga da'yar.
Dhibaatadda cimiladda waa mid adag oo xad dhaaf ah oo cabsi leh,waxaa suurta gal ah in aan arrinta u wajahano si adag laakin dabcsan,intii aan cabsan lahyeen waxa ka qabashada , aan jilcino quluubteena si aan aduunka u ilaalino .
Qiyun woo
100 Haween?
BBC-dda ayaa magacawday 100-ka dumarka ah oo saameyn iyo dhiirigelin leh oo adduunka ah sannad kasta. Waxaan abuurnaa dukumentiyo, muuqaallo iyo wareysiyo ku saabsan noloshooda - sheekooyin dumarka dhigay xarunta oo lagu daabaco lagana sii daayo dhammaan laamaha BBC-da.
Kala Soco BBC 100 Women Instgram iyo Facebook. Si aad qayb uga noqoto warka la xiriira isticmaal #BBC100Women.
Sidee loo soo xushay 100 haween?
BBC 100 Women ayaa sameysay liis magacyo ah oo ay aka xulatay haween ay soo xuleen markii hore Shabakadda BBC ee caalamka la hadasha iyo sidoo kale qaybta BBC Media Action.
Sidoo kale waxaan baadi goobeynaa shaqsiyaad warbixno laga qoray ama si uun saameyn u yeeshay 12 kii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kale kuwa haya sheekooyin dhiirigalin leh ayaan u baahanahay ama gaaray yool muhiim ah ama saameyn ay ku dhex yeesheen bulshadooda dartood wax looga qoray.
Sidoo kale magacyo badan ayaa laga xushay ciwaanada sanadkaan ee isbadalka cimilada iyo tacadiyada haweenka taas oo kentay in liiska lagu soo daro 28 qof oo u ololeysa deegaanka iyo isbadalka cimilada.
Sidoo kale siyaasada iyo arimaha bulshada ayaan soo xulnay haween u tartama kuwaas oo markii dambe la sii kala xulay saameynta ay leeyihiin. Kuwa la xushay ayaa ah ku sameeyay isbadal iskood ah.
Sidoo kale qaarad walba dad matala ayaa lagu soo daray liiskaan si dhexdhexaad uu u noqdo ka hor inta aan la gaarin xulashada kama dambeysta ah. Dhamaan haweenka ayaa fasax laga qaatay ka hor inta aan magacooda lagu soo darin liiska.
Dadka ka shaqeeyay hawshaan:
Kooxda BBC 100 Haweenka ah Valeria Perasso, Amelia Butterly, Rebecca Thorn, Paula Adamo Idoeta, Cordelia Hemming, Laura García, Sarah Dias, Lucy Gilder, Mai Kanaaneh, Mark Shea, Vandana Vijay, Kindah Shair, Haya Al Badarneh, Daria Taradai, Lamees Altalebi, Firouzeh Akbarian, Sana Safi, Kateryna Khinkulova, Tamara Gil, Mouna Ba and Chris Clayton.
Tifaftiraha BBC 100 Haweenka ah Golnoosh Golshani
Qaybta wax soo saarka ee BBC da la hadasha dibadda Roberto Belo-Rovella and Carla Rosch.
Dhaqshadeynta Prina Shah, Jenny Law, Matt Thomas, Pauline Wilson and Oli Powell.
Horumarinta Scott Jarvis, Arun Bhari, Alexander Ivanov, Preeti Vaghela and Holly Frampton.
Xuquuqda sawirada Miller Mobley, Maciek Tomiczek/Oxford Atelier, Arati Kumar-Rao, Hamna Haqqi, Craig Kolesky, Pano AI, L. Reid, Benjamin Jones, Yober Arias, Amanda Triplett, Anny Roberts, Diyor Abdughaforzoda, Doi Inthanon Thailand by UTMB, Qinghai Snowland Greatrivers Environmental Protection Association, Jason Boberg, Chaideer Mahyuddin/AFP, New Balance Paraguay, Jo Anne McArthur, The Cartier Women's Initiative (CWI), Lucy Piper, Louise Mabulo, Christian Tasso, Martin Chang, Konstantin Deryagin, Gabriel Quintão, Abel Canizales, Patrick Wally, Sarah Hale, Jimena Mateot, Lucas Christiansen, Hana Walker-Brown, Woody Morris, Xinyan Yu, Chris Parker Edzordzi Sefogaht, Taseer Beyg, Albert Kamanga Zeeya Creations, Salem Solomon, Luke Nugent, R. David Marks, Lee Tinklim, Satu/VTI, FIFA, Josh Finche, Kibuuka Mukisa, Phoebe Xu, Gregory Vepryk, Darko Tomas CROPIX, Wanjira Mathai, Rufat Ergeshov, Osvaldo Fanton, Dani Pujalte, Giuliano Salvatore, Fondation L'Oreal, Daniel Eduardo, Tatyana Egorova, Dovana Films, Jimmy Day/MIT, Editorial Caminho - Leya, Khine Hnin Wai Foundation, Andrew Sikorsky, Ramón Tolosa Calderón, Mariam Siddiqi, Feral Films, Sebastián Aliaga, Diyor Abdughaforzoda, The White Helmets/Syria Civil Defence, Ellie Varley, DGL Nunnery, Mustafa Abumenes, Emanuele Elo Usai, Fazal Raham Arman, Emilia Trejo, Mattia Zoppellaro, Martin Lupton/Light Collective, Yasmina Benslimane, Pavlo Botanov, Marijeta Mojasevic, LenadraPella/International Federation of Sport Climbing, Gal Mosenson, Getty Images.
Iyo 450 Iibsiga Iibsiga Jirka Mawduuca Mawduucyada Dhaqaalaha Qaababka Qalabka Luqadda ayaa leh Caawinaaddeena Awoodda Caalamiga ah ee Indian Indian Awoodda Ruqsadda. Oggolaashadu waxay umuuqataa inay tahay wax iibsasho, iyadoo aan la eegin falanqayn. Ushki waxay umuuqataa inay la wadaageyso hada turjumaada hagida aqoonsiga hada ee Amitkumar Sunat ay kari karto inay doorato tilmaamaha aadanaha
Joojinta ayaa ku dhow in la dhammeeyo, laakiin macluumaadka isticmaaleha waa la bixin karaa. Laakiin wadahadalka dhameystiran lama jabin karo, laakiin tilmaamaha waa la sii wanaajin karaa. Tan koowaad waa in la ilaaliyo adduunka bulsho ahaan. Luqadda waa luqadda bulshada.